Taageero Doon Hargeysa Kasoo Jeeda Oo Safar Ku Tegey Burco Iyo Ujeedadoodii Oo Ay Weji Gabax Kala Kulmeen

0
22

Socdaalka Weftigan Ayaa Daba Socday Kulan Hore Burco Uga Dhacay Oo Dhex Maray Galbeedka Hargeysa Iyo Bariga Bucoburco

Burco (Hubaal)- Wefti isugu dhafan dhalinyaro iyo mas’uuliyiin dawladda xilal ka haya  oo ay weheliyaan xildhibaanno iyo xubno kale oo  bulshada rayidka ah ka tirsan ayaa la weriyey in ay socdaal ujeedaysan  ku tegey xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco, halkaas oo ay ka bilaabeen olole siyaasadaysan oo taageero loogu raadinayo mid  ka mid ah xubnaha loolanka ugu jira xisbiga KULMIYE  ee  guddoomiyaha xisbigaas Muuse Biixi Cabdi ka riixanaya hoggaaminta iyo musharraxnimada xisbul xaakimka. Xubnahan oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedada safarkooda ayaa natiijo aan la mahadin kala kulmay safar ay dhowr maalmood horteed Hargeysa kaga baxeen, kaas oo sida aanu degelka wararka ee Wajaalenews.net oo warkan qoray kasoo xiganay la sheegay in ay  ujeedaddoodu daarnayd in ay carqaladeeyaan kulan dhawaan magaaladaasi ku dhex maray wefti reer Hargeysa ah iyo qaybo kamid ah waxgaradka beesha Bariga Burco, kaasi oo layskula af gartay adkaynta  iyo midaynta mabaadii’da siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE isla markaana layskula af gartay in cudud midaysan lagu taageero guddoomiyaha KULMIYE ahna Musharraxa Xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , shirkaas oo labada dhinac iskula qaateen in ay ka go’an tahay beesha bariga Burco  taageero la mid ah middii ay  beesha galbeedka Hargeysi  la garab istaagtay Madaxweyne Siilaanyo milaygii uu musharraxa u ahaa xisbiga KULMIYE,  ballantaas laysku afgartay waxa ay u cuntami weyday xubno kamid ah xukuumada Somailand oo iyagu hore u sheegay in ay tartan ugu jiraan musharraxnimada xisbiga Madaxweyne Siilaanyo ka dib, waxaan weftigan dembe ee laga daba diray kulankaas hore uu ku jihaysnaa arrimahaasi sidii loo soo masaxi lahaa isla markaana beesha bariga Burco looga soo dhaadhicin lahaa in ay iyagu (Weftiga dembe) ka socdaan beesha Galbeedka Hargeysa, una socdaan in ay wada hadal taageero ku lammaan tahay la yeeshaan dhigooda Burco Bari.

Haddaba Maxaa Dhacay?

Weftigan dembe oo u badnaa dhalinyaro laga abaabulay Hargeysa ayaa sida aanu wararka ku helnay waxa qorshohoodku ahaa olole qabiilaysan isla markaana siyaasadaysan in ay ku hor fadhiistaan beesha Burco bari iyaga oo taageerod oon u ah masuul ka tirsan xukuumadda oo hunguri ka galay musharraxnimada xisbiga. Waxaanay xubnahan oo markii ay burco tageen ee ay dhinacii kale hor fadhiisteen una waayo warrameen ay halkaasi kala soo kulmeen jawaab aanay filayn oo waji gabax ku lammaan yahay. Warku  waxa uu intaa ku darayaa in madax dhaqameedkii iyo xubnihii beesha bariga burco ee ay la kulmeen u qaddimeen natiijadii kulankii ay hore u wada yeesheen weftigii galbeedka Hargeysa ee aynu soo sheegnay inay is afgaradka ku ballameen. Dhalinyaradan oo sida Wajaalenews daabacay uu hor kacayay mas’uul Agaasime guud ka ah mid kamid ah wasaaradaha waaweyn ee dalka, xubnona ay ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa iyo qaar ka tirsan golaha Gabiley, kuwaas oo wadar ahaan tiradoodu ka koobnayd 10 xubnood ayaa amuurta xusida mudan ee safarkaas ku ladhnayd waxa ay ahayd in beesha bariga burco ay si cad ugu sheegtay xubnahan in aanay jirin wax kulan ah iyo wada hadal ah oo ay wada yeelan karaan, maadaama ay hore kulan u yeesheen weftiga hore, qawl iyo ballanna laysku afgartay, sidaa darteed aanay samayn Karin wax badhi fur ah iyo in burinta ballantaas hore. Sida uu Hubaal Media ka  helay ilo wareedyo xog ogaal ah, mid kamid ah odayaashii Burco ee weftigan runta us heegay ayaa si waayeelnimo ugu muujiyey dhadhanka ay samayn karto ujeedada socdaalkoodu. “adeer dee dhaqan baynu leenahay, annaguna waxaanu sacad muuse u naqaanaa in uu mid yahay oo aanu jirin laba sacad muuse, xisbiga KULMIYEna uu leeyahay musharrax keliya ee aanay jirin laba musharrax, kolkaa dee haddaad idinku meteshaan sacad muuse iyo haddii qoladii kale matalaanba, waxa keliya ee meesha yaallaa waa inaad isku noqotaan oo aad soo kala baxdaan” sidaa ayuu yidhi oday dhaqameedkan oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso, waxaanu sidoo kale u caqli celiyey xubnihii weftigaas oo aakhirkii quus kala soo hulleelay Burco,  una soo ambo baxay dhinaca Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here