Taliyaha Ciidanka Ilaallada Xeebaha Somaliland Xilkii Kala Wareegay Taliyihii Hore Oo Xil Cusub Loo Magacaabay

0
14

Hargeysa (Hubaal) Taliyaha cusub ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Maxamed Xuseen Faarax ayaa xilkii kala wareegay Taliyihii hore Admiral Cabdi Xirsi Ducaale oo loo magacaabay La-taliyaha Maamulka iyo Amniga Badda, munaasibad ka dhacday Taliska Guud ee Ciidankaas ee Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen xubno kamida Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Socdaalka, iyo waliba Wakiillo ka socday Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Ciidanka.

Taliyaha Xilka wareejiyey Admiral guuto Cabdi Xirsi Ducaale oo ugu horayn Xafladaas hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay mudadii uu xilka hayey.

Admiral Ducaale, ayaa sheegay in mashaariic badan oo horumarineed Ciidanku helay intii uu joogay, kuwaasoo isugu jira Qalabeyn, Gaadiid kuwa badda lagu ilaaliyo ah iyo Dhismeyaal.

Wax Kale oo uu sharaxaad dheer ka bixiyey howlgaladii Ciidanku kq fuliyey guud ahaan xeebaha dalka, kuwaasoo lagu dabar-gooyey Kalluumaysiga sharci-darada ah, tahriibinta dadka iyo Budhcad-badeeda.

Taliyaha cusub oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu horumarinta Ciidanka iyo qorsheyaasha taliska hore ku wareejiyey uu halkaa ka sii wadi doono.

Xubno kamida Golaha Wasiirrada oo xaflada ka hadlay, ayaa taliyaha hore ku amaanay waxqabadka iyo guulaha muuqda ee uu Ciidanka gaadhsiiyey, iyagoo ku hambalyeeyey xilka cusub ee madaxweynuhu u magacaabay.

Wasiirrada munaasibada ka hadlay oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaarada Biyaha Saleban Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor iyo  Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, ayaa Taliyaha cusub kula.dardaarmay inuu halkaa ka sii amba-qaado howsha culus ee loo igmaday iyo mustawaha Ciidanka uu soo gaadhsiiyey Taliskii hore.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil ka socday Hay’addaha la shaqeeya Ciidanka Badda, oo iyaguna xaflada kelmado ka jeediyey ayaa amaan balaadhan u jeediyey Taliyihii hore  S/guuto Cabdi Xirsi Ducaale, kaasoo ay ku tilmaameen masuul karti, aqoon iyo waayo-aragnimo buuxda u leh shaqada uu hayey, taasoo ka muuqata siday sheegeen muuqaalka iyo dhismaha Ciidanka uu madaxda ka ahaa.

Taliyaha xilka wareejiyey, oo xilal kala duwan hore uga soo qabtay Ciidamada Milateriga iyo Ilaalada Xeebaha, ayaa ah shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee aqoonta iyo waayo-aragnimada u leh culuumta iyo shuruucda Badda, waxaana madaxweyne Muuse u magacaabay Xafiis cusub oo dejin doona shuruucda iyo Istaraatiijiyada lagu ilaalinayo Amniga Baddaha Dalka.

DAAWO:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here