Tahriibayaashii Ugu Badnaa Ee U Dhashay Dalka Itoobiya Oo Laanta Socdaalka Somaliland Ee Gobolka Gabiley Ku Wareejisey Dalkaas

0
32

Tog-Wajaale(Hubaal)-Xafiiska Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,ee fadhigiisu yahey Magaala xuduudeeda Tog-Wajaale ayaa maanta ku wareejiyay Saraakiisha Laanta Socdaalka Dalka Itoobiya ee kusugan Magaalada Tog-Wajaale ee dhinaca Itoobiya,  Sideetan iyo Sadex Qof(83) oo tahriibayaal Itoobiyaan,ah oo isugu jira rag iyo dumarba kuwaasi oo ah tiradii ugu badnayd ee tahriibayaal Itoobiyaan ah oo laga soo qabto Gudaha dalka Somaliland.

cabdirashiid.jpgTaliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan,oo kadib markii ay ku wareejiyeen Dalka Itoobiya Tahriibayaashan Warbaahinta uga waramey ayaa hadhwanaagnews u sheegay in Tahriibayaashan oo ah kuwii ugu badnaa ee noocooda ah laga soo qabtey meel u dhow Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo la damacsanaa in looga gudbiyo dhinaca Puntland gaar ahaana Magaala Xeebeeda Boosaaso.
“Waxaanu ku wareejinaynaa dawlada Itoobiya tahriibayaashan Itoobiyaanka ah kuwaasi oo laga soo qabtay duleedka magaalada Burco waxaana la mariyay hawdka sare waxaana la doonayay in Burco ay uga sii gudbaan dhinacaas iyo Boosaaso halkaasi oo la rabay in laga tahriibiyo laakiin Ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Togdheer iyo Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay islamarkaana u soo gudbiyay xarunta waaxda socdaalka Somaliland waxaana anaga nagu soo wareejiyay waaxda socdaalka Somaliland anaguna waxaanu ku wareejinay dawladoodii Itoobiya”Ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Taliyuhu waxaa uu walaac ka muujiyay dibaatada ka haysata tahriibayaasha etoobiyaanka ah oo mudooyinkan danba aad u soo batay waxaana uu yidhi mudooyinkan danbe aad iyo aad ayay kor ugu kacday tahriibayaasha itoobiyaanka ah ee aanu  la tacaalaa waxaanad arkaysaa iyaga oo raxan raxan u socda oo lugaynaya masaafo aad uga fog wajaale sida deegaanada godka carada  deegaanka degmada geed balaadh iyo mashruuca banka wajaale laakiin anagu ka ciidan socdaal ahaan hadh iyo habeenba waanu la tacaalaa sidii aanu uga hortagilahayn tahriibayaashaasi waxaa kale oo uu taliyaha laanta socdaalka gobolka gabiley gaashaanle Abdirashiid Xaaji Ahmed Hasan u soo jeediyay dad waynaha dagan deegaanada ay lugaynayaan in ay la soo socodsiiyaan ciidanka laanta socdaalka wajaale si ay uga hawlkalaan oo ay u soo qabtaan tahriibayaashaasi oo ah kuwo hadh iyo habeenba lugaynaya

Gabagabdii Taliyuhu waxaa uu digniin culus u diray in cid kasta oo lagu soo qabto iyaga oo tahriibayaashaasi sifo sharci daro ah dalka u galinaya in laga qaadi doono talaabo adag isla markaana sharciga la horgayndoono waxaana Taliyuhu xusay in ay Maxkamada Gobolka Gabiley ay horgeeyeen darawaliin iyo mukhalasiin lagu soo qabtay tahriibayaashan kuwaasi oo lagu riday xukuno ganaax iyo xadhigba isugu jira kaasi oo loo cuskaday xeerka socdaalka Somaliland ee xeer 72 qodobadiisa 37aad ee  39 ee xeerkaasi

Tahriibayaasha u dhashey dalka Itoobiya ayaa,maalintii ale keenaba kasoo gudba xuduuda u dhexeysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya iyagoo intooda ugu badan lagu qabto nawaaxiga Deegaanada Gobolka Gabiley, iyo Tog-Wajaale oo kutaala xuduuda u dhexeysa labada dal Itoobiya iyo Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here