Taliyihii Ciidanka Militariga Somalia Oo Xilki Laga Qaaday

0
30

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu magacaabay Taliye cusub oo la dalacsiiyey  iyo ku-xigeen

Muqdisho (Hubaal)-Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xalaaddaha Amniga iyo hogaan cusub oo uu yeesho ciidanka Xooga dalka.gen.-indha-qarshe

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay mag acaabid taliyaha ciidanka xoogga dalka waxaana dood dheer kadib, goluhu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soo baxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbarashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka. Sida gollaha Wasiirrada laga horjeediyey, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiidna uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidanka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Taliska, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu halkaasi ka sii wado.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaan la sheegin in xilkii laga qaaday iyo in kale Jen. Daahir Aadan Cilmi [ Indha-qarshe ] oo muddo sannad ah hayey Taliska ciidanka X.D.S, balse magacaabista ayaa waxay muujinaysaa inuu meesha ka baxay Sarkaalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka laga dhigay ayaa ku soo aaddaysa xilli ay Xarrakadda Alshabaab weerraro hor leh ku qaadeen fadhiisino Ciidan oo ku kala yaal Gobolladda Koonfurta, sida Kismaayo iyo gobolka Gedo, labadii usbuuc ee u dambeeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here