– Mr. Cabdillaahi Y. Cilmi –Maareeye ku xigeenkii hore ee Wakaalladda Korontada Hargeysa
Sixir Bararka Ama Ascaar bararku waa Sare u kac ku dhaca qiimaha Alaab ama Adeeg, Dalkeenan Jamhuuriyadda Somaliland waxa muddo dheer ka taagnaa sixir barar marba marka ka dambaysa sare ay u sii kacaysay qiimaha Ascaartu, Sixir bararkaas oo aad mooddo in aan dadku wada dareensanayn laakiin ay aad ugu dhibbanyihiin ama ay dareensanyihiin dadka danyarta ah ama aan hayntoodu buurnayn waxa kale oo iyaguna dareensan bulshada Nooca loo yaqaan Indheer Garadka. Haddaba waxa Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qaaday tallaabo aad loogu farxay Tallaabadaas oo ah in uu Guddi u saaray Sixir Bararka ama Ascaar bararka, Haddaba waxay su’aashu tahay maxaa keenay,
Yaa keenay ama waa Noocee Sixir bararka ka jira dalkeenan Jamhuuriyaddaa Somaliland? Sixir bararka dalkeenna ka jira ma aha sixir barar caadi ah (Natural) caadi waxan uga jeedaa marka sixirka alaabadu sare uga kacdo suuqyada soo saara Alaabadan ama adeegan qaaliyoobaya waxase sixir bararkeenna sababay Ganacsato Dad qalatoobay Dawlad Kaantarooshana waayey tusaale waxa inoogu filan ganacsatadeenu waxa laga yaabaa Alaab ama adeeg qiimohoodu ku joogo $10 in ay ku iibiyaan $60 ganacsadaas wuu lix laabay Alaabtaas,
Haddaba ganacsadaha sidan samaynaya ka sakaw dawladdii oon kaantaroolin miyeynaan odhan karin wuu ka tegay Bani aadan Nimadii oo ah shayga ugu mihiimsan ee qofka qabta waxaanad mooddaa in uu ka yimi meere kale oo aanu dadkan waxba isu ahayn waayo hadday wax isu yihiin wuu ka nixi laa. Waxa kale oo gacanra u galay ganacsata sarifkii lacagaha qalaad oo iyana ah qodob kale oo sababa sixir bararka, Haddaba sidee looga hortagi karaa sixir bararka? Waxa looga hor tagi karaa sixir bararka:- 1) Dawladda Somaliland Oo wakiillo Ganacsi u dirta meelaha aynu la leenahay xidhiidhka Ganacsi sida Dubai oo kale,
Dubai imikaba waxa inoo jooga safiir wuxuu safiirkaasi qaban karaa in uu si guud u soo ogaado Qiimaha Ascaarta aynu ka soo iibsanno Dubai waxa kale oo uu ogaan karaa qiimaha ay ganacsatadu ku soo rarato alaabtaa markay alaabtii halkan timaadadana dawladdu way garanaysaa cashuurtay ku cashuurtay mar haddii la ogaaday qiimihii gudaha iyo kii dibadda waxa la odhan karaa ganacsadihii intaana macaash intaana sii Alaabadaa 2) In Sarifka Lacagaha qalaad laga wareejiyo gacanta ganacsatada laguna celiyo Bankiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ganacsataduna marka ay dibadda wax ka soo iibsanayaan oo keliya ka qaataan Bangiga dhexe. 3) Ganacsatada Somaliland oo ogaata in dadkani ay yihiin shicib koodii oo ay ka naxaan maskaxdoodana ka saaraan hal sanno ku taajir ilaahayna ka baqdaan oo ay doonaan macaash xalaal ah.
Waa Qalinkii: Aqoonyahan Cabdilaahi Yuusuf Cilmi
Maareeye-ku-ixigeenkii Hore ee Wakaaladda Korontada Hargaysa.