Talo Ku Wajahan Reer Mudug: Gaalkacyo Ma Noqon Karto Magaalo-Madax Kala Qoqoban Oo Ay Laba Maamul-Gobol Wada Maamulaan

0
27

gaalkacyo

W/Q: Xaaji Axmed A-rashiidi

Lama maqal lamana maqal, magaalo madax adduunka ka mid ah oo ay laba maamul gobol kawada arimiyaan, Gaalkacyo mooye.!

Soomaalidu waxay tidhaa “laba baarqab xero geel kuma wada jiraan, kumana wada heshiin karaan magaalo.” Taasoo ay adag tahay in loo kala qoqobo sidii magaaladii Baarliin, iyadoo loo soo joogay siday xaalada magaaladdaasi ku dambaysay.

Si loogu helo Gaalkacyo Xasilooni iyo nabadgalyo waarta, loogana baxo hirdanka iyo loollanka damaca siyaasadeed ku dhisan, loona baajiyo barokac bulshada danyarta iyo saboolka ah, waxay soo jeedintu tahay;

  1. In maamulka Gaalkacyo la hoos keeno dawladda dhexe ee Federaalka, iyadoo looga tusaale qaadanayo habka maamul ee ka jira magaalada Dirir Dhabe.
  2. In loo xulo guddi kooban oo inay dhexdhexaad yihiin loo arko, sida Culimada.
  3. Inay ahaato goob ka caaggan hub oo idil, ilaallada amniga loogu baahdo mooyaane.
  4. In dawladda dhexe ay go’aan kasoo saarto cidda bixinaysa magta ciidanka loo laayay Shabaab ugu soo gabasho, iyagoo ahaa kuwo Galmudug kasoo jeeda, hase yeeshee laga sameeyay been abuur, Wanjalaad ah ee ku salaysan shirqool caddaan ah.
  5. Haddii si kale xal iyo maare lagu daweeyo loo waayo, waa in labada maamul Puntland iyo Galmudug, la mideeyo isku Federaal ahaan, loona magac bixiyo tusaale ahaan; United Federal Of Puntland and Gal-mudug.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii: Xaaji Axmed A-rashiidi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here