Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya Oo Ka Warramay Noocyada Xidhiidh Iyo Wada-Shaqayn Ka Dhaxaysa Laanta Socdaalka Somaliland

0
75

 “Deeqaha aanu helno Somaliland  meel baanu wax ka wadaagnaa oo wax ka wada..…” Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud

Hargeysa (Hubaal)- Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud, ayaa sheegay inay wada-shaqayn dhinaca ammaanka iyo isu-socodka ah, isla markaana waxa uu shaaca ka qaaday inaanu jirin wax amar ah oo lagu siiyey inaanay aqbalin dadka doonaya inay Somaliland ku yimaaddaan Baasaabboorka Soomaaliya ee Muqdisha ka soo baxaya iyo sidoo kale inay shuruud ku xidhaan dadka Hargeysa ka tega ee safarka ku tegaya Muqdisho.

GANERAL-CABDILLAAHI-GAAFAW-MAXAMUUDGuddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanay aqbalaynin in Hargeysa dadka tegaya ee Muqdisho ka imanayaa Baasaabboor u soo qaataan iyo in ay kala xayirnaadaan gobollada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, sidoo kalena Baasaabboorka Soomaaliya uu sannadka soo socda ka shaqayn doono gudaha Somaliland oo uu sheegay inay Soomaaliya uun ka mid yihiin. Sidaa awgeed, waraysi ay Shabakadda Ramaasnews kula yeelatay Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya oo socdaal ku jooga magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaa lagu weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qodobbo kale.

 “Wallaahi annaga Somaliland waan wada shaqaynaa, annaga siyaasaddu shaqadayada maaha, Laamo Socdaal baan nahay, hal Cadow baannu leenahay, dadka maanta dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale ayaa dhibaato nagu wada haya, runtiina waan iska kaashannaa annagoon siyaasad iyo dhibaato kale toona dhex-gelin. Dadka Somaliland annaga dad gooniya nagama aha, wixii aan u fududayn karno waan u fududaynaa waa u samaynaa, haddii Baasaabboor ay nooga baahdaan waan u samaynaa, wax dembi ahna naguma aha oo Jabuuti way u samaysaa, Itoobiya-na way u samaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud oo ka jawaabayey sida ay u wada-shaqeeyaan iyo heerka xidhiidhka ka dhexeeya Laanta Socdaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaanu General Gaafaw intaas ku sii ladhay; “Markaa, inaan annagu siinnana wax dembiya maaha, waxaannu ku faanaynana maaha, wax waajib nagu ahna weeye, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya-ba annagaa uga sokeyna. Immika toddobaadkii aynu soo dhaafnay nin baannu Xamar ku qabannay, wuxuu yidhi Hargeysaan ka soo degay oo ka samaystay dal-ku-galka, waan la hadalnay way noo sheegeen qolada Socdaalka Hargeysa, markaa annagu Socdaal ahaan waannu ka wada shaqaynaa ammaanka dhibaatana nama dhex-taallo.”

Mar wax laga weydiiyey in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Jawaari sheegay inaan Baasaabboor lagu tegi karin Soomaaliya inta sannadkan, sannadka dambena uu ka shaqayn doono Baasaabboorka Soomaaliya, isla markaana aanay jiri doonin xadad iyo xuduudo u kala dhexayn doona dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, taasoo Xukuumadda Somaliland ugu muuqatay hanjabaad oo ay jawaab ka bixiyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland in Laan Socdaal ahaan lagu amray arrinkaas iyo in kale, waxa uu General Gaafaw yidhi; “Horta, anigu ma jecli siyaasad inaan ka hadlo, weligayna kama hadlin, haddana inaan ka hadlo ma rabo, waxaan rabaa inaan ku eekaado intaan shaqada ka hayo, intaan shaqada ka hayana dawlad aniga amar isiisay oo I tidhi Somaliland Baasaabboor hallagu aado ama yaan lagu aadin anigu ma arkin.”

“Laakiin, waxaan arkay in dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay inay leeyihiin waar Somaliland nabad weeye ee waa in nabadda iyo wanaagga lagala shaqeeyaa oo wixii nabadda wax tari kara lala qabto, laakiin wax lagu ficlayo ama lagu dhibaataynayo ama lagu amraayo anigu weli ma arkin, waanigan ku lahaa wada shaqayn baa naga dhaxaysa, wixii siyaasad ahna annagu shaqo kuma lihin, bulsho ayaannu u shaqaynaa, Bulshadaas ayaannu ku egnahay, bulshadaas ayaannu rabnaa inay horumar gaadho, horumarka kala shaqayno, wax hawl socdaal ku saabsanna Bulshadu ku kala tegi mayso, Laanta Socdaalka ee Somaliland-na wada shaqayn dhinaca amniga oo keliya ayaannu ka wada shaqaynaa, hadal Guddoomiye Baarlamaan sheegayna anigu kama jawaabi karo.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Gaafaw oo sii watay jawaabta uu su’aasha kor lagu weydiiyey ka bixiyey.

General Gaafaw mar la weydiiyey in dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya oo uu Laanta Socdaalka Masuul uga yahay, sidaa awgeedna ay Socdaallo caalami ah dunida ku maraan, Deeqo badan oo caalami ahna helaan, Deeqahaa ay helaan sida ay Somaliland wax uga gaadhsiiyaan ee ay u qaybiyaan, waxaanu ku jawaabay; “Wallaahi Deeqaha aan helno gobollada Soomaaliya waan u qaybinnaa, Somaliland-na meel baaban wax ka wadaagnaa oo wax ka wada qaadannaa oo IOM baan wax ka wada qaadannaa, IOM–na dawladaha Adduunka ayay Deeqaha ka keentaa, IOM aniga iyo ninka Laanta Socdaalka ee Somaliland waan u wada tagnaa, miiskaan wada fadhiisannaa oo qolo weliba waxeeda ka qaadataa ee wax naloo soo mariyo oo aan qaybinnaa ma jiro.”

Sidoo kale, Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud, waxa wax laga weydiiyey dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan dad u dhashay Somaliland oo ku sugan waddamada Carabta oo haystay Baasaabboorkii Cagaarnaa ee Soomaaliya, maaddaama oo markaa la beddelay Baasaabboorkii hore ee Soomaaliya sida ay ugala shaqaynayaan ama uga caawiyaan Baasaabboorka cusub, waxa uu sheegay inay waajib ku tahay qof kasta oo Soomaali ah oo dhukumentigiisu sugan yahay loo beddelo Baasaabboorka Cagaaran ee ay markii hore dalalkaas ku joogeen, isla markaana la siiyo E-pasabort-ka cusub ee Soomaaliya, si ay shaqadoodii iyo degganaanshohoodii ay dalalkaas ku joogeen u sii wataan.

Generaal Gaafaw oo la weydiiyey inuu Socdaalkiisa Norway la xidhiidho baadhitaanno ay dawladda Norway waddo oo ay ku doonayso inay dad Soomaalinnimo lagu qaabbilay markii hore oo qaarkood labaataneeyo sano ku noolaayeen dalkaas ay hadda rabto inay dib u soo celiso iyo in kale, waxa uu sheegay inaanay hawshaasi la xidhiidhin socdaalkiisu, isla markaana ujeeddada socdaalkiisa Norway qayb ka yahay hirgelinta Mashruuc la xidhiidha qalabaynta Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu samaynayo iyo sidii ay Sagaal dawladood oo reer Yurub ah ugala hadli lahaayeen in Shaqaale loo tabobbaro, loona qalabeeyo Madaarka, taasoo uu sheegay inay ka aqbaleen dawladaha ay ku wadahadleen Norway, isla markaana 4-ta bisha May tabobbarku u bilaaban doono, qalab fiican oo tayo leh oo qayb weyn ka qaadanaya ammaankana loogu rakibayo qaybaha Madaarka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here