Taliska Booliska Oo Fayoqabka Madaxweynaha Difaacay, Xubno WADDANI Katirsan Oo Hore Ammaantiisa Ugu Dhololi Jireyna Farriin u Diray

0
57

“Barkhad-ow shalay markii aad kursiga nagula fadhiday ee aad dawladda KULMIYE kamid ahayd, waad ammaanaysay oo waa weli baad lahayd…”Taliye Fooxle

fooxle

Hargeysa:(Hubaal)-Taliska guud ee ciidamada Booliska Somaliland, ayaa si adag ugu digay cidkasta shakhsiyaad ay sheegeen inay caadaysteen wax ka sheegga iyo aflegaadaynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Taliy-ku-xigeenka ciidamada Booliska Md.Cabdiaxmaan Liibaan Fooxle oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa si cad u sheegay inay bulshadu ku baraarugsanaato inuu talada dalka hayo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo taariikh fiican oo halgameed iyo mid waxqabadba ku suntan, waxana uu yidhi, “Waxan doonayaa in la ogaado inuu dalkan xukumo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu yahay kii usoo halgamay xorriyada maanta la haystona gaadhsiiyey.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata  waxa uu si cad u sheegay in kasta oo ku dhiirrata inay wax ka sheegto madaxweynaha qaranka loo aqoonsan doono cadow shisheeye u adeegaya oo danaha umadda  burburinaya, “Cidkasta oo ku sheekaysa ama tidhaahda dalkan ma xukumo madaxweyne’e  dad kale ayaa xukunkiisa haya waxanu aragnaa cadowga umadda, waana waxyaalaha ay isticmaala dalalkii aynu ka go’nay iyo cadowgeenu,” ayuu yidhi taliye Fooxle.

Taliye Fooxle waxa uu tilmaamay inuu madaxweynuhu talada dalka gacanta ku hayo, isla markaana uu si habsami leh shaqadiisa u wato, waxana uu yidhi, “Waxa jooga madaxweyne wanaagsan oo caafimaad wanaagsan oo shaqaynaya oo dalkan hoggaamintiisa gacanta ku haya ayaa jooga, ishayaduna way kula socotaa.”

Dhinaca kale waxa uu taliye Fooxle weerar afka ah ku qaaday hadallo kasoo yeedhay xubno katirsan xibsiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu qaarkood magacaabay, waxana uu xubnahaas xusuusiyey waqtigii ay xukuumadda KULMIYE katirsanaan jireen ee ammaanta masuuliyiinta ay maanta caayayaan lasoo lignaan jireen, “Barkhad-ow shalay markii aad kursiga nagula fadhiday ee aad dawladda KULMIYE kamid ahayd, waad ammaanaysay oo waa weli baad lahayd, maanta kalsoonidii baanu kala noqonay baad leedahay, kalsoonida waxa u haya shacabka iyo madaxweynaha Somaliland,” ayuu yidhi Taliye Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here