Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaqada ka caydhisay abaanduulayaashii sarsare ee militariga dalkaasi ka dib digreeto xalay ka soo baxday boqortooyo.
Waxaa ka mid ah madaxda la caydhiyay madaxii ciidamada qalabka sida. Boqorka Sacuudiga boqor Salman ayaa sidoo kale badalay abaanduulayaasha ciidamada dhulka iyo kii cirka.
Warka ku saabsan in madaxdani xilka laga qaaday ayaa waxa daabacday wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee (SPA),balse wax sabab ah laguma sheegin xil ka qaadista.
Tillaabadani ayaa ku soo beegmaysa xilli xulufadda ay Sacuudiga hogaaminayaan ay dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta ay ka wadaan dalka Yaman.
Daxal suge Moxammed bin Salman,oo sidoo kale ah wasiirka gaashaandhiga ayaa la rumaysan yahay in uu ka dambeeyo isbadalo dhowr ah oo dhawaan dalkaasi ka dhacay.
Sanaddii aanu soo dhaafnay tobaneeyo ah shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin dhaxal sugayaal, wasiiro iyo Bilyaneero ayaa lagu xiray hotel ku yaalla dalka Sacuudiga.
Isbadal degdega ah
Tani waa isbadal kale oo balaaran oo lagu sameeyo hay’adaha Sacuudiga taasi oo dhacday xilliga awoodda uu hayay boqor Salmaan inkastoo awoodda ka dambaysa ay tahay dhaxal suge Maxammed bin Salman.
Faragalinta ay Sacuudiga ku sameeyeen Yaman ayaa ahaa mashruuc uu watay dhaxal suge Maxammed bin Salman.
Howlgalkaasi ilaa iyo imika wuu guuldaraystay , inkastoo Xuutiyiinta uu ku qasbay in laga saaro Koonfurta Yaman.
Yaa la ceydhiyay ?Yaase la magacaabay?
Madaxii ciidamada Militariga, Janaraal Abdul Raxman bin Salex al-Bunyan, ayaa ka mid dadka xilkooda waayay, sida ay sheegtay wakaalada wararka Sacuudiga.
Dhowr shaqsi oo ka tirsan militariga ayaa mar hore la dalacsiiyay si ay u badalaan kuwa shaqada laga ceyriyay.
Dhowr jago ayaa sidoo kale la magacaabay taasi oo ay ka mid tahay, magacaabidda haweenay loo magacaabay wasiirka shaqaalaha iyo hormarinta bushada taasi oo lagu magacaabo Tamadar bint Yousef al-Ramah.
Prince Turki bin Talal ayaa loo magacaabay barasaab ku xigeenka gobolka Koonfur galbeed ee Asir.
Mr Talal ayaa la dhashay milyaneerka lagu magacaabo Al waleed bin Talal oo isagu la xiray ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.
Xigasho: bbc