“taariikhda Laguma hayo cid ay Somaliland is hayaan iyo cid kale Oo Dalkeeda Joogta toona in waxyeesho, taasna waxaa kuu cadaynaysa…”

0
81

Axmed Maxamed Xaashi (Gobanimo) Guddoomiyaha Kulmiye ee Degmada 26-ka June Oo U Caqli Celiyey Kana Jawaabay hadal Kasoo Yeedhay Puntland

Salaan qiimo badan ka dib waxaan jecellahay in aan wax ka idhaahdo hadal kasoo yeedhay guddi nabadgelyada u qaabilsan maamul gobolleedka soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasi oo dhawaan baaq u diray ardayda dhalasho ahaan Puntland kasoo jeeda ee waxbarashada u joogta Somaliland kuwaasi oo Jaamicadaha dalka wax ka barta.

Ugu horeyn warkan ay reer Puntland Mediaha u sheegeen waxaan dooayaa inaan bulshada soomaalida ah iyo guud ahaanba beesha caalamka u sheego inuu yahay mid meel kadhac ku ah dhaqanka ay bulshada reer Somaliland u leedahay maamuuska birmagaydada dalkeeda joogta.

Somaliland taariikhda Laguma hayo cid ay is hayaan iyo cid kale oo aanay is hayn oo dalkeeda joogta inay waxyeesho, taasna waxaa kuu cadaynaysa 1991-kii haddii aynu tusaale u soo qaadano markii ay SNM ku guulaystay halgankii dib u xoreynta dalkeeda in dhammaan dadkii u dhashay koonfurta Soomaaliya ee deganaa halkani ay Somaliland u ambo bixisay dalkoodii [Soomaaliy] xataa ciidammadii taliskii Siyaad barre ee dagaalka ku jiray waxaa markii hubka laga dhigay loo ambobixiyey dhulkoodii inta loo diyaariyey boqollaal gaadhi oo daabula iyaga iyo maxastoodaba, qofkastaana halkii uu rabay baa loo diray.
Haddaba waxaan Puntland usheegayaa somaliland beelaha putland kasoo jeedaa ganacsiyo waawayn ayay caasimada Hargaysa ku leeyihiin, Somaliland-na cidii maalgashanaysa ee sharciga raacda dalka lagama xigo. ummadda soomaliyeedna waa walalo qaab qabiilna la iskuma hayee qaab dowladed ayaa la isku hayaa. Markaa guddidu waxay sheegayan waa inay xaqiiqda ku saleeyaan. Gudidu waxay sugi kari waayeen amniga garoowe oo habeenkasta qofba lagu kharajiya markasay amniga somaliland oo aduunyadu kusoo hirato wax kashegayan

Allaa mahad leh
Ramadaan Kariin
Guddoomiyaha degmada 26 June ee xisbiga kULmiye
Axmed Maxamed Xaashi (Gobanimo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here