Muqdisho (Hubaal)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa muddo dheer kadib maalintii shalay Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) u magacaabay Guddoomiyenimada Guddida Doorashooyinka Qararnka Soomaaliyeed, waxana ay kamid tahay Hormoodka Haweenka Soomaaliyeed ee xilligan Dalka ka adeegga. xakiHaddaba waxanu halkan idiinku Haynaa Taariikh-nololeedka Marwo Xaliimo-yarey oo shaqadan culus loo igmday. Waxa ay soo noqotay Guddoomiyaha Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, Guddoomiyaha Midowga ururada bulshada ee Soomaaliya, gudoomiyaha guddiga xulista iyo Farsamada ee xulista iyo barista xubnahii ergada ansixiyay xubnihii Baarlamaanka. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay baratay cilmiga beeraha, iyadoo shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacad ku taalo dalka Talyaaniga. Shahaado Jaamacadeed, waxaa ay ka qalin jabisay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, afar sano ayey baratay cilmiga beeraha, iyadoo ka baxday Jaamacadda 1981-dii. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) Shahaadada Master-ka waxaa ay ka heystaa Jaamacadda Turino ee dalka Talyaaniga, iyadoo ku taqasustay Dhaqaalaha Beeraha, gaar ahaan reer miyiga, waxaa ay ka qalin jabisay 1984-tii. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) Waxaa kaloo ay shahaadooyin ka heysataa Horumarinta bulshada, tababaro dadka soo galootiga ah iyo kuwa laga tirada badan yahay iyo shahaada Computer-ka.
Xagga shaqada:
Xaliimo Yarey, Waxaa ay aheyd guddoomiyaha xulitaanka iyo farsamada ee lagu soo dhisay maamulka Galmudug August-June 2015. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay La guddoomiye u noqotay guddiga xulitaanka iyo farsamada ee lagu dhisay Baarlamaanka qaranka Federaalka Soomaaliya June-August 2012-kii. Xaliimo waxaa ay noqotay Isku duwo goboleedka ee hay’adda CISP. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxay aheyd Xidhiidhiyaha bulshada ee xafiiska qoyska iyo caruurta ee gobolka Miniblis-Minisota 2000-2007.Waxaa kaloo ay u qeybsane, Maamule iyo Sarkaal ka noqotay mashaariic iyo hay’ado waaweyn oo dalka ka shaqeynayey muddo dheer. Waxay ku hadashaa Luqadaha Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska. July 27, 2015: Waxaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka.