Tabashadii Tolkeen madaxweynahu waa Aqbalay kol hadii Haaya,adii shaqaalaha laguu dhiibay:Wasiir Abgaal oo sheegay in ay dhamaatay tabashadii reer Awdal
Hargaysa(Hubaal) Wasiirka Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed jaamac abgaal, ayaa sheegay inuu madaxwayne siilaanyo Ka jawaabay tabashadii ay qabeen Beelaha Daga Gobolka Awdal.
Wasiir Abgaal, oo ka hadalay xafladii xilwareejinta ee masuuliyiinta Hayádda Shaqaalaha Qaranku kulak ala wareegayeen xilalka ayaa waxa kale oo uu sheegay mar Haddii Beeshooda la siiyay Hay’adda Shaqaalaha inuu Guddoomiye Mixile, Ka haqab tiri doono ciddii tabashada Qabtay.
dhinaca kale waxa uu sheegay in guddoomiyaha cusub looga baahan yahay in uu caddaalad ku dhaqo dhammaan ummadda reer somaliland, hadday tahay kuwooda dagan, bari ilaa galbeed,hawd ilaa waqooyi, si simana ugu xaqsooro,waxaana uu yidhi.
“Hortu saaxiibkay Nuux Sheekh Muuse Ducaale waan sagootiyay oo waliba si balaadhan Ayaan u sagootinayaa,xilka waxa uu qaranka u soo qabtayna ilaahay haka abaal mariyo,Guddoomiyaha cusubna waxaan
leeyahay tolkeen saaka waxa uu leeyahay Madaxwaynahi Tabashadii ayuu naga Aqbalayoo Haay’adii shaqaalaha,waxaana leeyahay Dabada u qabo oo midh haka Reebin reerka.
Wasiirka wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi.
“Waxaan leeyahay Malaa Sanadkan hore cidi isma cawryayso Sanadka Hore iska dul-qaata Ayaan leeyahay,haday dhacdo mixilo oo Sidaas ahaato Tolkeen marnaba lagama maarmayo oo Iyana Cadaalada Ayay u baahan yihiin,Qof walba Marka Qoyskiisa Laga bilaabo waa masuul markaas qof xil qaaday eed qaad cadaalada ayaa lagaaga baahan yahay ayaan ku leeyahay mixilow.
waxa uu ku guubaabiyay inuu cadaalada ku shaqeeyo laba qof oo ka kala yimid Lawya-cado iyo ilaa badhan waxaad ugu kala eexato Meesha mataalo waxaana uu yidhi.
“Anaguna waxaana kugu jeclaanaynaa kuguna garab galaynaa cadaaladaas aad shacabka somaliland ugu xaqsoorto shaqaalaha,waa shaqo culus,waana haay’adda ka culus xilkasta oo qaranka loo hayo,waana Warshadaas soodareeraysa ee shaqada uwada baahan masuuliyada adiga ku saran,maaha Shaqo fudud hawl Karin Nimana waan kugu ogaa ee halkaas kasiiwada.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in tabashadii ay qabeen Beelaha daga Gobolka boorama uu aqbalay madaxwaynaha somaliland axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo xilkan adiga laguu magacaabayna ka turjumayo isaga oo ilaahayna uga baryay inuu xilka loo dhiibay ku asturo.