TAARIIKHDII  IYO FANKII GARABYARE (1918-2OO8)…WQ Cabdalla Xaaji Cusmaan

0
161

Ibraahim Jaamac Maxamad oo loo yaqaan (Garabyare) waxa uu ku dhashay tuulada Boon ee galbeed kaga toosan magaalada Boorama sannadkii 1918kii. Aabihii Jaamac Garabyare oo uu naanaysta ka dhaxlay, wuxuu ahaa farsamayaqaan dhaartay oo laga yaqaan meelo ka baxsan deegaankii uu ku noolaa. Jaamac Garabyare wuxuu samayn jiray qolxaddada, warmaha iyo qalab kale oo badan. Jaamac Muuse Miicaad oo abwaan reer Jabuuti ah ayaa yidhi, 1948kii anigoo dhalliyaro ah ayaan ka tuntay qolxad aad iyo aad u qurux badan oon berigaa ku xarragoon jiray,waxa kale oo uu Jaamac Muuse sheegay in meelo fog looga iman jiray si looga tunto qalabkaa farshannimadu ka muuqatay ee uu farsamayn jiray Jaamac Garabyare. Isagoo tilmaamaya muuqaalkii Jaamac Garabyare waxa uu yidhi, nin gaaban buu ahaa, midabkiisu uu madoobaa, wuu sar yaraa oo timo madaw oo jilicsan buu lahaa. Intaa waxa uu raaciyey inankiisan Ibraahim Garabyare oo jooga umbuu ahaa.

Garab_YareHaddaba Ibraahim Garabyare waxaan odhan karraa tilmaamihii aabbihii oo dhan buu dhaxlay. Intaa waxa uu ku darsaday isagoo ahaa qof qalbi furan oo bashaash ah oo fahmad badan oo maskax furan. Noloshii uu soo maray oo dhan dhib iyo dheefba waxay ugu qornayd maskaxdii uu Ilaahay ku mannaystay. Qof buu ahaa aan ku bakhaylin aqoontii, taariikhdii iyo waaya-aragnimadii uu ka soo helay cimri dhererkii uu Ilaahay ugu deeqay, gaar ahaan dhinacyada fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa ruux ay maskaxdiisa ku duugnaayeen qayb weyn oo ka mid ah taariikhdii fanka Soomaalida. Ibraahim waa mid ka mid ah labadii nin ee bilaabay fanka gaar ahaan heesaha casriga ah sannadkii 1943kii. Isagoo aad u da’yar buu Jabuuti u soo wareegey. Kuraynimadiisiiba barbaar shaqaysta oo iskoris ah buu ahaa. Dhawr iyo toban jir isagoo ah ayuu meherad taaloogle amma ra’iisle ah oo timaha lagu jaro ka furtay suuqa weyn ee ku yaal xaafadda koowaad (quartier1). Waa halkii ay isku barteen Cilmi Boodhari iyo Garabyare.

Mar lagu waraystay Garabyare baraamij fanka ka hadla oo magaciisa la yidhaa (Hobal iyo habeenkii)sannadkii 2002dii kana baxa raadiyooga iyo Telefiishanka Jabuuti(R.T.D.) waxa uu yidhi, Cilmi Boodhari intii aanu Berbera u wareegin, halkan Jabuuti oo xaafadda koowaad ah ayuu meel furunka (roodhiga) lagu dubo ka  shaqayn jiray1935kii. Ra’iislahayga ayuu iman jiray oon timaha ugu gaagaabin jiray. 1937kii ayuu xanuunsaday oo uu Jabuuti ka dhoofay isagoo u sii jeeda Hargeysa iyo Hawd oo ay qaraabadiisu degganaayeen. Wax yar dabadeed markuu caafimaadayna magaalada Berbera furunle ku yaal buu u shaqa tegey maadaama ay xilligaa Hargeysi aanay lahayn meelo roodhida lagu dubo. Ibraahim Garabyare waraysi kale oo uu siiyey TV. Jabuuti waxa uu sheegay in uu fanka ka bilaabay Jabuuti 1900 iyo afartameeyadii wax yar ka hor milaygii Karmiicigii. Heeskii u horreeyey waxaan ka qaaday buu yidhi Daar el-Akhbaar (1) oo ku taal fagaaraha suuqa weyn ee Maxamuud Xarbi (Ex pl. Rambau). Mar la weydiiyey heesta uu markaa ku qaaday midhaheedii waxa uu yidhi,waan xasuusanayaa oo waxa ka mid ahaa.

Caanihii aan kuu shubay,

      Cayniyow

Caadhadii an kuu qabay,

       Cayniyow

Casarkiiba waa qubay

        Cayniyow

Miyi baan ka soo galay,

        Maanacaw

Waan maraamayoobacay,

Martinnimo wax ii sii,

       Maanacaw

Nasiibdarro heeskaasi halkaa muu dhaafin oo hanaqaad muu noqon. Garabyare isagoo sii wada taariikhda fanka iyo heesaha Soomaaligu sidii ay ku bilaabmeen waxa uu yidhi, 1943kii xilligii karmiicigii (2) ayaan Jabuuti ka tagnay oo aan Saylac u wareegnay. Waxa halkaa shaqo dirawalnimo ka helay Cabdi Sinimoo oo aan saaxiibbo ahayn. Dabadeed Cabdi oo gaadhi ka soo kaxeeyey magaalada Boorama ayaa dhexda ku banjaray, si uu Saylac u soo gaadhana waxay ku qaadatay 40 maalmood. Cabdi Sinimoo isagoo daallan ayuu Saylac soo galay, gaadhigii waxa uu hor dhigay maqaamka Sheekh Ibraahim Saylici. Wax lacag ah laba rubboob buu haystaa, mijin jaad ah iyo sigaar Abu Maqas la odhan jiray buu siistay. Cabdi waxa uu u qayilaad tegey aqal ay lahayd habar badeecadda cabta. Aqalkaa gabadh uu Cabdi jeclaa oo Indha Cad la odhan jiray oo habartu eddo u tahay baa joogi jirtay. Islaantu Cabdi bay ka odhan jirtay gabadhaa baan kuu dhisi. Markuu aqalkii soo galay ayey habartii tidhi, maanta teneggii [1] baa ii yimi. Cabdiyow badeecaddii way buuri la’dahay ee maanta ii dir waxaan ku cammiro bay tidhi habartii.

Cabdi oo jeebkiisu madhan yahay ayaa haye intuu yidhi dibadda u soo baxay isagoo wax uu yeelo garan la’. Wiil kaari ahaa oo laba rubbood haystay oo laba kale raadinaya si uu laba mijood u siisto ayuu ka boobay labadii rubbood oo uu la baxsaday. Dabadeed buurigii buu habartii u geeyey. Goor fiid ah isagoo soo mirqaamay buu suuqii yimid. Ninkii uu lacagta ka boobay oo budh sitaa soo doontay. Dagaal baa foodda la isdaray, ninkii soo dagaal tegey ayuu Cabdi gacan ka jabayey dakharna gaadhsiiey, dabadeed Cabdi waa la xidhay. Si loo soo daayo ninkii uu dhaawacay baa iska daweeya la yidhi. Intoon lacag soo ururinnay baan badhi gooyo iyo buullo bixinnay. Markaas baa damiin lagu soo daayey Cabdi Sinimo. Intaas oo dhan waxa kaga darnaa. Laba nin oo gabadhii Indhacad ay ilma adeer ahaayeen oo ugu goodiyey hadduu aqalkaa gabadhu joogto soo agmaro in aanay gacmaha ka laaban doonin. Habeennimadii buu gaadhigii oo caddilan isgarab taagey. Markaasuu calaacalay oo uu yidhi, balaayadan I haysataa waa maxay. Haddii ay balwadaydu ii geyn waxaas oo dhib ahi ima soo gaadheen buu ku calaacalay. Waa markaa marka uu bilaabay heesta balwada isagoo baangaddii gaadhiga durbaan ka dhiganaya. Wuxuu ku heesay.

Iyadoo uurka hooyadeed ku jirtaa

Indhacad ku ayaanso lay yidhiye

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Waxaa I baleeyey mooyaane

 Balwoy,balwooy hoy balwooy

 Balwoy,balwooy hoy balwooy

 Waxaa I baleeyey mooyaane

Haddana iyadoo adeegeysaa

Indhacad arki maysid la yidhiye

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Waxaa I baleeyey mooyaane

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Waxaa I baleeyey mooyaane

Anigoo dhar cad soo ma dhuuman karee

Dhurwaayo ma soo hagoogtaayeey

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Waxaa I baleeyey mooyaane

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Balwoy,balwooy hoy balwooy

Waxaa I baleeyey mooyaane

Heestaa balwo markii uu Cabdi ku heesay ayaan aniguna ku heesay hees la yidhaa Hillaac. sidaa baan mar u wada bilawnay fanka cusub ee Soomaaliga. Dabadeed aniga iyo saaxiibkay Cabdi waxaan u boqoollay halkaa iyo Boorama oo aan ka sii wadnay heesihii Balwada. Dhallinyaro badan ayaa nagu soo biirtay. Dhallinyaradaa gabadh baa ku jirtay magaceeda la odhan jiray Khadiija Ciye oo berigii dambe loogu magacdaray (Khadiija-Balwo). Heesaha Balwada markaan ku luuqayn jirray amma ku heesaynay maannu haysan qalabka wax lagu tumo ee ay ka mid yihiin kamanka, dafka, durbaan iyo wixii la mid ah ee laga dhawaajiyo oo dhan.Tanag baan kurka ka goyn jirray, markaasaan cimaamad rishwaan ah ku xidhaynay oon ka dhawaajin jirray. Aroosyada iyo gaafafkaa nalaga marti qaadayey si aan dadka u maaweelinno.

Wadaaddadii Booramaa nagu kacay ilaa markii dambe ay nagu dul Eedaameen.Waxaan u sii gudubnay magaalada Hargeysa oon gaadhsiinnay heesihii Balwada. Halkaana wadaaddadii baa nagu kacay oo iyaguna nagu dul eedaamay.Dabadeed anigu Jabuuti baan ku soo laabtay.Sannado aan sidaa u sii badnayn ka dib heesihii qaraamigaa bilaabmay.

Mar waxa laga weydiiyey heesihii qaraamiga tiradoodii iyo magacyadoodii wixii uu ka xasuusto,waxa uu yidhi, inta aan xasuusto waa saddex iyo lixdan magacyadoodu waxa ka mid ah. Aroor, Beer dillaacshe, La yaab, Higsad, Nugul, Damaq, Xaafuun, Isku shuban, Madiix, Raaxeeye, Rafaad, Horseed, Hayaan iyo qaar kale oo badan. Garabyare waxa uu intaa ku daray,heesta qaraamiga ah ee loo yaqaan (Lay-lay) anigaa leh oo markii u horreysay ku heesay. Garabyare isagoo sii iftiiminaya arrintaa waxa uu yidhi, heesta Lay-lay markeedii hore af-Sawaaxili bay ahayd, anigaa soo dheegtay oo midho af Soomaali ah u sameeyey oo ku heesay buu yidhi Ibraahim Garabyare.

Laylay, laylaay  laa’ilaa’I, lala………

Laymuuney caawa,Laygu dheer yahaye

Cadceed soo baxdiyo,cillaan u ekey

Nimaad caana siisay, ciil beelye

Laymuuney caawa, laygu dheer yahaye

Laylay, laylaay laa’ilaa’I, lala……..

Laymuuney caawa, laygu dheer yahaye

Nin daar ku jira, daruur ma’arkee

Illayn xalay roobki, baa da’ayey

Laylay, laylaay laa’ilaa’I lala…….

Laymuunay caawa,laygu dheer yahaye

Waxaanad qabi jirin haddii,uu ku qabsado

Illayn waad u qaadan,weydaayey

Laylay, laylaay laa’ilaa’I lala……

Laymuuney caawa laygu, dheer yahayey

Anigoo qurba jira, Qadiija Marwoy

Ayaa qosolkaagu,ii baxaye

Laylay, laylaay, laa’I laa’ilala…..

Laymuunay caawa laygu, dheer yahaye

Ibraahim Garabyare waxa uu guursaday (2) laba dumara oo kala ah Nuuriya Xaashi Mire oo u dhashay saddex wiil oo kala ah Axmad, Mahdi iyo Ridwaan iyo laba hablood oo kala ah Faadumo iyo Xayaad. Haweenayda labaad waa  Ruqiya. Waxay u dhashay (1) wiil  magaciisa la yidhaa Ramadaan. Carruurtiisa iyo intay sii dhaleen marka lagu daro waa laba iyo afartan qof.

Dagaalkii labaad ee dunida dabadeed ayuu Jabuuti ku soo noqday. Waa kolkaa marka uu fanka xoog u sii dhex galay. 1955kii markii u horreysay ee xadhigga laga jaray raadiyo Jabuuti. Garabyare waxa uu ka mid noqday fannaaniintii ugu horreysay ee codadkooda macaan laga dhageysto Raadiyooga markaa curdinka ahaa. Ibraahim Garabyare wuxuu ahaa fannaan buuxa isla markaana buuxiya oo kaalmo badan oo fanku leeyahay ka soo dhalaala. Heesihii uu ku luuqayn jiray oo dhan midhahooda iyo laxinkoodaba isagaa lahaa ,riwaayado badanna jiliddooda ayuu ka qayb qaatay waayadii uu dhallinyaraa. Heesihii uu qaaday sannadihii kontannadii iyo lixdannadii ee caanka ahaa ee ku soo biiray kaydka raadiyo Jabuuti waxaa ka mid ahaa.

Inna keen, inna keen Aaminaay

Malyuunay,

Warisay walaal,

Ii dhiib Allahayow,

Hayaay Hibooy hayaay iyo qaar kale oo badan

Ibraahim Jaamac Garabyare codkiisu waxa uu ahaa mid Ilaahay ku mannaystay oo qof kasta oo maqla soo jiita. Qasaa’id Nabi ammaan ah iyo heeso waddaniya oo badanna wuu lahaa. Intaa waxa u dheeraa isaga oo xafidsanaa gabayo iyo sheekooyin murti badan leh. Garabyare barnaamij uu fankiisa kaga hadlay oo TV.ga Jabuuti laga sii daayey sannadkii 2002dii ayuu ku caddeeyey anuu ka fadhiisanayo fanka ka dib markuu ku soo jiray muddo 58 sannadood ah. Taariikh-nololeedkiisa iyo fankiisuna sidaa aan soo aragnay bay iskugu marnaayeen oo aan la kala saari Karin, maadaama uu noloshiisa intii badnayd uu ku soo jiray fanka Soomaaliyeed.

HEESIHII  IYO  JACAYLKII  GARABYARE

Ibraahim Garabyare wuxuu suugaantiiisa kaga hadlay dhawr weji oo ka mid ah illimmada ay maansadu ka aroorto. Kuwaas oo kala ah jacaylka, waddaninnimada, diinta iyo waayaha dunida. Qaybta hore waxaan ku soo qaddimaynaa kuwii jacaylka ee uu tiriyey amma uu ku heesay waayadii uu dhallinyaraa. Garabyare heestii u horreysay ee maskaxdiisa ka soo maaxata waxay ahayd heesta uu u bixiyey Hillaac. Heestani waa heestii labaad ee lagu bilaabo fanka Soomaaliyeed ee casriga ah. Sidaan xagga hore ku soo aragnay ee uu Garabyare noo sheegay waa xilligii uu socod baradka ahaa baan odhan karraa. Heesta hillaac waxa midhaheeda ka mid ah.

Hillaacaa bad weyn

Ka bilig yidhiyow

Xaggee bay Basriya

Wa joogtahaayey

…..

 HEES: AGTAYDA  KAALAY

Heestan uu fannaanku u bixiyey (Agtayda kaalay) ee jacaylka ah waxa uu u tiriyey gabadh uu jelaaday.Isagoo ka hadlaya heestanna waxa uu yidhi, qofka fannaanka ahi markuu gabadh jeclaado hees amma gabay buu tiriyaa uu ku beer laxawsanayo gabadha uu jeclaaday. Aniguna heeskan baan gabadhii u tiriyey.

Waan ooyayaaye

Adiguna ilmeeyoo

An is aammusiinnee

Agtayda kaalay

Labadii ayaanlii

Iyagoo aroosey

Ay aqal galaane

Agtayda kaalay

Iyagoon abaarsan

Oon oomaneyn bay

Ubad kala helaane

Agtayda kaalay

Adi aawadaa baan

Anficii u daayoo

Aadmigii ila yaabye

Agtayda kaalay

Inan aan ammaanoo

Adi kaa wanaagsan

Adduunyada ma joogtee

Agtayda kaalay

Axdigaan lahayn baad

Adu oofin weydee

Anna igu adkaaye

Agtayda kaalay

HEES: ARKI  WEYDAY  INAN  YAHAY

Heestan la yidhaa (Arkiweyday inan yahay) waxay isku xilli yihiin heesta hore

Ilamaa ayaantaan

Eersaday ishaydee

Iftiinkaagu ii baxay

Waan ooyayaayoo

Alla bariga mooyee

Naftu aamus diiddee

Anna urugadaan qabo

Maba ogid Ilwaadey

Inaan kuu ilmeeyee

Arki weyday hooy hooy

Arki weyday hooy hooy

Arki weyday inan yahay

Ula jeeddadaydee

Aramida jacaylkiyo

Ibtilada I haysaa

La adkaysan waayee

Odaxdiyo simbiidhadu

Waa aabuq horreeyoo

Igu soo ilkaystee

Anna waxaan u oon baxay

Axdi aan adkayniyo

Erey laysku aaminee

Arki weyday hooy hooy

Arki weyday hooy hooy

Arki weyday inan yahay

Ula jeeddadeydee

Murugadiyo caashaqa

Afrikaba dhammaanteed

Addinkeyga mariyoo

Gabadh aynigaagoo

Cidi ku agdhigeysaa

Ifka kuma abuurree

Nin la soo awaal kacay

Aqal inaan wadaagnoo

Ooridayda noqotee

Arki weyday hooy hooy

Arki weyday hooy hooy

Arki weyday inan yahay

Ula jeeddadaydee

HEES: ADIGUNA  MALYUUNEY

Heestan la yidhaa adiguna Malyuuney sababtii ay ku dhalatay, isagoo Garabyare qeexaya waxa uu yidhi.Gabadhii aan jeclaaday waan ku guulaystay oo waan guursaday. Muddo dabadeed ayaa dhaqaala xumo ila soo deristay, markaasay gabadhii buuq iyo qaylo joogta ah I gelisay. Markaas baan heeskan ugu heesay xaaskaygii.

Waxaan maal lahaan jiray

Iyo muruqyadaydii

Midigtaada geliyoo

Iima mahadnaqayside

Ma oggoli Malyuuney

Muramaha dhexdeenne

Ma wanaagsanoo

Meel laguma goodhoo

Maskax daalis weeyoo

Ma oggoli malyuunay

Muramaha dhexdeenne

Waa malag jacaylkuye

Muxibbada I haysaa

Maankaygi qaaddoo

Kaa maarmi waayee

Ma oggoli malyuunay

Muramaha dhaxdeennee

Ma wanaagsanoo

Meel laguma gaadhoo

Maskax daalis weeye

Waxaan maamulaayey

In laguu mashxaradoo

Mudanay caruusiyo

Meel sare ku geeyee

Ma oggoli Malyuunay

Muramaha dhexdeenno

Ma wanaagsanoo

Meel laguma gaadhoo

Maskax daalis weeyee

HEES: WARISAY WALAAL

Gabadhaydii markaan u taag waayey buuqeedii ayaan kala tagnay. Markaa ka dib baan heestan Warisay walaal aan tiriyey.

Warisey walaal

Warisey walaal

Markii aan ku waanshay

Waadigii is wiiqee

Waydaartay taladee

Hadday kula wareegtay

Wadhi baa ku raacdee

Weydii naftaada

Wadhi baa ku raacdee

Weydii naftaada

Warisey walaal

Warisey walaal

Wacadkii innoo yiil

Waadigii wareershee

Wahabkaa ku fuushan

Weydii naftaada

 …..

 HEES: INNA KEEN AAMINAY

Gabadhii buuqii iyo hadalkii bay iga dayn weyday oo weliba ay sii kordhisay, markaasaan siidaayey oon kala tagnay. Illayn carruur baa meesha jirtee dib baa naloo dhexdhexaadiyey oo waan soo ceshaday. Markaasaan heeskan la yidhaa Aaminaay aan ku heesay.

Inna keen, inna keen, Aaminay

Inna keen,inna keen, Aaminay

Ina abtaynu nahee, Aaminay

Iga daa xasadkoo, Aaminay

Ifka waan ka tagoo, Aaminay

Aakhiraan u dhawee,Aaminay

Waad ogsoon tahayo,Aaminay

Aawadaa u dhintoo,Aaminay

Inna keen, inna keen, Aaminay

Inna keen, inna keen, Aaminay

Ina abtaynu nahee, Aaminay

Iga daa xasadkoo, Aaminaay

Adduunkoo idil baan, Aaminay

Adi kaa arkayaa, Aaminay

Ina abtaynu nahee, Aaminay

Adigaan aawadaa, Aaminay

Anfacii uga go’e, Aaminay

Ina abtaynu nahee, Aaminay

Iga daa xasadkoo, Aaminay

Axdigaynu lahayn, Aaminay

Ma illaawi karee, Aaminay

Ina abtaynu nahee, Aaminay

Iga daa xasadkoo, Aaminay

Inna keen,inna keen, Aaminaay

HEES: HAYAAY  HIBOY  HAYAAY

Heestan Hiboy waxay ka mid ahayd heesihii uu u tiriyey xaaskiisii uu jelaa.

Hayaay Hibooy hayaay

Aan horow marree Hiboy

Waan ku haybsadoo Hiboy

Waad hagaagsantee Hiboy

Hayaay Hiboy hayaay

An horowmarree Hiboy

Waa habeen dame Hiboy

Ha I habsaamine Hiboy

Hayaay Hibow hayaay

An horowmarree Hiboy

Hir baan kaa arkoo Hiboy

Ishqi bay haye Hiboy

Hayaay Hiboy hayaay

An horow marree Hiboy

HEES: II  DHIIB  ALLAHAYOW

Sababtii ay heestani ku soo baxday isagoo tilmaamaya Garabyare waxa uu yidhi, goor kasta khilaafka na dhex mara aniyo xaaskayga waxa uu ku salaysnaa hanti yarida i haysatay.Markaasaan Ilaahay baryey oo aan idhi.

Waa dhaygag iyo yaab

Markaan dhawray dunidee

Inkastood I dhalisood

Dhudhun iyo laxaad iyo

Ii dhammaysay dhaayaha

Waxa aan dhaliishaday

 Dhaqaalaha naftaydee

Maruun aan dhex joogsado

Dhalanteed adduunkee

Maxaan meel dhigtaa

Amma guri dhisaa

Iimaba dhashee

Intaan taydu dhammaan

Lay dhex geynin xabaasha

Ii dhiib Allahayow

Adi kuguma dheeree

Waxaad dherersataaba

Dhakhso uma yimaaddee

Dhankastaba u rooroo

Dhuuni dhaafi weydee

Maruun aan dhex joogsado

Dalanteed adduunkee

Ii dhiib Allahayow

Adi kuguma dheeree

Maxaan guri dhisaa

Amma meel dhigtaa

Iimaba dhashee

Intaan taydu dhammaan

Lay dhex geynin xabaasha

Ii dhiib Allahayow

Adi kuguma dheeree

Ma dhex galo dadweynaa

Dhinac socodka mooyee

Dharaartiyo habeenkii

Dhibba kama baxaayee

Maruun aan dhex joogsado

Dhalanteed adduunkee

Maxaan guri dhisaa

Amma meel wax dhigtaa

Iimaba dhashee

Ii dhiib Allahayow

Adi kuguma dheeree

Intaan taydu dhammaan

Lay dhex geynin xabaasha

Maruun aan dhex joogsado

Dhalanteed adduukee

MAANSADII  WADDANIGA  AHAYD  EE  GARABYARE

Bishii Aout 1966kii waxa Jabuuti booqasho ku yimid madaxweynihii Faransiiska Digool. Dadweynihii reer Jabuuti ee gobonnimo doonka ahaa ayaa bannaan baxyo waawey kala hor yimid, iyagoo dalbanaya gobonnimo buuxda. Faransiisku waxa uu isku dayey inuu xoog ku damiyo bannaanbaxyadii lagu diiddanaa heeryada gumaysiga, hasayeeshee way u suuroobi wayday waxaana lagu dirqiyey inuu yidhaa afti baan qabanayaa bidha Maars 19keeda 1967kii. Ka dib maalintaa markay dadweynihii cod buuxa ku dhiibteen, haa gobonnimo ayuu Faransiisku war baahintiisii ka baahiyey war sheegaya inay dadweynuhu doorteen inay gacanta Faransiiska ku sii jiraan. Shacabkii oo gadoodsan ayaa aroortiiba waddoonyika u soo dareeray iyagoo ku dhawaaqaya gobannimo.

Gumaysigu maalintaa jawaabtii uu bixiyey waxa ay noqotay dil, xadhig iyo masaafuris. Ibraahim Garabyare ayaa ka mid ahaa dadkii maalintaa la xidhay.Iisagoo arrintaa ka warramaya waxa uu yidhi: maalintaa waxa la igu daray dadkii lagu xabbisay xeradii Buduriyeelka [2] la odhan jiray oo la iskugu geeyey 45,000 qof. Dhawr maalmood ayaan halkaa ku rafaadsanayn. Garabyare waxa uu intaa ku daray, aniga iyo kumannaan kale ayaa maxkamad nala saaray oo xadhig nalagu xukumay. Dabadeed xabsigii weynaa baa la I geeyey. Xabsigaa dad badan baa ku sii xidhnaa, oo ay ka mid ahaayeen Idiris Cumar Geelle [3] iyo Sheekh Cabdillaahi Boode [4] iyo rag kale. Markaasaa la igu yidhi Garabyarow adaa u dambeeyaye bal magaaladii ka warran? Xaal side buu ahaa? Markaasaan geeraarkan ugu warramay, waxaan idhi:

Ayaantii axaddii

Isniintiin ka dambaysay

Arrinkaannu sugaynee

Ishtihaadka u yeellay

Isagoon xaqa eegin

Aayar buu iska qaatay

Amakaag iyo yaabiyo

Irkig baannu ka qaadnoo

Intaan ifka joogo

Ma illobi karaayee

Iga daa iga daa

Adeerow iga daa

Adu maanad ogeyne

Arrinkaa iga daa

Ooryihii aan lahayniyo

Ubadkii yaryaraa

Odayaashi gaboobay

Uubuhuu u qodaayey

Amankaag iyo yaabiyo

Irkig baannu ka qaadnoo

Intaan ifka joogo

Ma illobi karaayee

Iga daa iga daa

Adu maanad ogeyne

Arrinkaa iga daa

Arligii aan lahaayee

Eebbahay igu uumee

Adhaxdayda ahaa

Ubadkii Faransiiske

Abbeeleega ahaa

Inigoon waxba geysan

Aayar uun I uleeyey

Amankaag iyo yaabiyo

Irkig baannu ka qaadnoo

Intaan ifka joogo

Ma illaawi karaayee

Iga daa iga daa

Adu maanad ogeyne

Adeerow iga daa

Arrinkaa iga daa

Eedaankii subixii

Intaan waagu iftiimin

Annagoon war u hayn

Ayun buu na afduubay

Afdheeruu nagu qaadoo

Ardaa weynuu samaystay

Ayun buu nagu ooday

Amarkaag iyo yaabiyo

Irkig baannu ka qaadnoo

Intaan ifka joogo

Ma illaawi karaayee

Iga daa iga daa

Adu maanad ogeyne

Adeerow iga daa

Arrikaa iga daa

GUULEED  WUXUU YIDHI

Maansadan wuxuu Garabyare curiyey sannadku markuu ahaa 1975kii. Waa markii halgankii gobannimada loogu jiray uu meeshii ugu saraysay marayey ee la kala miirmayey.

Goor iyo ayaan buu

Guuleed ordaayoo

Gasiinkuu cunaayiyo

Hurdadii ka go’ayoo

Gellin dhexe habeen buu

Gobannimada awgeed

U guclaynayaayoo

Isagoon gabbanin buu

Golihiyo gumaysiga

Goolkii ka dhaliyoo

Guusheennii gaadhoo

Giddigeen dadweynow

Garaad xumo ma fiicnee

Waa inaan gargaarraa

Aan garab istaagnaa

Waa gaardigeennee

Gacan weyn an siinnaa

Dixda Gacan-macaanee

Geeleennu daaqiyo

Gubankaasi muuqdiyo

Geed-garasle ood garan

Rasadaasi Geesdiir

Geyigoo gumaysigu

Boqol sano gumeeyaa

Guuleed ka saaruu

Gobannimadii dhaliyee

Giddigeen dadweynow

Waa gaardigeennee

Gacan weyn an siinnaa

Guuleed wuxuu yidhi

Amma ay gartuba tahay

Good iyo abeesaa

Gurigeenna joogee

Nacab igu gaboobaa

Inna gaabinaayee

Runtaa laga garaabaa

Guntadoo ka soo kaca

Geyigaynu leenahay

La gumaysan maayee

Giddigeen dadweynow

Garaad xumo ma fiicnee

Waa inaan gargaarraa

Aan garab is taagnaa

Waa gaardigeennee

Gacan weyn an siinnaa

MUUQ-DHEERE  II SAAR

Heestan magaceeda muuq dheer la yidhaa waxay soo baxday habeenkii 27Juun 1977kii ee calanka Jamhuuriyadda Jabuuti la saaray. Wuxuu yidhi Garabyare.

Muddo dheer masiibiyo

Miidhiyo maqaar-saar

Mugdigii I soo maray

Maantaan muquunshoo

Murugadii ka maydhoon

Madaxay bannaan yahay

Mahdigaan ku aarsaday

Midabkiisa maankiyo

Dhaayuhu ha mahadshaane

Dhiig miirte siiboo

Muuq dheere ii saar

Mawlay na siiyoo

Kama taagna muramee

Mahdigeennii weeyee

Dhiig miirte siiboo

Muuq dheere ii saar

Murtadkii na miidhee

Maroorsaday mulkigayga

Miiniyo rasaas iyo

Muruq baan ku tiri magac

Meeshuu lahaa mari

Maqaadiirta tidhi maya

Inay maalin iman

Mawjadoo laxaad loo

Mintidoo ka maagin

Mijaxaabin doonaan

Ma filayn munaafaqu

Milgo gobannimaa mudan

Ku macaashnay maamuus

Mahdigaan ku aarsaday

Midabkiisa maankiyo

Dhaayuhu ha mahadshaane

Dhiig miirte siiboo

Muuq dheere ii saar

Mugdigii muddada dheer

Na maroojinaayee

Macaluusha nagu dilay

Miinadiyo rasaastiyo

Wixii Maaris igu dhacay

Caawaba ka maydhee

Midabkiisa maankiyo

Dhaayuhu ha mahadshaane

Dhiig miirte siiboo

Muuq dheere ii saar

Haddaynaan mid qudha noqon

Amma aan mataanaha

Muruqooda laga didin

Cadaw igama maarmeen

Gobannimo macaaniyo

Mahad kuma caweeyeen

Midabkiisa maankiyo

Dhaayuu ha mahadshaane

Dhiig miirte siibo

Muuq dheere ii saar

Mililaha gumaysiga

Calankaaga mooyee

Dawo kale ma maydheen

Waa mici abeesoo

Maallay madaw oo

Kugu soo mirkacayee

Midabkiisa maankiyo

Dhaayuu ha mahadshaane

Dhiig miirte siiboo

Muuq dheere ii saar

Wuxuu maagganaa iyo

Maayood sideedii

Mari weynay meesheedii

Waa laga malaystoo

Miyir iyo hubsiimaan

Maamuus ku gaadhnay

Midabkiisa maankiyo

Dhaayuu ha mahadshaane

Dhiig miirte siiboo

Muuq dheere ii saar.

 DUSHA KEENNA U SAAR

Maansadan magaceeda la yidhaa Dusha keenna u saar waxa uu Garabyare tiriyey isla habeenkii gobannimada uu qaatay dalkan Jamhuuriyadda Jabuuti. Abwaanku waxa uu maansadan ku tilmaamayaa inuu gumaysigu yahay mid aan la aamini karin. Sidaa daraddeed waxa uu leeyahay ha laga digtoonaado heshiisyada lala galayo. Wuxuu yidhi:

Ha iiga guuro duleedka

Dulna yuu iga ilaalin

Anu diiday gumaysi

Inaan daawo la yeesho

Dareen bayga gaadhoo

Dib u aamini mayo

Ee deeqda Eebbe I siiyey

Dawadii dhulka weeyee

Bal aan daawado caawee

Calankiisa u duuboo

Dusha keenna u saar

Dood kaletana waa

Dabagaalle abeeso

Inuu duur la xuluusho

Dareen buu ka qabaayoo

Dib u aammiini maayo

Anna diiday gumaysi

Inaan daawo la yeesho

Dareen bayga gaadhoo

Dib u aammini mayo

Ee deeqda Eebbe I siiyey

Dawadii dalka weeyoo

Bal aan daawado caawee

Calankiisa u duuboo

Dusha keenna u saar

Waxba yuu I dalaynin

Darajooyin I siinin

Dayaxaasi I saarin

Anu diiday gumaysi

Inaan daawo la yeesho

Dareen bayga gaadhoo

Dib u aammini mayo

Ee deeqda Eebbe I siiyey

Dawadii dalka weeyoo

Bal aan daawado caawee

Calankiisa u duuboo

Dusha keenna u saar

Waxba yuu hubka duula

Dabaabaad wax duqeeya

Naba siiniin diyaarad

Anu diiday gumaysi

Inaan daawo la yeesho

Dareen bayga gaadhoo

Dib u aamini maayo

Ee deeqda Eebbe I siiyey

Dawadii dalka weeyoo

Bal aan daawado caawee

Calankiisa u duuboo

Dusha keenna u saar

Ha ii diidin dantayda

Adna taadani doori

Waa waxan ka didaayee

Ayaanan isdurraansan

Anu diiday gumaysi

Inaan daawo la yeesho

Dareen bayga gaadhoo

Dib u aamini maayo

Ee deeqda Eebbe I siiyey

Dawadii dalka weeyoo

Bal aan daawado caawee

Calankiisa u duuboo

Dusha keenna u saar

Diihaalkiinnu dhawaa

Ma durbaa la illoobay

Dawladdaa isticmaarku

Hadday Diin garanayso

Dadkii Maaris ay qaadday

Xaggee buu ku dambeeyey

Anu diiday gumaysi

Inaan daawo la yeesho

Dareen bayga gaadhoo

Dib u aammini maayo

Ee deeqda Eebbe I siiyey

Daawadii dalka weeyoo

Bal aan daawado caawee

Calankiisa u duuboo

Dusha keenna u saar

GAAJADU  HA  GUURTEE

Heestan waxay soo baxday wax yar ka dib markii ay Jabuuti qaadatay gobannimada. Garabyare waxa uu dadweynaha u tilmaamayaa in gaajada lagaga baxo oo keliya marka dhulkaaga muruqa loo huro ee midho lagala soo baxo. Isagoo dadweynaha guubaabinaya waxa uu yidhi:

Waxaan idin garwaaqsiin

Taladeen ku go’an tahay

Geyigeennu leeyahay

Mudhihii ku gaaxdiyo

Hoobaanta gurannee

Garaad xumada daynee

Aan geedoo beerro

Gaajadu ha guurtee.

Waxaan idin garwaaqsiin

Taladeen ku go’an tahay

Gadh caddaadigii iyo

Gabadh iyo gambooley

Gacmaha is qabsada oo

Guud ahaan dadweynow

Gidaarrada an joogniyo

Garaad xumada daynnoo

Aan geeda beerro

Gaajadu ha guurtee

Waxaan idin garwaaqsiin

Taladeen ku go’an tahay

Guuleed wuxuu yidhi

Anigaa gargaariye

Ruuxna yuu gadaal noqon

Guud ahaan dadweynow

Gidaarrada an joogniyo

Garaad xumada daynnoo

An geeda beerro

Gaajadu ha guurtee

SAMAALOW CALANKEENNA

Maansadan gaaban ee magaceedu yahay(Samaalow) waxa uu Garabyare curiyey sannad-guuraagii 20naad(1997) ee ka soo wareegay markii ay Jamhuuriyadda Jabuuti xorowday,wuxuu yidhi,

Sannad-guuradeennii

Ma labaatan baa sugan

Samaalow calankeenna

Ninka maanta saluuga

Maskaxdaa ka sumaysanoo

Saaxi baanu ahayne

Saatirkeen ha daweeyoo

Sannadkii dhammaadaba

Sama noogu taagnow.

DOORASHADII BAARLAMAANKA (1993)

Heestan waxa uu abwaanku curiyey sannadkii 1993kii, markaa oo doorashadii golaha wakiillada ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ay dhacaysay. Xisbiyo badan baa doorashadaa ku tartamayey, Xisbi walbana daweynaha ayuu soo hordhigayey barnaamijkiisa iyo horow marka uu damacsan yahay inuu dalka gaadhsiiyo. Garabyare waxa uu heestan ku tilmaamayaa qofka u qalma in la doorto iyo kaan u qalmin.

Dalka iyo dadkiisaba

Ninka aan daryeelayn

Xaqa duudsiyaayana

Lama dooranaayee

Duufaan ha qaadee

Waa inaynu diidnaa

Dabaylaha ha raacee

Waa inaynu diidnaa

Dumarkiyo carruurtiyo

Duqaytida dhammaantood

Ka an daadahaynayn

Lama dooranaayee

Duufaan ha qaadee

Waa inaynu diidnaa

Dabaylaha ha raacee

Waa inaynu diidnaa

Dadweynaha dhammaantii

Kii aan u daalayn

Iskukiin diraayane

Lama dooranaayee

Duufaan ha qaadee

Waa inaynu diidnaa

Dabaylaha ha raacee

Waa inaynu diidnaa

Danaheenna caamka ah

Kii daadinaayee

Daacad ugu shaqaynayn

Lama dooranaayee

Waa inaynu diidnaa

Duufaan ha qaadee

Waa inaynu diidnaa

Dabaylaha ha raacee

Waa inaynu diidnaa

Daar fooqle aan koro

Dibitaati iga dhiga

Dadku yaanu ii iman

…………………….

Lama dooranaayee

Waa inaynu diidnaa

Dabaylaha ha raacee

Waa inaynu diidnaa

Duufaan ha qaadee

Waa inaynu diidnaa

MAANSADII NABI AMMAANKA EE GARABYARE

Allahu masalli

Calaa Muxamadaa

Allahu masalli

Wa aali Axmaadaa

Yaadaalica samaa

Bil laylatil Israa

Udgoonow Rasuulkii

Eebbeheen u doortayow

Aakhiro iyo adduunkaba

Kii loo abuurayow

Ifka joogi maynee

Marka iilka lana dhigo

Adigaa awoodlee

Na ilaali aakhiro

Udgoonow Rasuulkii

Eebbeheen u doortow

Aayadaha qur’aanka ah

Kii lagu ammaanow

Ifka joogi maynee

Marka iilka lana dhigo

Adigaa awoodlee

Na ilaali aakhiro

Udgoonow Rasuulkii

Eebbeheen u doortow

Ilaa qaabaqawsanka

Kii aayar fuulee

Ilaahay ashraaftiyo

Iimaanka siiyow

Ifka joogi maynee

Marka iilka lana dhigo

Adigaa awoodlee

Na ilaali aakkhiro

Udgoonow Rasuulkii

Eebbeheen u doortow

Ilaa Xaawa iyo Aadan

Addomaha Ilaahay

Kii ugu horreeyee

Ugu wada dambeeyow

Ifka joogi maynee

Marka iilka lana dhigo

Adigaa awoodlee

Na ilaali aakhiro

 IIMAAMUL  AMBIYAA

Wanaagsane Rasuulkii

Weyneheen u doortow

Waxyigii ku soo degey

Aan ka weecanee

Waajibkiisii marayow

Salaatullaa calaa

Haadihil amiinaa

Imaamul ambiyaa

Wal mursaliinaa

Wanaagsane Rasuulkii

Weyneheen u doortee

Wanaag male iblayskuye

Weedhiisa diidee

Waranka u afaystee

Waxyiga loogu sheegow

Imaamul ambiyaa

Wal mursaliinaa

Wanaagsane Rasuulkii

Weyneheen u doortee

Weerarkii kufaarta

Aan ka weecanee

Waranka u afaystow

Imaamul ambiyaa

Wal mursaliinaa

Salaatullaa calaa

Haadihil amiinaa

Imaamul ambiyaa

Wal mursaliinaa.

GABAY  XAJKA KA  HADLAYA

Gabaygan waa mid uu Garabyare u diyaarsaday maalinta uu fursad u helo uu ku soo guto waajibaadka Xajka. Wuxuu yidhii

Maka iyo Madiiniyo Xajkaan, maanka ku hayaaye

Dambigii I maasheeyeybaan,maydh is leeyahaye

Rabbow ha iga maanicin waddada, waw majiirraaye

Maankaygu wuxuu doonayaa,moosinkaa horee

Wuxuu sii muquurtaba Jidduu, meel ku leeyahaye

Magaalada markuu igu rogeen, moodhadh kale raaco

Maqaam Ibraahim Muslafiyo markaan, umaradii gaadho

Muxibbada I saarani markaa, saw mid kale mahaa

Markaan galo maqaamkoo la furo,madaddu yeedhayso

Cadarka iyo cuudkii badnaa, nalagu maasheeye

Sida maydho geeloo kaliil, maangad ku harraadday

Oo wiil maddaha ceel u galay, qudhacle maaxdiisa

Alleylehe macaankaan ka helay, waygu maranyee

Alla magane meel bay ahayd lagu, sugaa mawdka e

Ibraahim Jaamac Garabyare suugaantii uu tiriyey qoraalkan kooban kuma soo wada koobi karro.Garabyare 58 sannadood ayuu ku soo jiray fanka, halkaa bay kaaga muuqanaysaa inaan Taariikh-faneedkiisii halkan aanan ku soo wada ururin karin. Ugu dambayn aan ku soo gebagebeeyo murtidii uu ku jawaabi jiray, waayadii dambe ee uu cimriyey gaar ahaan marka gabowga wax laga weydiiyo.

Sawkaa gankaygii dunida, gaw ka yidhi maaha

Saw waxaa geyiga iigu hadhay, sii galgalo maaha

Saw waxaa godkii iiga hadhay, geliya uun maaha

Ibraahim Jaamac Maxamad (Garabyare) bishii inna dhaaftay ee Juulaay 24/2008 ayey tii Alla u timid oo uu ku geeryooday Jabuuti. Garabyare Allaha u naxariisti oo Jannadii Fardawsa ha ka waraabiyo. Qooyskii iyo eheladii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ha ka siiyo(Innaalillaa wa innaa Ilayhi Raajicuun).

  XIGASHO

Dhammaan qoraalkan aan ka diyaariyey Allaha u naxariistee fannaankii Ibraahim Jaamac Maxamad oo loo yaqaanay (Garabyare),waxaan dhex maaxay oon dhammaantiiba ka soo ururiyey qolalka kaydka ee golaha Raadiyooga iyo Telefiishanka ee Jabuuti (R T D.) Barnaamijyadii laga duubay een tixraacay waxa ka mid ah.

1) Barnaamij gaar ah oo laga duubay sannad-guuradii tobnaad (1987kii)ee ka soo wareegtay markii Jabuuti xorowday.

2) Barnaamij la yidhaa Asalaamucalaykum oo fannaaniinta lagu waraaysto oo uu diyaarin jiray Allaha u naxariistee Cali Seyd.(1996).

3)Barnaamij gaar ah oo laga duubay sannad-guuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay  gobannimada Jabuuti(1997).

4) Barnaamijka fanka ee la yidhaa Hobal iyo Habeenkii oo laga duubay sannadkii 2002dii.

Waxa qoray, Cabdalla xaaji Cusmaan oo ah kayd hayaha (R.T.D.) Jabuuti.

—–

1. Daar el Akhbaar: waxay ahayd goob loo isticmaalo sida idaacadaha oo ku taallay fagaaraha Max. Xarbi.

2. Karmiici: waa milaygii uu dagaalkii labaad socday. xilligaa oo Jabuuti laga qaxay

Cabdalle Xaaji Cusmaan

E-Mail:Cabdalla_xaaj@yahoo.fr

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here