SYDNEY: Ninkii Afduubka Ku Haystay Maqaaxida iyo Laba Qof oo kale oo La toogtay + Daawo Commandos-ta Hawlgalka Fulisay

0
36

Waxaa saaka oo isniin ah nin hubeysan uu qabsaday xarun Makhaayad oo ku taal bartamaha magaalada Sydney oo ah magaalada ugu weyn ee dalka Australia.
Sydney (GNA/Hubaal).Wararka u danbeeyey ayaa tibaaxaya in afduubkii dhamaadey dadkii la haystey badankoodna ay ka soo baxsadeen maqaaxidii lagu haystey. Ninka afduubka geystey ayaa lagu magacaabaa Man Harun Monis, waxa uu ahaa nin denbiyo badan loo haystey oo 50 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka IRAN, waxaa horey loogu xukumey denbiyo ah handadaad uu ku sameeyey qoysaskii askartu uga dhimatey dalalka Ciraaq iyo Afqaanistan.
sydneyWarbaahinta Australia ayaa ninkaan ku tilmaantey Shiikh beenaad, waxa uu dariiqyada la istaagi jirey boor ay ku qoran tahay in xabsiga lagu jirdiley inta uu isku soo xiro silsilado caag ah, waxaa warbaahintu sheegtey in dacwadaha ku socdey ay ka mid ahayd in uu ka danbeeyey geerida xaaskiisi hore.
Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in rasaas iyo garneylo laga maqlaayey maqaaxida, ciidamada Kumaaduuska Australia ay gudaha u galeen maqaaxida, ugu yaraan labo qof ayaa la sheegayaa in ay dhimatey iyo Ninkii Afduubka sameeyay

Ninka Afduubkan geystay ayaa ku khasbay dadkii Makhaayadaasi ku jiray inay istaagaan daaqadaha xaruntaasi iyagoo gacmaha kor u taagaya, waxaa la arkayey muuqaalka Calanka Madow oo uu Towxiidka ku yaal oo la suray mid kamid ah daaqadaha makhaayadaasi.
_79736726_sydney_cafe_hostages2_624mapMakhaayada laga qaxweeyo oo lagu magacaabo Lindt Cafe ayaa ku taal bartamaha magaalada Sydney waxay kasoo horjeedaa xarunta mid kamid ah telefishonada ugu waaweyn dalka Australia oo lagu magacaabo Channel 7, sidoo kale waxaa goobtaasi ku yaal xarumaha Bangiyada, xarunta Baarlamaanka iyo waliba goobaha kale ee loo dalxiis tago.
Dowlada Australia ayaa sheegtay in weli aysan ogeyn waxa uu salka ku hayo afduubkan waxayna sheegeen inay gorgortan kula jiraan ninka xaruntaasi dadka afduubka ugu heysta. Dhowr qof ayaa kasoo baxay xarunta la afduubay iyadoo aysan cadeyn in dadkaasi oo gaaraya 6 qof lasiidaayey ama ay goobtaasi kasoo baxsadeen.
Booliiska Australia ayaa sheegay in falkan ay weli u arkaan mid Afduub ah oo aysan weli ku tilmaami karin weerar Argagaxiso.
Bilihii lasoo dhaafay ayey ciidamada Amaanka ee dalka Australia wadeen hawlgalo lagu fashiliyey shaqsiyaad la sheegay inay taageeraan kooxda ISIS oo doonayey inay weeraro ka fuliyaan gudaha Australia, weli lama oga afduubkan inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxahaasi ay ciidamada amaana ku raadjoogeen.
Dalka Austrlia ayaa kamid ah wadamadii ugu horeeyey ee ku biiray isbaheysiga la dagaalamaya kooxda ISIS ee ku sugan dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

comamandos

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here