Talo Ku Socota Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland

0
182

KU:- KULMIYE, UCID IYO WADANI

————————————————

UJeedo:

Qorshaha ololaha xisbiyada somaliland sanadkan wax halaga badelo.

———————————————————————————————–

Somaliland waa dal qaatay in kuraasta hogaaminta qaranka iyo kuwa adeege yaasha bulshadaba lagu soo saaro ama lagu doorto doorasho xor ah oo qofku si toosa goobta uga doorto qofka uu rabo.

Nidaamkaasi oo soo bilaabmay 31-may-2001 markii somalliland samaysatay dastuur ay isku xukunto oo ay ka guurto nidaamkii shirbeelleedka wax lagu dooran jiray, axdi qarameedkii ay ku dhaqmi jirteyna waxa ay dadka reer somaliland u codeeyeen in lagu badelo dastuur qaran natiijadii aftidaasina waxa ay noqotay 97% ayey dadku HAA ugu codeeyeen in la isku mamulo dastuurka.

Dastuurka hirgelintiisii iyo faafintiisii ayaa la diyaariyey oo loogu talo galay in dadka oo dhan la gaadhsiiyo laguna dhaqmo, walow duruufo adag oo dhaqaale iyo nololeed ba lagu jiray wakhtigaa.

waxa xusid mudan in adeegsiga iyo ku dhaqanka dastuurka qodobadiisa ugu waaweyn lagu xasuusan karo markii uu geeriyooday Madaxweynihii labaad ee jamhuriyadda somaliland AHN Mohamed Ibrahim Egal 03-may-2002 ka dibna sidii uu dastuurku sheegayey si rasmiya madaxweyne ku xigeenkii wakhtigaa looga dhigey madaxweyne dalka doorasho gaadhsiiya mudane Dahir rayale kahin.

markii ay taariikhdu ahayd sanadkii 2002 bishiisii December ayaa la qabtay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka oo ahayd Doorashadii dadka reer Somaliland ugu horeysay inay shakhsiyaad codkooda siiyaan ah.

ilaa doorashadii inoogu dambaysay ee dhacday 28 Bishii September sanadkii 2012kii oo ahayd Doorashadii Goleyaasha Deegaanka, waxa aynu ku soo jirnay kaambayn iyo doorasho uun aynaan waxbadan ka faaiideysan nidaamka loo qabto iyo nidaamka loo ololeeyo oo aad moodaba in uu inaga sii xumaaanayo oo uu wakhtiyadaa hore dhaamay.

Hadaba marka aan u soo noqdo nuxurka iyo hal muceedka qoraalkeyga oo aan doonayo in aan ku hogo tusaaleeyo in ay muhiim tahay in la badelo nidaamka axsaabtu kaambaynkooda u qabtaan ama bulshada uga dhex ololeeyaan oo ah inta ay xafiisyo furtaan dabadeedna bulshada halkaa lagu ururiyo.

iyada oo nidaamka ay dadka iyo bulshada u ururiyaan axsaabtu ay tahay in xafiisyadoodu ay noqdaan goobo dadku ay u joogaan oo ay ku ilaashadaan , waxa axsaabta kaga baxa kharash badan oo lagu bixiyo balwadaha uu jaadku ugu horeeyo waxaana laga yaabaaba in ay bulsho ama dhalinyaro badani inagaga baaba’do wakhtiga doorashooyinka oo ay balwadaha ku bartaan goobahaa, xisbiyadana lacago badani halkaa kaga baxaan.

Markii aan eegay ee daraaseeyay qaababka bulshada loo kasban karaa way badan yihiin nidaamkan aan soo sheegnayna maaha kasbasho bulsho ee waa biibiin iyo burburin bulsho mid dhaqan mid diineed iyo mid nololeedba, markii aan rog-rogay waxa aan ka fekeray in qaabkan wax laga badelo oo loo badelo qaabab kale oo wanaagsan oo bulshadana lagu kasban karo oo ay ka mid yihiin:-

1- in xaafad kasta oo xisbigu ama ururku uu ka furanayo xafiis uu marka hore daraasad ku sameeyo baahida taala degmada ama xaafada, dabadeedna uu diwaan gashado baahiyihii oo sida uu wax uga qaban karo ama wax uga tari karo amaba uu wax uun ugu darsan karo usoo kala horeysiiyo oo u qabto sida:-

  1. a) dadka danyarta ah ee xaafadaa degen oo la diwaangaliyo laguna caawiyo waxii loo awoodo.
  2. b) in wax lagu darsado goobaha caafimaad iyo garoomada ka dhisan degmadaa ama xaafadaa ee umadu wada leedahay oo gacan looga geysto waxii lagu tari karo.
  3. c) in xisbiyadu wax ku darsadaan hawlaha danaha guud ah ee degmooyinka iyo xaafadaha ka socda ee iska wax u qabsada bulshadu ku dhisato sida wadooyinka oo kale.

2- in marka hawlahaa la soo qabto guri walba xisbigu albaabkiisa garaaco oo uu weydiiso in ay u codeeyaan maadaama oo uu gacan ka geystay hawlaha xaafadooda, lana diro dad aqoon u leh sidii ay dadka u kasban lahaayeen oo u akhriyo barnaamijka xisbiga iyo balan qaadada xisbigu qabanayo si ay dadku wax u kala gartaan ugana xoroobaan qabyaalada iyo qof jeclaysiga.

3- ln dadka la baro in axsaabta wax lagu darsado oo ay dadku xisbiga u arkaan wax ay leeyihiin oo uu qofwaliba marka uu arko sida uu xisbigu daacad u yahay qorshihiisa iyo barnaamijkiisa iyo caawimada uu ka geysanayo arimaha bulshada, qofkuna ku darsado caqligiisa cududiisa maalkiisa aqoontiisa iyo kartidiisaba, oo nidaamka maamulka iyo wada shaqeynta bulshada iyo xisbigu gaadho heer guri kasta fariintiisu gaadhi karto.

Waa wax dhib yar intaa aynu soo sheegnay lacagaha ku baxayana waxa ka badan lacagaha maanta axsaabta kaga baxa afmiishaarnimada iyo dilaalnimada dadka shicibka ah ee masaakiinta nin aan dantooda wadini dilaalayo.

Hab-nololeedka ama qaabka bulshada reer somaliland u nooshahay waa nolol isku dayasho oo hadii cidi wax wanaagsan horseedo inta kalena way samaynaysaa, markaa waxa muhiim ah in lagu dhiirado in axsaabta siyaasadu kobodo, fahanka bulshada ee waxa ay doonayaana ay gartaan, una arkaan wax ay iyagu leeyihiin oo ay lexojecladiisa yeeshaan, halka maanta loo fahmay kala shaqaysi iyo ganacsi siyaasada dalka.

Hadii arimahaa la helo waxa hirgalaya is aaminka iyo wax wada lahaanshaha bulshada waxa hirgalaya lexo jeclada iyo in la isku tudho oo uu qofwaliba fikirkiisa ugu adeegsado xaga wanaagsan iyo xaga horumarka ee wax lagu badali karo ama qofku is qiyaasi karo maxaad doonaysaa, maxay ku kala duwan yihiin axsaabta dalku, oo bulshadeena uu u soo noqdo halbeegii garashada ee nidaamka siyaasada dalku u shaqeyso oo ay ku jaahwareereen laguna qalday marar badan, taasina ay dhashay in dadku kaba xanaaqaan is doorasho iyo cod bixinba sida maanta muuqata.

ILAAHAY BAA MAHAD LEH

Qalinkii: Muhámed Dhimbiil

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here