“Meesha La Yidhaahdo Gumbur-Libaax Ayay Laba Beelood Isku Dileen, Kiiskaasna Shan Qof Oo Mid Dhaawac Yahay Ayaannu Soo Qabannay, Immikana…….”
Gumbur-Libaax (Hubaal):- Hal Qof ayaa ku dhintay, qaar kalena waxa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen iska hor-imaad ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Gumbur-Libaax oo dhinaca Koonfur-Bari ka xigta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay Tuuladaasina ka tirrsan tahay. Iska hor-imaadkaas khasaaraha nafeed sababay, ayaa dhex-maray laba Beelood oo wada dega deegaanka Tuuladaas, kuwaasoo shalay ku dagaallamay Gumbur-Libaax, sida uu Xogsoormedia.com oo warkan degelkiisa ku daabacay isla markaana Wargeska HUBAAL kasoo xigtay waxaa ka hadlay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale oo u warramay Shabakada Xogsoormedia.com, kaasi oo sheegay inay Booliska gobolku ka hawlgaleen Shaqaaqadaas labada Beelood dhex-martay, isla markaana ay u soo qabqabteen Dhawr Qof oo mid ka mid ahi dhaawac yahay oo lala xidhiidhinayo isku dhacaas labada Beelood. “Shalay ayay meesha la yidhaahdo Gumbur-Libaax isku dileen laba Beelood oo halkaa wada dega, Qasaaraha ka dhashay ee dhimasho waa hal Qof, Dadkii kiiskaa loo aanaynayana shan Qof oo mid dhaawac yahay ayaannu soo qabannay, immikana hawlgal ayaannu ku jirnaa, warkaa wixii ka soo kordhana dib ayaannu ka soo sheegi doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Togdheer.