Waxa uu Faahfaahiyey Natiijada Kiisas Af-duub Iyo Sixir La Xidhiidhay Oo Wejiyo Kale Yeeshay
Hargeysa:(Hubaal)-Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey warar sheegaya in la qabtay shakhsiyaad gacanta ku hayey oo ka ganacsanayey xubno ay kamid yihiin Beerka iyo Kelyaha bani’aadamka oo maalmihii ugu dambeeyey si weyn la isula dhexmarayey, waxana uu taliska meesha ka saaray jiritaanka wararkaas.
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo shalay arrintan ka hadlay, ayaa meesha ka saaray inay jiraan dad lagala baxay kelyaha iyo Beerka, isaga oo beeniyey wararka sheegaya in xubnahaas oo qaboojiyayaal ku jiraa gacanta booliska soo galeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxanu dadweynaha u caddaynaynaa inaanay jirin dad lagala baxay xubnaha jidhka aadamaha amaba kiis la xidhiidha arrintaas oo dhacay, waxana aan warbaahinta qaarkeed ku arkayey sawirro ay baahiyeen oo sheegaya in la qabtay tallaagado ay ku jiraan xubnaha jidhka aadamaha taas oo aan sal iyo raad toona lahayn.”
Taliye Fadal oo hadalkiisa sii wata, ayaa digniin u diray dadka faafinaya waxyaabaha aan jirin, isaga oo xusay inuu sharcigu qabanayo dadkaas, “Wax aan raad lahayn ma aha in la faafiyo, cidda faafisana waxan u sheegayaa inay qodob sharci oo xeerka ah jabisay oo hadhow lagu qaadi karo, qofkuna warka uu sheegayo waa inuu iska hubiyaa,” ayuu yidhi taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Dhinaca kalena Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu ka hadlay kiisas tiro badan oo la xidhiidha af-duubka dhallinyaro hablo u badan iyo weliba qaar la sheegay in la sixray, waxana uu shaaca ka qaaday tirada kiisaska arrintaas la xidhiidha ee ay gacanta ku hayaan, waxana uu yidhi, “ilaa iyo imika waxa nasoo gaadhay 23-dhacdo oo arrinta sixirka iyo dadka la af-duubayo la xidhiidha, iyada oo aanu 12-kiis idiinku sheegnay, 4-kiis oo kuwaas kamid ahina waxa ay yeesheen raad-raac, waxana u xidhan laba kiis shan qof, labada kalena baadhistooda ayaa gacanta lagu hayaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Afarta dhacdo ee raadka yeeshay Boolisku markii ay daba-gal ku sameeyeen mid wuxuu noqday isku day kufsi, midna waxa ay noqotay gabadh da’yar oo si khiyaamo ah lagu kexeeyey, waxana u xidhan afar qof, halka labada kiis ee kale oo ah laba hablood oo laga soo kaxaystay magaalada Burco-na baadhistoodii gacantaa lagu hayaa.”
Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sheegay in badiba kiisaskii gacantooda soo galay ee arrintaas la xidhiidhay been noqdeen, isla markaana ay u xidhan yihiin tiro dad ah oo been abuurkaas loo tirinayaa, “19-ka kiis ee kale dhammaantood waxa ay noqdeen been abuur, waxana u xidhan afar qof oo kamid ah dadkii been abuurkaas sameeyey, intii baadhistu socotayna waxanau ogaanay inay meesha ku jirto tahriib xeelaydaysan oo Boolisku is hortaagay oo dadkii fulinayeyna mid kamid ah aanu gacanta ku hayno, iyada oo dadka lagu kaxaynayo waa la sixray iyo hablo ka cararayey rag la siinayey amaba la siiyeyba,” ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan.