Talyaaniga Oo Ka Cabsi qaba Argagixiso Tahriib Ah

0
192

 

Roma (Hubaal) – Dawaldda Talyaaniga ayaa ka digtay in Tahriibayasha faraha badan ee ku qul qulaya  dalkeeda ay ku soo dhex dhuuntaan kooxaha Argigixisada ee ka jira wadamada Calaamka.

Luigi Binelli Mantelli, oo ah Taliyaha Ciidmada Baddda Talyaaniga aya sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Argigixisadu ay ku soo dhex milanto Muhajiriinta Soomaalida u badan ee sanad kasta sii kordhaya ee gaadhaya dalka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan wadamada Yurubta. “Dawlada Talyaaniga waxa ay wadaa howlgal la doonayo in lagu ogaado dadka Argigixisad ah ee ku soo dhuumanaya dadka Muhajiriinta ah ee ka kala yimaada wadamada Soomaaliya, Eritrea, Syria, iyo Mali oo ay ka jiraan Ururo Shabakada Al-Qaacida ku xidhan oo ka dagaalama”.

TahriibMantelli, ayaa xusay in ka badan kumanaan Muhajiriin Afrikaan u badani inay sanadkan gaadheen dalka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan wadamada Yurubta oo ay aaminsanyihiin in ay taalo nolal dhaanta tan wadamadooda ka jirta.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday marinka ugu muhiimsan ee ay sii maraan dadka Tahtiibayaasha ah iyadoo sanadkasta ay dad Talyaaniga ku sii jeeda ay doomo kula qalibmaan halkaasna ay ku geeriyoodaan.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here