Hargeysa (Hubaal)-Alle ha u naxariistee waxa maanta magaalada Boorama Aas Qaran loogu sameeyey Taliyihii hore ee ciidan Booliska Somaliland Marxuum Cilmi Rooble Fure (cilmi Kabaal) ,kaas oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Golaha wakilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Wasiiro Xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo shacab ku dhaqan magaalada Boorama .
Maydka marxuumka oo laga soo qaaday dalka talyaaniga oo uu ku geeriyooday, ayaa isla maanta waxa laga soo dejiyay madaarka Magaalada Hargeysa iyadoo loo gelbiyey dhanka Magaalada Boorama ,halkaas oo maanta Aas Qaran Loogu sameeyey Marxuumka, Balse xukuumadda Siilaanyo ayaa si meeqaam Hoosaysa ugu qayb-gashay Aaska marxuumka uu ka muquurtay Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba taliyayaasha ciidamada Qaarkood, taas oo Madaxweyne siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE ku noqonay barmadaw
Geesta kalena Guddoomiye Cirro oo hoggaaminaya Haggaanka sare ee xisbiga WADDANI iyo xildhibaano,ayaa ka qayb-galay Aas Marxuum Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal)oo ahaa taliyihii Hore ciidanka Booliska Somaliland oo maanta Magaalada Boorama Aas Qaran loogu sameeyay, halkaas oo uu Guddoomiye Cirro iyo waftigii uu hoggaaminayey ilaa caawa ku sugan yihiin.