Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigalinta Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee KULMIYE Oo Soo Jeediyay Talooyinka Shilinka Lagu Xoojin Karo

0
56

Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigalinta Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee KULMIYE Oo Soo Jeediyay Talooyinka Shilinka Lagu Xoojin Karo

Iyada oo laga duulayo dhibaatada baahsan ee uu qoys iyo qaran ba u geysto sicir bararku ayay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo taaba galiya xasilooni buuxda.

Sidaa daraadeed waxaan u arkaa in la qaado talaabooyin buuxa oo dhiirigalisa shilinka soomaalilaand oo ay ka soo socoto cawaaqib xumo qaranka dumin kara.

 in baanka dhexe ka shaqaysiiyo siyaasadda lacagta ee loo yaqaan { Montery Policy} taas laga fikiriyo dhammaan qaybaheeda kala duwaniyada oo awoodii baanka gacantiisa lagu soo celiyo.

 in dib u eegis balaadhan lagu sameeyo siyaasadda cashuuraha ee loo yaqaan { Fisical Policy} iyada oo laga duulayo in cashuurta dadbani ay toos u taabato ascaarta iyo nolosha bulshada, halka cashuurta tooska ee macaashal macaashka iyo musharkuna ay dhaqaalaha u wanaagsan tahay.

 In dhammaan qandaraasyada, liisamada iyo ganaaxyada lagu qaabtaa shilinka soomaaliland.

 In dhammaan adeegyada zaadka iyo E dahabka lagu culaysiyaa in kaash lagu badalo iyadoo aad looga fikiriyo saamayntooda isla markaana laga sameeyo daraasad toos ah inta ay hawshaashi daraasadu socotana la soo saaro xadi go’an oo la dhigan karo.

 Dhammaan baananka iyo xawaaladaha waa in baanku ka qaado keyd iyo deebaajiisla markaana uu la xisaabtan yeesho.

15095709_365404260474061_4690572840335606603_n Waa in goobaha mihiimka ee jaamacadaha, haay’adaha dawliga ee addeegyada tooska ah bixiya dhammaan laga dhigaa lacagta lagu istcimaalayo shilinka.

 Wixii la xidhiidhi kala wareejinaha gaadiidka, liisamada, qandaraasyada, ganaaxyada Iwm waa in lagu qabta

 In la sameeyo waaxda la socodka heerka korodhka qiimayaasha daruuriyaadka ah taas oo laga ogaan karo heerka kor u kac ama hoos u dhac, taas oo shaqadeedu noqoto inay diyaariso {Consumer price index} wadanka

 Waa in la dajiyaa siyaasadii qaranka ee sarifka iyadoo lagu jaangoynayo duruufaha waddanka ku gadaaman

In la dhaqan galiyo xeerkii kala xadaynta ganacsiga kaas oo wax weyn ka dabooli lahaa kala kobaca ganacsiga yaryar iyo tayadooda ba

.

Sanad ka hor ayay ahayeen talooyinkan kor ku xusan oo qoran markii aan si toos ah ula wadaagay gudi uu madaxweyne Siilaanyo u saaray baaxadega sidan oo kale ka taagaan isu badalka sarifka oo qiima dhac ku yimid shilinka soomaalilaand.

Wa Billaahi Towfiiq

Qalinkii: Dhaqaalle Yahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigalinta Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee KULMIYE 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here