Gobolka Sanaag baaxad ahaan waa 38.66% bedka geyiga Somaliland ku fadhiyo qiyaastaas marka loo eegona G/Sanaag wuxu ku dhow yahay kala badh dhulka Somaliland ku fadhido.
Degmooyinka gobolka Sanaag waxay ka kooban yihiin (6) degmooyinkii hore ah iyo (10) Degmooyinka danbe ee xukuumadihii Somaliland u kala danbeeyey magcaabeen.
Degaannada intaas le’eg waad garan kartaa inta war ama birnaamijyada qaybohooda kala duwan oo aan daawashadoodaba laga xiiso dheceen ee maalintii uga soo xeroon kara xukuumadda Somaliland taasoo siyaasaddeeda iyo maammul fidintaba wax weyn ka tari lahayd bulshadana xaaladeheeda lagu ogaan lahaa. Waxase taas Adhaxda ka jebiyey kolkii warbaahintii qaranka ee fursadahaas ka faa’iidaysan lahayd noqotay mid dhawr iyo labaatan sano hal nin oo Ceerigaabo gudeheeda jooga u cuna duuban.
Waxaynu kaloo ognahay degaannadan aynu tilmaamayno in badan oo ka mid ah waxa cidhiidhi ku haya siyaasadoaha maammullo kale oo kazoo hor jeeda goonni isu taagga Somaliland xukuumad ka hana qaadda iyo weliba sumcaddeeda oo wanaagsanaata. Waxayna arrintani bulshada degaannadaas ku nool iyo xukuumadda Somaliland ka dhigtay kuwo qolona qolada kale aanay xog iyo xaal toonna kahayne dhegtaasuun iska maqla “Carruur iyo Guure-raac Waxbaa look ala sheegaa Ismana Arkaan”.
Waxa sidoo kale xusid mudan in badan oo bulshada Somaliland jeceli markay waayeen meel ay warkoodaba u mariyaan ama xataa ciddii shakhsigan tuur ku qaadka ah la kulantayna qiima kulaylkiisa ku caga gubyootey oo ka caratay inay u qaateen malaha waxbaa kaa qaldane Somaliland sida aad u qabtid ma aha.
Dhibaatadu intaas kuma ekee shakhsigan kelidii tuurta ku sita warbaahinta qaranka ee gobolka Sanaag wuxu u hanqal taagaa sidii uu warbaahinta madaxa bannaan qaarkeed wararka ugu diri lahaa oo uu bulshadana ugaga lacag qaadan lahaa inuu wararkooda warbaahintaas kalena ugu dirayo