Suxufiyiintii Warfaafinta Ee Shaqada Laga Joojiyey Oo Warqad Raali-gelin Ah U Gudbiyay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

0
11

24-ka Suxufi Ee  Wasiirka Warfaafintu Shaqada Ka Joojiyey Oo Raali-Gelin Ay Bixiyeen Gaadhsiiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa (Hubaal) – Suxufiyiintii 24-ka ahaa kana tirsanaa wasaaradda warfaafinta ee Somaliland ee dhawaan uu shaqooyinka ka joojiyey ka dib markii ay cabasho saxaafadda mariyeen, ayaa warqad raaligelin ay wasiirkooda warfaafinta ugu talo galeen, waxay u gudbiyeen kulan ay la yeesheen Masuuliyiinta iyo guddida hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland. Kulankan dhex maray shalay 24-ka Suxufi ee warbaahinta dawladda ka tirsan iyo Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo ay weheliyaan guddida shaqaalaha dawladda, ayaa waxay kulankaasi warqad raaligelin ay kaga bixinayaan shaqo ka cabasho ay hore uga muujiyeen wasiirkooda warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Guri-Barwaaqo) oo keentay markii dambe in uu shaqooyinkii ka  joojiyo 24-ka suxufi, ayaa waxay saxafiyiintaasi waxay si rasmi ah hay’adda shaqaalaha dawladda ugu gudbiyeen raaligelin ay ka bixiyeen  ficilkoodii shaqo ka joojinta in wasiirku ku sameeyo keenay.  Suxufi Abiib Iimaan Xassan ugu horayn isagu ku hadlaayey afka saxafiyiinta shaqada laga joojiyey ayaa xusay in ay dabciga shaqada tahay in la is qabto sidoo kalena ay isla dabciga shaqada uun tahay in la dhameeyo wixii khilaaf imaada, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Horaa loo yidhi wiilkaaga walaal ka lahow,walaalkaana wiil ka lahow” taasi oo la macno ah in shaqaalaha dawladdu yeesho xarun canaanata marka ay qaldan yihiin sidoo kalena madaxda ka qabata hadii laga qaldamo” Abiib Iimaan Xassan ayaa  dhinaca kale hay’adda shaqaalaha dawladda ku ammaanay sida xilkasnimada le ee ay uga shaqaysay isku soo dhawaynta labada dhan sidoo kalena warbaahinta madaxa  banana ka mahad sheegtay sida ay dedaal ugu bixiyeen in arintaa la turxaan bixiyo. Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda MD Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo madasha kaga gudoomay waraaqdaa raaligelinta  ayaa xusay in ay maanta qaranka iyo dawladnimada-ba  sharaf iyo farxad u tahay mar hadii talaabo wanaagsan loo qaaday dhanka ku dhaqanka shuruucda iyo hogaansanaanta hannaanka maamulka isagoona dhankiisa xusay in maadama raaligelintaasi timi ay ka shaqayn doonaan  dhamaystirka inta dhiman.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa baaq iyo digniin u diray shaqaalaha dawladda isagoona xusay in wixii tabasho, tilmaam ama tebin ah ay mariyaan nidaamka hufan ee dawladnimada isagoona xusay in aan la ogolayn qof shaqaale ah oo hawada u mariya dhaliil ama cabasho madaxsiisa, taa bedelkeedana si xurmo le xeerka ugu maraan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here