Taliayaha Booliska Somaliland Oo abaalmarin & Shahaadooyin Guddoonsiiyay Saraakiil Kaalmo Sare Ka Galay Tababar u soo xidhmay ciidamada qalabka sida

0
11

“Waxa Maanta Farxad Ii Ah In Dhammaan Ciidamada Qalabka Sida Markay Halkaa Isugu Yimaadeen, Aad Magac Wanaagsan Ka Soo Hayseen Oo Tobonka Kaalmood Ee U Horeeya Sideed Ka Mid Ahi Ay Galeen Ciidanka Booliska”

Hargeysa (Hubaal) Taliyaha ciidanka Somaliland Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo kaalmo sare ka galay tababar loo soo xidhay oo muddo lix bilood uga socday dugsiga Cabdilaahi Askar ah. Saraakiishan oo qaatay tababar iyo casharo la xidhiidha nidaamka uu booliska u shaqeeyo, ayaa sheegay inay muddadaasi tabobarku u socday ay qaateen duruus aad u muhiim ah.

“Waxaanu ka koobnayn guud ahaan boqol iyo afar iyo (114) oo ciidamada isugu jira, haday tahay Sirdoonka, booliska, madaxtooyadda, gaashaandhiga iyo ciidanka badda haday yihiin. Boqol iyo afar iyo tobanka aannu ka koobnayn oo ah inta suuradaha qur’aanku yahay, sidaas daraadeedna waxa aannu lahayn duruus hawsheeda leh, waxa aannu galnay kaalmihii ugu sareeyay, maanu galnayn ee waxa juhdi badan na galiyay taliyaha ciidnka booliska oo mar walba nagu garab hiil iyo hooba, niyad ahaan, gacan ahaan iyo nolol ahaanba, waayo haddii uu sarkaalku waayay niyad, hawl siduu u qaban karaa way adag tahay.” Sidaas waxa yidhi sarkaal ka mid ah saraakiisha booliska ee tababarku ugu soo xidhmay dugsiga Cabdilaahi Askar

Taliyaha ciidanka Somaliland Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay saraakiisha tababarka u soo dhammaaday “dhammaan saraakiisha ciidanka booliska ee dhawaan loogu soo xidhay tabobarka koorsaii lixaad ee kuuliyada tabobarka Cabdilaahi Askar, waxa maanta farxad ii ah in dhammaan ciidamada qalabka sidaa markay halkaa isugu yimaadeen, aad magac wanaagsan ka soo hayseen oo tobonka kaalmood ee u horeeya sideed ka mid ah ay galeen ciidanka boolisku. Waxa weeye, caddaaladdu waxay ka bilaabmataa saldhigyada, waxay ka bilaabmataa OB-ga, buugga dhacdooyinka, halkaas markay ka toosto, waxa aan idin ku baraarujinayaa oo aan idin faraa, inaad shacabka caddaalad ugu adeegtaan, in la soo dhaweeyo xataa qofka dambiga galay adigoo waajibkaaga ka qabsanaya, inaad xuquuqdiisa eegto.” Ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Somaliland Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here