Suurtagalnimada Hal Baasaaboor Oo Dhexayn doonaa Dalalka Ku Bahoobay Ururka Midowga Afrika

0
46

Waa Kuma Mas’uulkii Ugu Horreeyey ee Soomaali Ah Ee Qaata Baasaaboorkanafricanpassport

Kigali (Hubaal) Shir madaxeedka Afrikaanka ee ka furmay xarunta dalka Rwanda ee Kigali ayaa lagu soo bandhigay baasaboor ay sheegeen in afrika yeelanayso, kaasoo Madaxweynaha dalka Chad Idris Debi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ay ugu hor qaateen. Waxa la sheegay in baasaboorkan cusubi uu qaaradda oo dhan ka dhaxaynayo, lana siin doono dadka oo dhan kaddib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo. Baasaboorkan oo ah mid ay maamulayso hay’adda Midawga Afrika, siday sheegtay Delemina Zuma oo ah madaxa golaha Midowga Afrika baasaboorkan ujeedadiisu waxay tahay in lagu xoojiyo isdhexgalka Afrika, waxaana qorshuhu yahay in madaxda shirka ka qaybgalaysa dhamaantood loo qaybiyo baasaboorka cusub, kaddibna ay bilaabaan sidii ay u meelmarin lahaayeen dhaqan galkiisa. Magaalada Kigali ee dalka Rwanda oo baasaboorka lagu soo bandhigay waxa ka furmay shirka madaxda Afrika ee 27-aad, kaas oo sidoo kale lagaga hadlayo xaaladda Suudaanta Koofureed, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika, isla markaana waxa lagu dooranayaa xubnihii bedeli lahaa Gudoomiyayaasha guddiyada iyo gudoomiyaha guud. Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliya Cabdisalaan Hadliyey oo kamid ahaa wefti uu Madaxweynaha soomaaliya hoggaaminayo oo shirkaasi ka qayb galay ayaa  Noqday Masuulkii Ugu Horeeyay Somaliya Ee Qaata Baasaboorka Midawga Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here