Hargeysa: Tartan ciyaareed xiiso badan ,oo maalmahan ba ka socday xaafadda sheikh Nuur ee Deg-mada Gacan Libaax, ayaa maraaya meel xasaasi ah kaaso ay isugu soo hadheen sideed naadi kuwaaso ah heerka labaad darajada caasimadda ee naadiyaasha. Sideedan kooxad ayaa soo ciyaaray ciyaaro aad uu xiiso badnaa kuwaaso ay bulsho aad uu badani ka qayb qaadatay daawashadeeda.
Sideedan Kooxood ayaa kala ah.
Ileys,unatied star.,walver .Dangarad.Horseed.Maamuus.Lians.Winars. waxaanay sii toosa fooda isku dari doonaan ciyaaro ay cidii badiisa ugusoo Gudbi doonto simi faynalkii afarta kooxood ee isaagu soo hadha koobkan marxuum Idiiris Ibraahin cabdi loogu magic daray.
Waxaa koobka maal- galintiisa iska Leh mid ka mid ah ciyaartoygaa Gobolka Saaxil ee Heer Gobolo lagu magacaabo Guuleed xaamud (Guuleed shoodhe xusto),kaaso xasuus uga dhigay alle naxaariistii haka waraabiyee wasiirkii hore ee xanaanadda xoolaha Somaliland ,marxuu idiiris ibraahin cabdi,koobkan ayaa sii nabad Gelyo ah u socdo muddo bil iyo badh ah oo u ka socday caasimadda somaliland,waxaanu sheegay Guuleed yare oo ah nin dhalinyaro ah,inay tanni tahay fursad faa”iido badan oo ay heeshay dhalinyarada dalkeennu.