Taliyaha Boliiska Oo Xaqiijiyay In Saddex Qof U Qabteen Dil Toddobaadkan Dooxa Hargeysa Loogu Geystay Wiil Dhalinyaro Ah

0
25

Hargeysa(Hubaal)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay saddex nin u qabteen dilka wiil toddobaadkan goor fiid ah lagu dhex dilay dooxa weyn ee Hargeysa. Taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa warkan u xaqiijiyay Wargeyska Geeska Afrika.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay saddex Nin u qabteen dilkaas, isagoo sheegay inay ku daba joogaan Nin afraad oo isna fakaday, kaas oo uu sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan u soo qabanayaan, islamarkaana ay raadkiisa ku daba joogaan. “Falkaas waxa loo hayaa saddex nin, nin afraadna waa lagu daba jiraa.” Ayuu yidhi Taliye Fadal oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

 fadal

Wuxuu Boolisku sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan eedaysanayaashan u horgayn doonaan maxkamad dhagaysata dacwadda loo haysto.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa Alle haw naxariistee goor fiid ah lagu dhex dilay  badhtamaha dooxa Hargeysa habeenimadii khamiistii ee toddobaadkan, waxaanay dadka falka gaystay dilkiisa u adeegsadeen mindiyo iyo faashash

xigasho:Geeska

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here