Taliyayaasha Ciidamadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Iyo Ujeedadda Socdaalkooda.

0
55

Hargeysa(Hubaal) Taliyayaasha Ciidamadda Qalabka Sida iyo Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa Goor Dhawayd safar ugu ambo baxay Dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiintan ayaa ka koobnaa Laba Wasiir iyo Taliyayaasha Afarta Ciidan ee Somaliland, kuwaas oo kala ah Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Md. Xasan Gaafaadhi, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Md. Cabdiwali Cabdilaahi sheekh Suufi iyo Taliyaayasha Ciidanka Qaranka, Asluubta, Bileyska iyo Ciidanka ilaalladda Badda.

Ujeedada safarkan ayaa daba socda weftigii Madaxweynuhu Hogaaminayey ee ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta waxaana lagaga wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo maalgashiga ay Somaliland ka fulinayaan dalka Imaaraadka Carabtu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here