SUPER FARIID: Hay’adda Adeega Dadweynaha Caalamka ee PSI Oo Hargeysa Ku Daah-furtay Mashruuc Waxtar U Leh Caruurta + HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN

0
97

Hargeysa (Hubaal):-Hay’adda caalamiga ah ee adeega dadweynaha ee PSI [Population Service International] ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo ay ugu wan-qashay SUPER Fariid. Mashruucan oo qayb ka ah Mashaariicda Nafaqaynta caruurta yaryar ayaa munaasibada lagu soo bandhigay maanta lagu qabtay xaafada State House-ka ee Magaalada Hargeysa oo ay ku dhaqan yih
iin badiba dadka danyarta ah ee loo yaqaan IDP’s [Internal Displaced People].

Sida laga war qabo Mashruucan waxa ka horeeyey oo taabo galay tiraba Saddex Mashruuc Caafimaad Oo Ay Hay’adda PSI Hore u tijaabisay kaasi oo sida SUPER FARIID oo kale loogu wanqalay Magacyo Af-ka hooyo ku turjuman, sida Mashruucii Marakaneecada dawaysan ee BADBAADO oo Hay’addu dhawr sanno ka hor daah-furtay, sidoo kale waxaa iyaguna sanadihii u dembeeyey hirgalay Mashaariicda BIYO SIFEEYE, SHUBAN DAWEEYE, iyo KALA-koriye.

Si aad u akhrisato Ujeedada Warkan iyo  SAWIRO BADAN oo Khuseeya Daah-furkii SUPER FARIID u Daawato Fadlan Guji Sawirka hoose 

PSI2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here