Taageeradii WADDANI Ku Lahaa Gobolka AWDAL Oo Tusbax Furmay Noqotay Iyo Musharrax Hore Loo Muquuniyey oo Xisbiga Iska Casilay

0
42

Siyaasigan Oo Ka Mid Ahaan Jiray Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo, In Muddo Ahna WADDANI Ka Tirsanaa Ayaa Ku Dhawaaqay Istiqaalad Sababaysan Oo Uu Kaga Baxayo Xisbigaas

cabdirisaaq-axmed

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee wasaaradda wershadaha ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, haatanna katirsanaa golaha dhexe ee xisbiga WADDANI Md. Cabdirisaaq Cismaan Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaanba xisbigaas iska casilay, waxana uu bulshada u faahfaahiyey asbaabta ku kalliftay inuu is casilo.

Cabdirisaaq oo isaga oo magaalada Borama jooga saxaafadda la hadlay, ayaa xisbiga WADDANI ku eedeeyey caddaalad-darro, waxana uu xusay inaanu xisbigaasi ahayn mid umadda lagu aamini karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “xisbiga WADDANI waan dhexgalay, waxyaallo bandanna waan ku arkay, markaan daraasad fiican ku sameeyeyna  waxan ku arkay caddaalad-darro iyo inaanu wadi Karin doorashada madaxtinimada qaranka, aniga oo golaha dhexe ee xisbigaas katirsanaana waxan go’aan ku gaadhay inaan xubinnimadii iska casilo.”

Cabdirisaaq Cismaan waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu WADDANI u qalmin inuu qaranka hoggaamiyo, isla-markaana aanu ahayn xisbi umaddu isku hallayn karta oo bulshada badhaadhe gaadhsiin kara.

Xubinta haatan iska casishay xisbiga WADDANI, ayaa kusoo beegmaysa xilli uu xisbigaasi laba garab u kala jabsan yahay, isla-markaana uu sii luminayo taageeradii uu ku lahaa gobolka Awdal, maadaama guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Axmed Muumin Seed oo gobolkaas kasoo jeeda loo diiday inuu u tartamo kursiga madaxweyne-ku-xigeenka oo uu guddoomiye Cirro shakhsi kale dibadda ka keensaday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here