Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Somaliland oo Dalka Jabuuti u tagay Xadhiga Sarkaal Reer Jabuuti ah oo uu Hargeysa ku xidhay

0
32

Hargeysa (Hubaal) Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Somaliland Cismaan Liimo ayaa muddo afar cisho ah Dalka Jabuuti ugu maqan khilaaf xoogan oo labada dawladood ka dhex taagan, kaasoo ka dhashay Sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidamadda Jaaldaaran-maariiga Dalkaasi oo uu dhawaan Cismaan Liimo ku xidhay Hargeysa, isagoo ku Eedaynaya hawlo Basaasnimo in uu Dalka Jabuuti uga fulinayey Somaliland.

Muuse Dee dee oo ah Sarkaalka u qaabilsan Baanka BCIMR ee Dalka Jabuuti uga furan Hargeysa ayuu Cismaan Liimo xabsiga u taxaabay kadib markii sida uu ku Eedaynayo uu ka helay Internet uu Sarkaalkaasi Sir ku saabsan Madaxda Somaliland uga dirayey Dalka Jabuuti.

Breaking_news

Tan iyo markii uu soo shaac baxay xadhiga Sarkaalkaas waxa soo baxayey warar badan oo sheegaya in labada Dawladood (Somaliland iyo Jabuuti) ka wada hadleen sidii Somaliland ugu sii dayn lahayd Maxbuuskaasi, hase yeeshee dhinaca Somaliland ayaa la sheegayaa in ay wali ku adkaysanayaan xadhigiisa.

Ilo wareedyada ka soo baxaya Kiiska ninkan ay labada Dawladood isku haystaan ayaa sheegaya in uu ka taagan yahay wasiiro Xukuumadda Somaliland ah oo ay Sirdoonku sheegayaan in uu ku sheegay in ay yihiin Alshabaab, waxaanay Somaliland qaar ka mid ah wasiiradda sidaas lagu sheegay gaar ahaan Wasiira Cadaaladdu ku doodayaa in loo maxkamadeeyo.

Is faham waaga ka taagan sii daynta ninkaasi sirdoonka Jabuuti ah ayaa dhalisay in Taliye u-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Somaliland Cismaan Liimo u safro Dalkasi si uu ugala soo xaajoodo arrintan maadaama ay cakiran tahay furdaaminteedu, waxaanay wararka ka soo baxay joogitaankiisu sheegayaan in uu ku hawlan yahay kulamada uu kala yeelanayo madaxda Dalka Jabuuti.

Warar kale oo farriinnews.com ka heshay Safarka Cismaan Liimo ku joogo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in uu halkaas u tagay sidii uu usoo cusboonaysiisan lahaa baasaaboor Jabuutiyaan uu leeyahay, kaasoo lala xidhiidhinayo in ay Dawladda Jabuuti u siisay si gaar ah.

Ma cada Xidhiidhka ka dhaxeeya Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Somaliland iyo Dalka Jabuuti, hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in ay wararka is dhaafsadaan saraakiisha Dalkaasi qaarkood, halka Sarkaalkan Reer Jabuuti ee u xidhan Eedayntiisuna wararka u gudbin jiray qaar ka mid ah saraakiisha Dalkaasi.

Ilo wareedyo muhiim ah oo Farriinnews.com heshay ayaa sheegaya in khilaafka ka taagan xadhiga Ninkani aanu u dhaxayn Somaliland iyo Jabuuti oo kali ahiye, uu jiro kala shaki iyo Bac soo kala dhex gashay saraakiisha Jabuuti ee ugu saraysa, taasoo la hadal hayo inay ka dhalatay gacmaha qarsoon ee ay madaxda Amniga ee Dalka Jabuuti ku leeyihiin Somaliland, kuwaas oo qoloba si ay uga helaan wararka dadka uga shaqeeya Somaliland.

Dhacdadan ayaa soo shaac saaraysa gacmaha ay Madaxda Dalka Jabuuti ku leeyihiin gudaha Somaliland, taasoo khatar weyn ku keeni karta Nabadgelyada iyo Xorriyaadka aasaasiga ah ee ay Dadka iyo Dalka Reer Somaliland ku faani jireen.

Si kasta ha ahaatee ma jiro war cad oo ka soo baxay Somaliland iyo Jabuuti oo la xidhiidha xadhiga Sarkaalkan Siraha la sheegayo in uu ka gudbiyey Somaliland, una gudbiyey Dalka Jabuuti, ma ajirto illaa hada Maxkamad la soo taagay, marka laga yimaado Hay’adda Sirdoonka oo uu ku xidhan yahay mooyaane.

Xigasho: Farriinnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here