Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Tacsi U Diray Ehelada Iyo Shacabka Somaliland, Geeridii Ku Timid Taliyihii Hore Ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

0
185

nuux-taani-marxuum-faysal-kaamil-ciise

Hargeysa (Hubaal) Taliyaha guud ee ciidanka qaran Somaliland Sareeye Guuto Nuux Taani,  waxa uu isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan ciidamada qalabka sida ee dalka, tacsi u diraya, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Somaliland, geeridii ku timid ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle Sare Faysal Bare Ciise oo maanta gelinkii dambe ku geeriyooday cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Taliye Nuux Tani waxa Marxuumka Alle uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada reer somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.

Aamiin……………….Aamiin……………….Aamiin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here