Cabdiraxmaan Koronto Muxuu Ka Yidhi Macasalaamayntiisa Iyo Muddadii Uu BBC-da Joogay?
London (Hubaal):- Madaxiii hore ee laanta afka soomaalida ee idaacadda BBC-da Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) oo Xilkaasi hayay kadib markii uu shaqada ka tegey Yuusuf Garaad Cumar ayaa shalay nabad gelyeeyey idaacaddaas kadibmarkii uu ka hawl galayay lix iyo tobankii sanno ee u dembeeyey, isaga oo ku soo biiray sanadkii 2000-kii. Wariye cabdiraxmaan Koronto oo si kale haddii aynu u nidhaahno BBCda ka hadlayay 5840 maalmood ayaa shalay nabad galyeeyay ka dib markii ay shaqadu ka dhamaatay. Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto oo ka hawl galayay laanta afka-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da muddo 16 Sanno Ah Ka Hawl Galayay Idaacada BBC-da,ayaa maanta nabad galeeyay. Wariye Cabdiraxmaan Koronto oo ka mid ahaa shaqaalaha laanta afka Somaliga ee BBC da ayaa isla markaana soo noqday tifatiraha Idaacadaasi ayaa waxaa uu maanta macasalaameyey shaqadii uu ka hayey Idaacada BBC da. Suxufigan Cabdiraxmaan Koronto ayaa waxa uu shaqaalaha Idaacada BBC da uu ka mid noqdey sanadkii 2000 isla markaana waxa uu ka shaqeynayey muddo 16 Sanno ah. Cabdiraxmaan Koronto waxaa intii uu shaqaynayay uu ka soo qabtay BBC howlo warbaahineed oo baaxad leh, isagoo soo qabtay jagooyin kala duwa sida Tifaftire, Soo saare sare, barnaamij soo saare dhinaca Raadiyaha iyo Online-ka. Waxanu ka mid ahaa daadihiyeyaasha laanta afka-Soomaaliga ee la xiisayn jiray barnaamijyada ay daadihiyaan. Waxaanu dhegaysteyaal badan ku kasbaday Barnaamijka Ciyaaraha oo uu muddo daadihiye ka ahaa ka dib wakhtigii Aadan Samriye.
Cabdiraxmaan Koronto Muxuu Ka Yidhi Macasalaamayntiisa Iyo Muddadii Uu BBC-da Joogay?
Qoraal uu Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) ku baahiyey Bartiisa Face Book-ga waxaa uu kaga hadlay is casillaadiisa kadib 16 sanno oo uu ka shaqaynayay BBC-da, Waxaanu yidhi “Maanta (Isniintii) ayaa iigu dambaysay shaqada BBC, iyadoo aan iska casilay dhowaan kadib muddo 16 sano ah oo aan ka shaqaynayay. Mudadii aan joogay waxaan soo noqday Tifaftiraha barnaamijyada, soo saare sare, soo saare barnaamij. Waxaan soo saaray barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin cayaaraha oo aan goobo kala duwan ka soo warammay sida cayaarihii commenwealth-ga Manchester, Cayaarihii Africa 2004 ee Tunisia. Shirka bini’aadaminimada caalamiga ah ee Istanbul, ayuu ahaa shirkii ugu dambeeyay ee aan BBC uga soo warammo. Shirkii Empaghathi ee lagu soo dhisay dowladda ku meelgaarka ahayd ee 2004 iyo kuwo kale oo caalami ah sida kuwii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland ee ka dhacayay dalka Turkiga. Dalalka aan ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Tunisia, Germany, Sweden, Uganda, Koonfur Africa iyo dalal kale. Dadka aan waraystay waxaa ka mid ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ra’iisul wasaaraha Uganda, Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo madax ka horaysayba sida Cabdullaahi Yuusuf, Cabdiqaasim Salaad, Sheekh Shariif iyo hogaamiyayaal kaleba. Waxaan sameeyay barnaamijyo taabanaya dadka danyarta ah oo ka hadlaya dhibaatooyinkooda. Waxaan marka muhiimadaydu ahayd dhexhdexaadnimo iyo saxaafad wanaagga ka shaqaysa. Waxaan qayb ka noqday madaxdii BBC ee doorka ku lahayd raridda barnaamijyada idaacadda BBC ee magaalada Nairobi, inkastoo qaar ay dhiman yihiin. Waxaan BBC uga tagay saaxiibaday aan wada shaqaynaynay, waxaanan ka rajaynayaa in ay sii wadi doonaan wanaagga iyo u shaqaynta ummadda Soomaaliyeed.