Hargeysa:(Hubaal)-Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa ka Hadlay askar katirsan ciidamada Asluubta oo shaqada laga ruqseeyey, kuwaas oo lagu eedeeyey inaanay Haysanin Qoryihii ay ku shaqayn lahaayeen.
Taliye Xudhuun oo warbaahinta kula Hadlay xafiiskiisa, ayaa sharraxaad ka Bixiyey siyaabaha ciidamada Asluubta shaqadooda ku waayi karaan, isagoo tilmaamay in wakhti la siiyo ka hor inta aan shaqada laga ruqsaynin,“Askarigu hadduu habsaamo shan cisho oo baafin ah baanu samaynaa oo ka dirnaa, haddii uu intaas ka iman waayana markaa waa la ruqseeyaa,” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.
Taliyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey inay jiraan Ugu yaraan Afar askartiisa kamid ah, kuwaas oo shaqooyinkii laga ruqseeyey kadib markii ay dembi galeen, sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,
“Sidoo kale waxa aanu gidaarka kusoo dhejinay 68-askari oo bilaa qori ahaa, markaa afar kamid ah ayaa ciidankii intoodii kale intay ururiyeen Baarlamaanka geeyeen, ayey yidhaahdeen waa nala haystaa, markaa Afartaas waanu ruqsaynay. Waayo maalinta dambena waxay samaynayaan wax kale oo ka daran.”ayuu yidhi Taliye Xudhuun.
Taliyuhu waxa uu sheegay in askartaas intoodii kale wixii qori keensaday loo diiwaan geliyey, waxana uu yidhi,“askartaas kii qori keensaday waanu u qornay, kii aan keenina waanu uu iibinay oo mushaharkiisaanu ka jarnay.”