Tacab waa Iskaashi: Qaybinta Shaqada iyo Shaqaalaha; Iskaashiga iyo Takhasuska – W/Q. Axmed Cabdillaahi “Diini”

0
62

HORDHAC:

 “Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye… Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne” – Abwaan Hadraawi.

DiiniAragtiyuhu waa gumaro qaran hantiyo noloshiisa oo dhan ta ugu weyn, haddii qarankaasi yahay mid curdin ah (sida Soomaalilaand). Isla sidoo kale waa hadyadaha ugu weyn uguna qiimo iyo qaayo badan ee fac kasta uu ka dhaxlo facii isaga ka horeeyay. “Hadba kooda sarakaca/waxa sahayda uga taga/kii horee sagootiyey” Xasan Ganay. Dhinaca kale marka aynu ka eegno hantida macnawiga ah (ashyaada), daahfurida sayniska, abuuritaan warshadeed, iyo wixii la hal maala dhamaantood muhiimadoodu aad bay uga hoosaysaa marka lagu dhereriyo Aragtiyaha. Dhawridda ama illaalinta arrimahaasina sido kale wax ay ku xidhantahay ama ku tiirsantahay Aragtiyaha. Haddii hanti qarameed ka dal ay burburto waxa suurtagal ah in si dhakhso ah sidoodii ama halkoodii dib loogu soo celiyo, waase marka qarankaasi xafiday/dhawray hanti maskaxeedkooda (sida Jarmal iyo Jabaan). Hase ahaatee, haddii hanti maskaxeedku maax-dumaan oo ay qaranka u soo hadho hantida macnawiga ah, hantidaasi si dhakhso ah ayay u gudhaa, qarankaasna waxaa ku habsada faqri iyo gaajo. Dhamaan guulaha sayniseed ee hore qaran u sameeyay waa qaar dib loo yagleeli karo, loona suuro galin karo haddii aanay lumin ama aanay dayacmin hab fekerkiisu. Halka haddii ay lunto hab fekerkiisa waxsoosaareed uu si dhakhsaa u qoomameeyo, waayana daahfurida iyo ikhtiraaqyadiisii. Sidaa darted ugu horeyn waa mid lagama maarmaan ah daryeelida aragtiyaha. Ku dhisnaanta aragtiyaha oo loo eegayo hab fekerka waxsoosaareed waxa la helayaa hantida ashyaada ah, ku guulaysashada daahfur sayniseed, halabuuro warshadeed iyo wixii la hal maala.

Maxaynu uga-jeednaa Aragtiyaha? Waa jiritaanka ummadda gudahooda ama dhexdooda ay ka jirto geeddi-socodka ay uga fikiraan arrimaha noloshooda la xidhiidha iyaga oo aan cidna u daba fadhiisanayn, sida in inta ugu badan ee shaksiyaadka ummaddaasi ay isticmaalaan ama adeegsadaan Macluumaadka iyo xogaha ay haystaan markii ay soo wajahaan dhacdooyinku, si ay u kala xukumaan una kalasaraan. Taas macneheedu waa in ay leeyihiin fikrado, kuna dadaalaan sidii ay ugu is ticmaali lahaayeen nolosha, iyagoo si joogto ah oo guul leh u isticmaalaya fikradahaasi.

Ararta aynu halkaa kaga hadhno oo guda galno sabarka iyo abaarta qormadeennan. Qaybinta shaqada waxaa lagu qeexaa u qoyndaynta shaqaalaha ama dadka hawl gaara oo uu hawl qabadkeeda si hufan u gudan karo. Qaybinta shaqada iyo wada shaqaynta labadoodaba aad bay suugaantu uga hadashay qiimaha ay bulshada iyo horumarkaba u leeyihiin. Hadii ay tahay maansada, maah-maahda, odhaahda, riwaayadaha iyo sheeko-murtiyeedda iyo wixii la mid ah. Abwaano fara badan ayaa ka maansooday arrintan wakhtiyo kala duwan. Sidoo kale aqoonyahano muslimiina oo badan ayaa cadeeyay muhiimadda qaybinta shaqada, iskaashiga, iyo takhasuska u leeyihiin horumarka dhaqaale, wakhti dheer ka hor intii arrimahani ka jirin dhaqaalaha raasamaaliyada. Haddaba inta ay naan ka hadal waxa ay abwaanada iyo aqoonyahanada muslimiintu ka yidhaahdeen Arrintan. Waxaynu ku horeyn doonaa ama eegi doonaa Maahmaahaha iyo murtida arintan ay soomaalidu kaga hadashay. Tusaale ahaan soomaalidu waxay tidhaahdaa: Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan, Far kali ah fool ma dhaqdo. Waa murtiyo soomaaliyeed oo muujinaya qiimaha iyo wax tarka hawl wadareedku u leeyahay gaaritaanka himilada la hiigsanayo iyo horumarka dhaqaale. Dhinaca kale waxay iftiiminayaan karti-xumada iyo waxtarliida kelinimada sida badan dadku marka ay isticmaalayaan qaybinta shaqada oo ay si wada jira u shaqaynayaan ayay ka wax-qabad iyo wax-soosaar badan yihiin marka ay gooni u kala shaqaysanayaan. Marka aynu dib u raacno dhaqanka soomaalidii hore waxaynu ka soo dhiraandhirin karnaa tusaaleyaal badan oo ina tusaya sida ay ugu baraarug sanaayeen una yaqaaneen ahmiyadda ay leedahay wax-wadaqabsiga, iskaashiga, qaybinta shaqada iyo takhasuska gaar ahaaneed iyo sida arimaha aynu kor ku xusnay ay u kordhiso wax-soosaarka, wakhtigana u dhaqaaleyso. Bal aynu soo qaadano tusaale yaashaa qaar kamida.

WARAABINTA GEELA

Geela heliddiisa waxa ka dhib badan hayntiisa. Wuxuu u baahan yahay xannaano badan oo la’aanteed aannu si wacan u dhaqmi karin ama u tarmi karin. Ugu horreyntii waa inuu leeyahay oo dugsanayaa ciidan ama cudud xoog leh oo ka daafacda xoog kasta oo isku daya in uu dhaco. Waa tan labaade, waa inuu leeyahay dadkii ku habboonaa dhaqiddiisa, oo uu ka mid yahay waayeel u arriminayey, barbaartii xoogganeyd ee dad iyo dugaagba ka ilaalinayey; meelaha biyaha leh ka waraabinayey, dhulka daaqa wacan leh geynayey iyo wiilashii kureyada ahaa ee raacayey. Hawlaha muhiimka ah ee la xiriira dhaqidda geela, marka laga reebo arrimaha na- badgelyo, waxa ugu muhiimsan waraabinta iyo daajinta. Kuwaasina, waxa fulin kara dad xiIkas ah u heegan ah, oo geela xannaanadiisa mooyee, raaxa kasta iyo dan kasta kale iska dhaafay.

Inta badan waxa geelasha lagu waraabgeeyaa ilaa mudo 15 maalmood ah celcelis ahaan waxaana loogu yeedhaa ama lagu magacaabaa kal yac. Waayadii hore marka geela la waraabinayo way adkeyd in qof qudhi waraabiyo sababta oo ah inta badan ceelashu waxay ahaan jireen kuwo dhib-badan, hawshooduna adagtahay, aadna u dhaadheer. Qoraa Axmed Ibraahim Cawaale maqaalkiisa ciwaankiisu Yahay “Ceel-Walwaaleed” wuxuu ku yiri: ceelasha “qaarkood dhererkoodu waxay gaadhijireen 12 baac (baac waa qof sare joogiisa oo weliba gacmihiisu kor u fidsanyihiin), dhexroorkooduna yahay hal baac”. Sidaa daraadeed hawsha waraabinta geela waxaa qaban jirey tiro dada oo lagu qiyaaso 5-10. Dad kaas oo mid waliba hawl gaara oo uu si hufan u gudan karo u xil sarnaa. Mararka qaar kood ceelasha geela laga waraabiyo waxaa ku kulmi jirey dhawr geel taasi waxay keentaa raggii geelasha waday inay is bahaystaan oo iskaashadaan, hawshana wada galaan taasoo u suurtagelisa degdeg iyo hawl fudayd.

DHAQIDDA XOOLAHA

Soomaalidu asalkii hore waxay ahaayeen reer-miyi xoolo-dhaqato ah oo hadba u guura meelaha dalkooda ka midka ah oo xooluhu ay baad iyo biyo uga heli karaan. Xoolaha ay dadku sida badan dhaqdaan waxay yihiin ishinka oo ka kooban geela iyo lo’da iyo ari oo ah idaha iyo riyaha iyo gammaanka oo isaguna ka kooban fardaha, baqlaha iyo dameeraha.dadka iyo dalka soomaaliyeed waxay kamid yihiin dalalka iyo dadyowga caanka ku ah xoolo dhaqashada waxaana lagu qiyaasaa in 70% ay ku dhaqanyihiin habnololeedkaas. Xoolaha nooc kasta ha ahaadeene, waxa loo dhaqdaa waxtar ay leeyihiin oo dadku ka helo haddii xooluhu wax tarkaas lahayn waxa hubaal ah in aan la dhaqdeen. Tusaale ahaan Somaliland xooluhu Waa isha ugu weyn ee nolosha dadka. Waxay fursado Shaqo u abuuraan in kabadan 70% dadka kunool Somaliland. Sidoo kale waaxda xooluhu (livestock sector) waa lafdhabarta ugu weyn ee dhaqaaleheennu ku tiirsan yahay. xooluhu waa udub-dhexaadka iyo mishiinka wareejiya dhaqaalaha dalka, waxaanu ku daraa dakhliga qaranka 65% sannadkii marka loo eego Qorshaha Horumarinta Qaranka. Wadarta dakhliga lacagta adag (hard currency) ee inaga soo gala waxa aynu Dibadda u dhoofino 85% waxay ka yimaadaan Xoolaha. Xooluhu is la sidoo kale waa isha Ugu muhiimsan ee dadka Ku nool Soomaalilaand Ka helaan nafaqada (Nutrition). Haddaba dhaqidda xooluhu waa hawl aad u adag, hadday noqoto daryeelkooda, illaalintooda, dhicintooda, daaweyntooda, suuqgayntooda, iyo raacitaankooda. Si hawlahaas si hufan loo qabto soomaalidu waxay adeegsan jirtey aragtiyaha (theories) qaybinta shaqada, takhasuska, iyo iskaashiga. Marka qoysku uu leeyahay dhamaan meesiyada la dhaqdo, waxay adeegsan jireen laba nooc oo kamida aragtida qaybinta shaqada, iskaashiga iyo takhasuska. Nooca koobaad waxa weeyaan qaybinta shaqada iyada oo loo eegayo dhinaca jinsiga. Nooca labaadna waxa weeyaan qaybinta shaqada iyadoo loo eegayo dhinaca da’da. Midkastana waxa ku lammaan oo loo eegi jirey hawsha culayskeedu inta uu leeg yahay. Dhinaca jinsiga haddii aynu soo qaadano soomaalidii hore ee reer guuraaga ahayd haweenku waxay u xilsaarnaayeen dhaqidda iyo xanaaneynta lo’da, idaha, iyo riyaha.dumarku waxa kale oo ay doorweyn ka qaadan jireen hawlaha caanaha la xiriira, hadday noqon lahayd lisidda, habaynta, nidaaminta, iyo suuq gaynta caanaha siyaadada ah. Haweenku waxay kaloo xannaaneyn jireen ama daryeeli jireen xoolaha lagaga tago xerada iyo agagaarka/kambalka guriga, sida neef uurleh, xoolo dhawaan dhalay, ku dhaawacmay iyo xoolaha bukaanka ah ama xanuunsanaya, kuwaasoo u baahan fiiro gaara. Waxay kaloo hubiyaan maqasha iyo wayluhu in ay jaqeen caano ku filan. Si doo kale waxay door weyn ka qaadan jireen daaweynta cudurada ku dhaca adhiga iyo lo’da. Hawlaha xanaaneynta xoolaha waxaa u dheeraan jirey shaqada maalinlaha, ee hawlaha daryeelka caruurta, diyaarinta cuntada, biyaha iyo soo ururinta xaabada iyo dhisida guryaha. Haweenku waxay kaloo qaban jireen nidaamka caanaha looga saaro subagga iyo burcadka.

Waxaynu u maragsan kareynaa qaybo badan oo murtida soomaaliyeed ka mid ah. Bal tuducyo aynu ka soo qaadano tixo ay lahaayeen Cabdi Gahayr iyo Cumar Xuseen (ustareeliya).

“Ha yeeshee wixii kula gudboon, garangartaad joogto

Nirgaha guriga daaqiyo ratiga, geela laga reebo

Waa inaad martida tii golmoon gogosha siisaaye”– Cabdi Gahayr.

“Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisiiye

Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka Karameede

Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha sii ma dhaafsana’e

Lo’da dhiiqda laga maalayaa dhayda iyo xoorku

Dhudhunkay biyaha ku la jirtiyo dharabka weeyaane

Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele”– Cumar Xuseen “Ustareeliya”.

Dhanka ragga haddii aan jalleecno, Soomaalidii hore ragga masuuliyadoodu waxay ahayd geela. Raggu inta badan isaga ayaa soo saari jiray go’aanada la xidhiidha xoolaha, waxay kaloo masuul ka ahaan jireen nidaam daaqsimeedka guud. Waajibaadka kale ee raggu u xilsaarnaanjireen waxaa kamid ahaa in uu si joogta aha u xaadiro ama ula socdo suuqyada iyo goobaha kale ee lagu kulmo si uu u helo warbixino ku saabsan xaaladaha deegaanka ku xeeran, hadday ahaan lahayd helitaanka biyaha iyo dhacdooyinka cuddurada. Raggu waxay kaloo sameyn jireen go’aanada koobaad ee ku aadan wakhtiga ama xiliga la guurayo, halka loo guurayo iyo cidda kaxayn doonta xoolaha. Raggu sidoo kale waxay hubiyaan oo kor meeraan fiidkii marka xoolaha la soo caraabiyo in wax neefi ka maqan yahay iyo in kale. Raggu sidoo kale waxay qaban-qaabin jireen ragga kale ee ay ood wadaag ta yihiin si loo ilaaliyo loona dayac tiro goobaha biyaha. Raggu waxay kale oo u xilsaarnaan jireen daaweynta xoolaha iyo lisida geela.

Haddaan oday dhiqin,

Awrse loo hayn,

Abuur-adageey,

Eebbe mooyiye,

Yaa askumi kara?

Wiilna murankiyo,

Maadda giriguu,

Ku milaaq yahay;

Wiilna muruqiyo,

Maalistaaduu,

Ku milaaq yahay.

Markanna dhanka da’da aynu wax ka tilmaamno. Carruurtu si toosa ayay uga qayb qaadan jireen kobcinta, korinta, xannaanada, ilaalinta, daryeelka iyo raacitaanka xoolaha. Carruurta da’doodu tahay 6-7 sano, waxay raaci jireen maqasha. Carruurta waaweyn ee da’doodu u dhaxayso 8-9 sano waxay iyaguna masuul ka yihiin nirgaha iyo weylaha oo hawshoodu ka culustahay marka loo eego taa hore ee maqasha. Wiilasha iyo Hablaha da’doodu tahay 11 sano iyo ka weyn waxay Door weyn ka qaadan jireen daajinta Iyo waraabinta xoolaha waaweyn.

Bal imikana aynu wax wax ka xusno waxay arrintan ka yidhaadeen Aqoonyahanadii islamka iyo Abwaanada soomaaliyeed. Tusaale ahaan Al Sarakhsi (oo geeriyooday sanadii1090). Wuxuu yidhi beerwaluhu wuxuu u baahan yahay shaqada dawaarlaha si uu u helo dhar uu xidho, sidaa si lamida dawaarluhu wuxuu u baahanyahay shaqada beerwalaha si uu u helo cuntaduu quudan lahaa iyo cudbiga uu dharka ka tolo.

Al-dimashqi, wuxuu weeleeyay mudo qarni kudhow ka gadaal. Isaga oo sifaahfaahsan uga hadlayana wuxuu yidhi. “Qofna ma awoodo in uu qabto waxkasta iyo dhamaan hawlaha warshadaha. Sababtoo ah gaabnanata cimriga uu jirayo. Haddii uu qabtana, lagama yaabo inuu awoodo inuu maamulo dhamaan xirfadahaasi bilow ilaa dhamaad. Dhamaan warshaduhu waa qaar isku tiirsan ama isku lamaan. Dhismuhu wuxuu u baahanyahay nijaar (carpenter), nijaarkuna wuxuu u baahanyahay ironsmith. Sidoo akle ironsmithkuna wuxuu u baahan yahay qode (miner). Dhamaan warshadahaasi waxay ubaahan yihiin dhismayaal.”

Ibnu Khaldun wuxuu daaqada ka saaray suurtagalnimada isku filnaansha qofeed. Waxaanu iftiimiyay in loo baahan yahay qaybinta shaqada/shaqaalaha, iskaashiga iyo takhasuska gaar ahaaneed. Isaga oo tilmaamayana waxa uu yidhi “waxa sifiican loo og yahay ama loo hirgaliyay in qof ama shaksi kamida noolaha bini aadanku aanu kaligii awood u lahayn inuu qanaaco ka gaadho dhamaan baahiyihiisa dhaqaale. Arintaas iyo ujeedadaas darteed wax waajib ku ah dhamaantood inay iskaashadaan. Baahida ay qanaaco ku noqonayaan kooxi iyagoo si wadajira isku kaashanaya waxay in badan aad uga badan tahay wax ay shaqsiyaad awoodaan inay qanaaco naftooda ku gaadhsiiyaan.”

ABOORKA IYO DHISIDDA DUDUMADA

Abwaanada arrintan ama mawduucan sixeel-dheeri ku dheehantahay uga hadlay waxaa ka mid ah abwaankii dhaqaalayahanka, taariikhyahanka iyo deegaan yaqaankaba ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc, isaga oo inoogu hogatusaaleynaya Aboorka iyo habka iyo hananka uu u dhiso dudumada wuxuu yidhi:-

“Aboorkuba allay kuu dhisaa, aqallo waaweyne

Markuu ururo daartuu abyaa la ashqaraaraaye

Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane

Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene

Itifaaq la~aan laguma helo lib iyo iimaane.”– Xaaji Aadan Axmed Afqallooc.

Si aynu u fahano ujeeda iyo dulucda tuducyada aynu sare ku xusnay, bal aynu isyara tultaagno Aboorka iyo habka uu u abyo dudumada. Aboorku waa cayayaan bulsheed “Social insect”oo u nool qaab boqortooyo oo ah ilaa dhowr milyan oo shaqsiyaada. Si ay hooy ugu helaan boqortooyadooda waxay dhisaan dudumooyin, dudumooyinkaas oo dhismaheedu ka kooban yahay, carro, dhoobo, qoryo lacalaaliyay, candhuuf iyo saxaro. In kabadan hal milyan oo shaqaale oo aboorka kamida oo si wada jira u wada shaqaynaya ayaa hawshaas qabta, iyaga oo koox koox isu qaybinaya oo qayb waliba ay u xil saarantahay hawl gaara oo ay shaqadeed si hufan oo dheelitiran u gudan karto. Aboorku habka iyo hanaanka uu u abyo dudumadu waa tusaalaha ugu muhiimsan ee la xusi karo marka laga hadlayo iskaashiga, qaybinta shaqada iyo sida loo adeegsado. Aboorku wuxuu dhisaa mid kamida guryaha ugu casrisan marka loo eego dhamaan xayawaanada iyo cayayaanka kale. Shaqaalaha aboorku qaybta qaabilsan dhisidda dudumadu waxay leeyihiin hawlo iyo shaqooyin kala jaada oo ay fuliyaan. Qaar waxay soo ururiyaan qoryo qallalan ka dibna ay calaaliyaan. Qaarna saxaradda halka kuwo kalena qaabil sanyihiin qasida iyo isku walaaqida dhoobada iyo carrada. Kuwo kalena si loo dhamaystiro dudumada waxay u xilsaaran yihiin maamulida heerkulka iyo huurka dudumada gudaheeda. Si tan loo sameeyo, waxay dhisaan boqolaal daldalool oo ku xidhan dhuumaha iyo kanaalada ku wareegsan dudumooyinka.

GACMAHA IYO ISKAASHIGOODA

Gacmaha iyo iskaashigoodu waxay kamid yihiin tusaaleyaasha ugu mudan ee ay Abwaanadu inoogu hoga-tusaaleeyan si ay inoo dareensiiyaan muhiimada ay leeyihiin iskaashiga, takhasuska iyo qaybinta shaqada iyo shaqaalaha.hayeeshee waxa hubaal in qofkasta uu og yahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn aad u xoogani ay ka dhaxayso midigta iyo bidixda. Marka aynu halkaas marayno waxaa ina hor imanaya laba su’aalood oo u baahan in aynu jawaab u raadino. Ta hore waxa weeyi, qaab noocee ah ayay gacmuhu isku kaashadaan? Ma leeyihiin hawl iyo waajibaad mid waliba u gaara. Mase jirtaa hawl iyo shaqo kala duwan oo mid waliba u xilsaaran tahay, takhasuskeedana leedahay? Hayeeshee ujeeddada iyo dulucda aynu kala soo bixi karno dabuubta hadalka suugaanta sida maansada, maahmaahda, odhaahda iyo sheeko murtiyeedda iyo wixii lamid ah, marka aynu obocdeeda dhexgallo oo falanqayno, waxa weeyaan in gacmuhu marka ay hawl qabanayaan ay adeegsadaan Aragtiyaha qaybinta shaqada, takhasuska iyo iskaashiga, sidoo kale haddii midi gabto hawsheeda waxa dhacaysa in hawshii sidii la rabay aanay u fulayn. Akhriste si aad iila fahanto arrinta aynu ka hadlayno, waxaad mudo daqiiqado ah ka fekertaa qaabka ay u wada shaqeeyaan labadaada gacmood. Tusaale ahaan, marka aad wax goynayso ama jarjarayso, marka aad maydhanayso, marka aad wax tolayso, marka aad wax qorayso, marka aad istijoonayso, marka aad keyboardka garaacayso.

“Tabantaabaday laba gacmood, tamar ku yeeshaane

Tiska waxa laqaadaa markey, tiirisaa bidixe

Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene”– Abwaan Cabdillaahi Muuse Jiir.

“Gacmihii is wada kaashada shayna ku adkaane

Caqligii is wada biirsada ceel biyayn karaye”– Abwaan Timacadde.

“Rag tashaday dhul waa toli karaan taako labadeede”– Abwaanka lama yaqaan!

Dhanka heesaha arrintan ka hadlaya waxaynu ka soo qaadan karnaa heestan ay qaadijirtey Daleys:

“Midigtuba miciin maleh

Hadday bidixdu maqan tahay

Waa laba mataano ah

Hawsha maamulaayee”

Qormadeennan waxaynu ku soo afmeeraynaa tuducyo kamid ah maansadii Gudgude ee Abwaan Hadraawi, kuwaasoo si mugleh uga hadlaya in gaadhida guusha iyo hanashada horumar la taaban karo ay ku xidhantahay iskaashi iyo wax isu geygeyn. Lakiin aanay ku xidhnayn qof ama ruux kaligii waxa uu qaban karo.

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede

Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne

Inkastuu wax galo ama wax gudo, ama wax weyn gooyo

Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban

Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye

Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda

Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,”– Hadraawi.

FIIRO GAAR AH:

Maansooyinka aynu halkan ku xusnay waxaa laga yabaa inay si dadban u la xidhiidhaan iskaashiga, qaybinta shaqada iyo takhasuska gaarahaaneed. Waxa na runtii kamid ah tixo dulucda waxay ka hadlayaan iyo u ulajeedda curuyaheedu ka lahaa aanay mawduucan meella ka soo gelin. Hayeeshee mar walba waa kuwo baaqa murtidoodu xoojinayso, mabaadida iyo qiyamta aasaaska iyo tiirka u ah sikaashiga, wada shaqaynta iyo takhasuska gaar ahaaneed.

TIX RAAC

Dimashqi, Abu al-Fadl Ja’far ibn ‘Ali al-. Al-Ishara ila Mahasin al Tijarah, Al Bushra al-Shurbaji, editor. Cairo: Maktabah al-kulliyat at al-Azhar, 1977.

Ibn Khaldun. Muqaddimah. Cairo: Al- Maktabah al-Tijariyyah al-Kubra. (1967)

Sarakhsi, Shams al-Din al-. Kitab al- Mabsut. Beirub: Dar al-Ma’arif, third edition, 1978 (particulary “kitab al kasb” of al-shaybani in Vol. 30 245-97).

Ceel-Walwaaleed: Axmed Ibraahim Cawaale, Maqaal (http://ahmedawale.blogspot.com/p/cimilo-awaal.html)

Taqiuddin an Nabhani (1997). The Economic System of Islam. 4ed, Al-Khilafah publications.

Axmed Cali Abokor. Suugaanta Geela. Waxa lagu daabacay dalka Sweden: Motala Grafiska, Motala. (1986)

Axmed Cabdillaahi Cumar “Diini”

BBA in Economics

Nairobi, Kenya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here