Taliye Fadal Oo Gaadiidka Kusoo Rogay Awaamiir Ka Baxsan Awoodda Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka

0
40

Hargeysa 🙁 Hubaal)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa  faahfaahin ka bixiyey Awaamiir cusub oo ay kusoo rogeen gaadiidka Dalka Gudihiisa iskaga kala goosha, kaas oo fulintiisu xilligan u muuqato mid aad u adag. Taliye Fadal oo warbaahinta qaranka xafiiskiisa kula Hadlay, ayaa Wadayaasha gaadiidka dareensiiyey masuuliyadda saaran, isagoo uga digay inay ku socdaan Xawaare ka Baxsan ka uu oggol yahay sharciga waddooyinku.  fadalMudane Fadal  oo arrimahaas ka Hadlaya ayaa sidan Hadalkiisa ku bilaabay, “xeerku waxa uu tilmaamaya inuu waduhu nidaamka waddo-marista haddii ay magaalo gudaheed tahay iyo haddii ay dibadeed tahayba si uu u sugo ammaanka dadka uu masuulka ka yahay ee saaran gaadhiga uu waddo. Mana aha inay ku koobnaanayso iska rogooyinka iyo Booyadaha ee waa dhammaan Gaadiidlayda Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada. Waa inay ilaaliyaan sharcigga waddo-marista” ayuu yidhi Taliye Fadal.  Mar uu taliye Fadal sharraxayey Xawaaraha loogu talo galay gaadiidka waddooyinka kala duwan ee Dalka isticmaalaya, ayaa waxa uu  yidhi, “Xawaaraha ay gaadiidku ku socdaan Magaalo dhexdeed waa 30-Km, Ciidanka nabadgelyada waddooyinkana waxa laga rabaa inay kaantaroolaan oo ninka ku dhaqmi waayo sharciga la mariyo. Xawaaraha Magaalo dibadeed ay ku socon karaan Gaadiikuna waa 80-Km, Xawaaraha Gaadidka waaweyni Magaalo dibadeed ku socon karaana waa 60-Km.” Waxa uu sheegay taliyuhu in shatiyada loogu talo galay in gaadiidka yaryar lagu kexeeyo aanay sinaba suurtogal u ahayn in lagu kexeeyo Gaadiidka waaweyn, “Waxa Mamnuuc ah ninka Gawaadhida yaryar liisankooda wataa kuma kaxayn karo Gawaadhida waaweyn, waana mid lagula xisaabtamayo. Waayo sharcigaa diidaya.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan.” Waxa uu sidoo kale Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan ka Hadlay Turuska Gaadiidka waaweyni samaystaan oo loo arko khatar sababta shilal badan, waxana uu yidhi,“Turusku Khatarro badan buu leeyahay, kuman koobnaan mayso iska rogo iyo booyad oo qudha, Gaadiidleyda Baslayduna marka ay qof arkaan waa inaanay Bireegga uun qaban si aanay khatati ugu iman. Sidoo kale kuwa qaada carruurta Iskuuladdu waa la mid oo sharcigu waa qabanayaan iyaga iyo kuwa Jaadka qaadaba.” Marka si guud loo eego shuruucdan ama awaamiirtan cusub ee Habsami-u-scodka Gaadiidka lagu soo rogay, ayaa u muuqda qaar fulintoodu dhibaato badan tahay xilligan, maadaama aan si rasmi ah loo koontarooli Karin xawaaraha gaadiidku ku socdaan, isla-markaana ay liidato awoodda ciidamada nabadgelyada waddooyinka oo arrimaha noocan oo kale ah iyagu ku shaqo leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here