“Suxufiyiinta Somaliland waxaan u sheegayaa inay ka middoobaan xadhiga masuuliyiinta xidhan, Madaxweynehana waxaan leeyahay adigaa dalka madaxweyne ka ah, cid kale uma xidhna Suxufiyiintu” Xoghayaha SOLJA Maxamed-Rashiid

0
25

“Ma jirto cid xeer cusub noo samayn kartaa”

Hargeysa(Hubaal)-Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa ku soo laabtay dalka, waxaanu Maanta ka soo degay Madaarka Diyaaradaha Hargeysa oo lagu soo dhaweeyay.

maxamed rashiid

Suxufiyiin tiro badan iyo xubno ka socday Ururka SOLJA, ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Xoghayaha.

Xoghayaha ayaa isla maanta gelinkii horeba ku booqday Xabsiga Magaalada Gabiley laba Suxufi oo in ka badan todobaad halkaasi ku xidhan.

Labadan Wariye oo kala ah Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha Wargeyskaasi Axmed Cali  Cigge, ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xabsi Rumaan ah ku xukuntay laba todobaad kaddib markii ay dawladdu la wareegtay xarunta Wargeyska.

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo booqashadaasi kaddib, warbaahinta la hadlay ayaa xukuumadda si adag uga dalbaday inay xoriyadooda u soo celiso Suxufiyiinta xidhan, isla markaana dhakhso u fasaxdo laba Wargeys oo la xayiray sanadkan.

Wargeysyadan ayaa kala ah Haatuf, Somalilandtimes iyo Hubaal, kuwaasoo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xayiraad saartay bishii January ee sanadkan iyo April, kaddib markii ay ku eeddeysay inay baahiyeen qoraallo lid ku ah Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arinta xadhiga Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, xadhiga khaladka ah ee rumaanka loogu soo diray Yuusuf Cabdi Gaboobe.

hadii la yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe wuu hadlay ama wuu caytamay , maxay tahay sababta axmed Cigge oo ah Tafaftiraha  loo raaciyayna?. “taas anigu waxaan qabaa in ay tahay qorshe lasii-sameeyay oo loogu talo-galay in labadoodaba lagu xidho”ayuu yidhi Xoghayaha oo Gabiley kula hadlay Suxufiyiintu.

Xoghaye Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray Madaweynaha Somaliland  iyo Xukuumaddisa  “waxaan leeyahay madaxweynaha” – “ madaxwayne Dimuqradiyada iyo Dastuurku waa kaad ku  tahay madaxwaynaha maanta xoriyadoodii u soo celi labada Suxufi iyo labada Wargeys oo faraha ka qaad”.  “Waxaasoo dhami aday ku raacayaan walaa Guddoomiye  Maxkamadeed, walaa  wasiirro , walaa qof kale oo awood leh ayaan haysan, aduunbay ku raacayaan madaxwayne, sababtoo ay tahay dalkan adaa laguu doortay, codbaad ku timid kursiga”ayuu yidhi Xoghayaha Ururka SOLJA.

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa intaasi ku daray “ta labaad qolada tidhi xeerbaan Saxaafadda u samaynanaa ee Xildhibaan Xasan Cawaale ka mid yahay , waxaan leeyahay.

Xasan Cawaale muu ogayn afar cisho ka hor inuu xeer jiray iyo inkalaba,hadna xeer baan samaynayaa ayuu leeyahay,anaga nooma samayn karo, cidduu ku dhaqaayaa isagay u talaa”ayuu yidhi.Soljasas

Ugu dambeyn Xoghayuhu waxa uu Bahda Saxaafadda Somaliland ugu baaqay “Suxufiyiinta reer Somaliland waxaan u sheegayaa,marka laga reebo afar xubnood oo sheegtay  inay Dawladda gacan-saar la leeyihiin,inta kale waxaan leehay ,u midooba arintan, masuuliyiinta xidhana yeeli-mayno inay xidhnaadaan,Mudaharaad-na waannu diyaarinaynaa,hadii la sii dayn waayo”ayuu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here