Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Heegan Lagu Sugayo Amniga Gegida Hargeisa Stadium Oo Ay Ciidammada Geliyeen

0
70

Farriin Gaar Ah Oo Jananka Bilaysku Ku Socodsiiyey Taageerayaasha Ciyaartoyda Uu Tartanku Dhex Marayo Iyo Dhalinyarada Kale Ee U Daawasho Tegaysa Hargeisa Stadium

  capture

Hargeysa (Hubaal)- Jananka guud ee ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shalay  ka hadlay heegan culus oo mar kale ay ciidammada boolisku galeen, kaasi oo lagu adkaynayo ammaanka caasimadda Hargeysa,  gaar ahaanna inta ay socdaan tartanka ciyaaraha gobollada ee wareegooda labaad shalay ka furmay magaallada Hargeysa. Taliyaha ciidammada Booliska oo shalay warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Heeganka Ciidanka Buliisku Waa U Diyaar garawga, ilaalinta iyo adkaynta amniga dalka, gaar ahaanna caasimadda oo ay ka socdaan tartanka ciyaaruhu. Guud ahaanna nabadgalyada dalka ayaa hawlgalkani qayb ka yahay”. Sidaa ayuu yidhi Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxanau intaa ku daray “Hawlahani waa  mid kamid ah waaajibaadka ay u idman yihiin ciidammada booliska JSL. Halkanna waxaan farriin uga dirayaa dadweynaha caasimadda Hargeysa, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanan leeyahay sidii fiicnayd ee la idiinka bartay waa inaad ula shaqaysaan ciidammada ammaanka, oo aad dhinaciina heegan u ahaataan adkaynta nabadgalyada guud ee dalka  idinkoo la ilaalinaya nabadgalyada ciidanku ku hawlan yihiin sugisteeda”. Ayuu yidhi jananka ciidanka Boolisku. Geesta kale waxaa uu taliyuhu farriin u diray taageerayaasha ciyaartoyda gobollada dalka ee tartanka ka qayb galaya, waxanau yidhi “Waxaan u sheegayaa taageerayaasha gobollada  ee ciyaaraha daawanaya iyo dhalinyaradaba waa inaad ammaanka ilaalisaan oo wixii saxmad keenaya ama ka baxsan anshaxa ciyaaraha aad iska ilaalisaan, ciidammada booliskana aad la shaqaysaan, waxaanay diyaar ciidammadu u yihiin inay gacan adag ku qabtaan cid kastoo isku dayda carqalladaynta ammaanka ama  buuq samayn, kuwaasna gacan adag bay ku qaban doonaan, sharcigana waa lala tiisanayaa” ayuu taliyuhu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here