Taliyihii Hore Ee Ciidammada Qaranka Oo Khibradiisa Militari U Daliishaday Waajibka Distoorku Faray Ee Lagu Qarameeyey Saax-dheer

0
33

HUBAAL Ka Akhri:  “Marka aan Daliishado, Siyaasadda, Diblomaasiyadda iyo Distoorka Somaliland, Haddii Lagu Soo Duulay Qaranimadii Jamhuuriaydda Somaliland Madaxweynuhu wuxuu Xaq Distoori ah u leeyahay Inuu Difaaco, waayo waa taliyaha guud ciidamada qaranka….Beesha Caalamka Ma Aqoondarraa Ka haysata mise Iyagaa Iska Indha-Tiraya Xaqiiqda Xuduudaha Somaliland?”- Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif)

Hargeysa (Hubaal)- Taliyihii hore ee Ciidammada Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay degmada Saax-dheer ka dib markii ay Ciidammada Qaranka Somaliland si buuxda ula wareegeen.

Gen. Jidhif oo khabiir ku ah arrimaha milatariga gaar ahaan (Military Strategy Analyst’) ayaa sheegay in hawlgalkii ciidanka qaranka Somaliland ku qabsadeen deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool uu ahaa waajib distoori ah mar hadii lagu soo duulay qaranimada Somaliland.

sida uu warwbixintan noogu soo diray Weriye Cabdikariim Muxumed Cadde (Qaamuus) oo Jananku u warramay waxa uu  intaa ku daray inay Haboonayd in Somaliland ka hawlgasho arimaha Diblomaasiyada inta aan hawlgalka la qaadin oo beesha caalamka iyo wadamada Jaarka ahba lagu qanciyo in Saaxdheer tahay Somaliland, halisina kaga soo socoto.

General Jidhif waxa uu sidaasi ku sheegay Mar uu Warbaahinta lahadlayay , isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka aan Daliishado, Siyaasada, Diblomaasiyada iyo Distoorka Somaliland, Hadii Lagu Soo Duulay Qaranimadii Jamhuuriayda Somaliland Madaxweynuhu wuxuu Xaq Distoori ah u leeyahay Inuu Difaaco Qaranimada, waayo waa taliyaha guud ciidamada qaranka Somaliland, Saaxdheer ha noqoto, Buhoodle ha noqoto, Laascaanood ha noqoto, Hargeysa ha noqto, Gabiley ha noqto, waa qaranimadii Somaliland (territorial integrity) hadii xadka lagu soo duulo difaac baa loo baahan yahay.

Tusaale ahaan Ciidamada Qaranku waxa ay leeyihiin masuuliyada (area of responsibility), markaa Waajibaadkooda uma baahna inay cid u daba fadhiistaan gorgortana lagaliyo,jiritaanka somaliland oo ah mid lama taabtaana.

Sidaad la socotaan Soomaalida waxa qaybsaday saddex wadan oo reer Yurub ah, Djibouti oo Faransiisku qabsaday, Somaliland oo Ingiriisku qabsaday iyo Somalia oo Talyaaniga guumaystay ,taasi waxay u muuqataan in Somalia aanay ogolayn xadka ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala dhigteen,

waxaan u arkaa talaabada Somaliland qaaday mid xaq ah oo difaacaysa qaranimada (statehood-kii) Somaliland”. .

Mar aanu General Jidhif waydiinay in Cali Khaliif uu Somaliland kaga guulaystay xaga diblomaasiyada iyo inuu beesha caalamka ka dhaadhiciyo in lagu soo duulay oo la qabsaday ayaa waxa uu kaga jawaabay “Runtii waa la odhan karaa diblomaasiyadii waa la inagaga tartamayaa(challenge), markaad xaqaaga doonayso in wadamada jaarka ah iyo dawladaha waaweyn ee aduunyada in aad ka dhaadhiciso in lagugu soo duulay ayay ahayd inta aan dagaalka la qaadin, taasi way ina seegtay ama waa la qaadan waayey ayay noqonaysaa”.

A JIDHIF ONLYGeneraal Maxamed Xasan Jidhif mar la waydiiyey sida uu u arko dhawaaqa Beesha caalamku ay Somaliland ugu soo jeedisay inay ciidamadeeda kala baxdo Saaxdheer ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxay iila muuqataa dhaliil xageena ah, dadkan aynu shaqooyinka wada leenahay ilayn Jamhuuriyad baynu nahaye oo waxa aynu ku doodaynaa 26-kii June 1960-kii ayaanu xornimadii qaadanay Ingiriiska ayaanu ka qaadanay, Ingiriisku Talyaaniga xadbuu la samaystay xadkii anagu maanu dhaafin, Jamhuuriyada Djibouti xadka aanu la leenahay wax dhibaato ahi nagama haystaan, Ethiopia xadka aanu la leenahayna wax dhibato nagama haystaan.

Markaa Beesha Caalamka ma aqoondaraa haysata mise iyagaa iska indha-tiraya xaqiiqada Somaliland ka jirta, ”.

Waxa kale oo uu GEN jidhif xukuumada kula taliyay in la xoogeeyo siyaasiyiinta bariga Somaliland ka soo jeeda gaar ahaan Fu’aad Aadan Cade iyo Cali Sandule wmi. si ay uga shaqeeyaan loona daba fadhiisto deegaamadaasi ay ka soo jeedaan ee Somaliland.

Waxaanu Generalku soo jeediyey In dib loo eego gogoshii Madaxweynaha (conflict management) ee ahayd nabadaynta iyo garnaqsiga gobolada bariga Somaliland.

Mahaa markii u horaysay ee gen maxamed xasan (jidhif) si adag ula hadlo beesha caalamka oo marwalba ku kacda wax somaliland ku lid ah

Gen jidhif ayaa ah shaqsiyaadka kusifoobay difaacida qaranka somaliland markasta oo xagal daac kaga imaando beesha caalamka iyo cadawga somalilandba’

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here