“Inaad Tir-tirtaan qodobada ((268, 321, 328, 451, 452) Ee Xeerka Ciqaabta Guud)) isla markaana aad joojisaan ku dhaqankooda maadaama ay yihiin qodobo Dastuurka iyo Sharciyada dalka khilaafsan”wariye Xamdi.
Hargeysa, Somaliland, (Hubaal)-Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi oo ah suxufi ka hawlgala magaaladda Hargeysa, ayaa maanta dacwad ka dhan xeerka ciqaabta guud ee wariyeyaasha lagu qaaddo, isla markaana dalbaday in xeerka madaniga ah ee saxaafadda lagu xukumo u gudbiyey maxkamaddaha dalka.
Muwaadinkan ayaa taxay qodobadda dastuuriga ah ee uu ku doodayo, isla markaana sheegay inay meesha ka baxayo dastuurkii muwaadinka u ballanqaaday inay si xoriyad ah afkaartoodda iyo waxay aaminsan yihiin usoobandhigi karaan, taas oo uu damaanad qaaday dastuurka Somaliland.
Suxufi Maxamuud Jaamac Xamdi oo sharciyaqaan ah,isla markaana ah suxufi ayaa taxay qodobadda lagu xadgudbay ee dastuurka, isla markaana sheegay in aanu rayi dambe iyo qoraal dambe samayn doonin iillaa inta loo damaanad qaadayo in dacwadaha warbaahinta ama Ra’yi dhiibshadda lagu soo dabaalayo xeerka saxaafadda ee madaxweynuhu meel mariyey, isagoo sheegay in qasab tahay in laga gudbi xeerka ciqaabta guud ee loo adeegsaddo xukunka wariyeyaasha iyo dadka rayigooga ka dhiibta.
Muwaadinkan shalay maxkamadda dastuuriga u gudbdiyey dacwaddan oo laga qabtay ayaa nuqul ka mid ah warbaahintu heshay ayaa u qornaa sidan
“Ku:- MAXKAMADA DASTUURIGA AH EE JSL – Hargeysa
Dacwoode:- Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) – Degan Hargeysa
Dacwaysane:- Qodobada (268, 321, 328, 451, 452) Ee Xeerka Ciqaabta Guud
Ujeedo: Arji Dacwad Fursasho La Xidhiidha Waa-Faqsanaanta Dastuurka
Anigoo ah muwaadin u dhashay JSL, waxaan idiin soo gudbinayaa dacwadan anigoo tix-raacaya qodobadan hoose:
- 98aad, faqradiisa 1aad, xarafka (J) Ee dastuurka Qaranka JSL.
- 101aad ee dastuurka Qaranka JSL.
- qodobka 6aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka.
- Qodobka 119aad ee Xeerka Habka Madaniga.
Anigaoo ah saxafi sida uu dhigaayo xeerka saxaafada No: 27/2004 qodobkiisa 2aad/faqrada 1aad iyo 2aad oo u dhigan sidan:
((- “Saxaafad”: Micnaheedu waa abuuridda hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxda iyo fikradaha dadweynaha oo dhan, sida: wargeysyada, joornaalada, qoraalo xilliyeedyo, kartoonada, buugaga, miyuusiga iyo wax kasta oo loogu talo galo isku xidhiidhinta wadareed (mass communication).
– “Suxufi”: micnahiisu wuxuu yahay, qof kasta oo ka hawl-gala shaqooyinka saxaafada.))
Markaa maadaama aan ahay qoraa qora buugaagta iyo maqaalada aan kaga faalloodo arrimaha siyaasada, isla markaana si joogta ah aan rayigayga ku cabiro baraha bulshada sida (facebook), waxaan arkay inay khatar weyn ku leedahay xuquuqdayda dastuuriga ah ee ku saabsan xorriyatul qawlka ee ku xusan qodobka 32aad ee Dastuurka JSL, iyo xeerka saxaafada No: 27/2004, kaasoo xusaaya in saxaafadu leedahay xorriyad balladhan oo ay ku cabiri karto aragtideeda, wixii gaf ah ee iga dhaca saxafi ahaana uu qodobka 10/6 ee xeerka saxaafadu uu dhigaayo sidan:
(Saxaafada ku xad gudubta faqradaha qodobkan, waxa loo raacayaa anshaxmarinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ee dalka ee falkoodu khuseeyo.).
Haddaba:
Maadaama: uu Dastuurka JSL leeyahay sarraynta uu kaga sarreeyo dhamaan shuruucda oo dhan sida uu dhigaayo qodobka 128 ee Dastuurka JSL, isla markaana dastuurka nuxur ahaan iyo qoraal ahaamba laga fahmaayo ilaalinta iyo ballaadhinta xorriyada saxaafada iyo hal-abuurka.
Maadaama: uu Dastuurka JSL uu ku sheegay qodobkiisa 32aad faqradiisa 3aad in xeer nidaamin doono hawsha saxaafada, xeerkaasina uu yahay xeer No: 27/2004, kaasoo yeelanaaya awooda sarraynta uu kaga sarraynayo sharciyada kale oo dhan.
Maadaama: Dastuurka JSL qodobkiisa 130, faqradiisa 5aad uu dhigaayo in xeerarkii hore u jiray lagu dhaqmaayo, marka laga reebo kuwa ka hor imanaaya shareecada Islaamka iyo xorriyaadka asaasiga ah.
Maadaama: Xeerka Saxaafada JSL No: 27/2004 uu ku sheegaayo qodobkiisa 31aad sidan:
Xeer kasta, sharci kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo khilaafsan ama ka hor imanaya xeerkan way burayaan marka xeerkani dhaqan galo.
Maadaama: Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda aadamaha (Universal Declaration of Human Right) ee uu aqoonsan yahay dastuurkeenu sida ku cad qodobka 10aad/2aad, uu dhigaayo qodobkiisa 19aad in xorriyatul qawlku tahay arrin ixtiraam mudan oo aanay bannaanayn in la cabudhiyo.
Maadaama: aan hayo caddaymo cad oo xoogan oo xaqiijinaaya in qodobada kor ku xusan ee X.C.G yihiin kuwo dastuurka JSL Khilaafsan, caddaymahaasi oo isugu jira qoraalo kala duwan, anigoo soo bandhigi doona marka ay maxkamadu iiga baahato.
Sidaa Awgeed Waxaan Si Sharaf iyo Xushmad Mudan Idin Kaga Codsanayaa inaad:
- Aqbashaan Dacwadan Dastuuriga ah, ee muhiimada ballaadhan leh, iyadoo qodobada kor ku xusan ee khilaafsan dastuurka ay ku abuurtay saxaafada cabsi xoogan oo ka hor taagan inay rayigooda si xor ah u cabiraan.
- Inaad go’aamisaan in qodobada ((268, 321, 328, 451, 452) Ee Xeerka Ciqaabta Guud)) ay khilaafsan yihiin dastuurka JSL iyo xeerka Saxaafada ee ka hoos dhashay dastuurka.
- Inaad Tir-tirtaan qodobada ((268, 321, 328, 451, 452) Ee Xeerka Ciqaabta Guud)) isla markaana aad joojisaan ku dhaqankooda maadaama ay yihiin qodobo Dastuurka iyo Sharciyada dalka khilaafsan.
4.In aad go’aamisaan in maxkamadaynta saxafiyiintu ay ku qotonto xeerarka madaniga ah, iyadoo dacalka dhib ka sheeganaya saxaafada uu xaqiisii ku heli karo iyadoo aan cabudhin loo geysan saxaafada.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)
Saxafi
Qareen Guud “