Taiwan Oo Iibsatay Ceelal Shidaalka Laga Qodo Oo Somaliland Ku Yaal

0
8

Hargeysa (Hubaal) Shirkadda Genel Energy ayaa shaaca ka qaadday in ay heshiis la saxeexatay shirkad ay leedahay dawladda Taiwan oo lagu magacaabo CPC Corporation, heshiiskaasi oo ku saabsan Ceelasha Shidaalka laga qodayo ee  Lambarkoodu yahay  SL10B13 block oo ku yaal Somaliland.

Ceelashan oo shirkadda Genel Energy oo ka diiwangashan UK ay ku samaysay baadhtaan 2D semitic oo 2018 , kaas oo lagu ogaaday in ay ku jiraan 5 billion oo barmiil oo shidaal ah.

Ceelashaasi shidaalka wax hada gacanta ku haysa Shirkada OPIC Somaliland Corporation (‘OSC’).

Sida uu dhigayo heshiiska Shirkada Dawlada Taiwan ee CPC Corporation waxa ay siinaysaa shirkadii gacanta ku haysay OSC 49% oo ah dulsaar shaqada iyo lacagta cadaanka ah ee tixgalinta (cash consideration) oo dhan 49%, waxa kale oo ay bixinaysaa  dhamaan hantidii ka gashay shirkada Genel, iyo Lacagta curaarta ah (plus a cash premium).

Shirkada Genel ayaa hore gacanta ugu haysay ceelashaasi 100% lacagta dulsaarka faqada (working interest), waxana Genel sii ahaanaysaa Arimo Fuliyaha hawsha.

Qoditaanka Ceelashan  shidaalka ayaa haatan u baahan 40 millions oo dollarka Maraykanka ah.

Guji lifaaqan si aad u alhrisato heshiiska;

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here