Tartanka Isreebreebka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo Maanta Ka Furmaya Burco Iyo Boorama

0
173

Wasaaradda Warfaafinta Oo Sheegtay In Si Toos Ah Bulshadu U Ula Socon Doonto Tartanka Isreebreebka Ciyaaraha Gobolada

Hargeysa (Hubaal) Waxa Maanta  si rasmiya ugu furmaya magaalooyinka Burco Iyo Boorama wareega hore ee tartanka ciyaaraha gobolada somaliland. Tartamada hore ee ciyaaraha gobolada oo loogu tala galay in lagu kala saaro gobolada somaliland isla markanaa wareegiisa labaad lagu qaban doono caasimada Hargeysa ayaa waxa la filayaa inuu ku bilaabmi si habsamiya. Sidoo kale wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa sheegaya in inta badan xulalkii gobolada ee loogu tala galay inay wareega hore ee ciyaaraha gobolada kaga qaybgalaan xarunta gobolka Awdal ee Boorama ay gaadheen magaaladaasi.  Dhinaca kale wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Togdheer ee Burco  ayaa sheegaya inay magaaladaasi soo gaadheen inta badan xulalka loogu tala galay inay tartanka kaga qayb galaan magaaladaasi. Tartanka ciyaaraha gobolada somaliland ayaa sanadkan loogu tala galay in la qabto wareeg hore oo lagu kala reebayo gobolada kuwaas oo ka dhici doona magaaloyinka Boorame iyo Burco halka wareega labaad ee tartanka koobkana loogu tala galay in lagu qabto caasimada Somaliland ee Hargeysa. Dhinaca kale Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay doorka ay ka qaadan doonto tartanka isreebreebka ciyaaraha gobollada Somaliland oo maanta  si rasmiya uga furmaya magaalooyinka Burco iyo Boorama. Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Ahna Ku simaha wasiirka Wasaaradaasi Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay in wasaarada warfaafintu kaalin muhiima ka qaadan doonto soo tabinta tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland, iyadoo sheegtay in wasaaradu warfaafinta oo adeegsanaysa Telifishanka qaranka, Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan, Wakaalada Wararka Solna ay si toosa usoo tabin doonto tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.  6Marwo Shukri Xariir Ismaaciil waxaa ay sidoo kale sheegtay in wasaarada warfaafintu Hawl wadeenadeeda u kala dirtay gobolada uu tartanku ka bilaabmi doono si ciyaaraha tartan gobolada loo gaadhsiiyo dhamaan dalalka caalamka iyo wadamada aynu jaarka nahay. Wasiirka ku xigeenka warfaafintu waxay sheegtay in daawashada ciyaaraha si toosa loo soo dayn doono islamarkaana maalina Burco ciyaaraha ka socda la daawan doono maalina Boorama ciyaaraha ka socda lasoo tabin doono, iyadoo sheegtay in Maalinta Burco iyo Boorama Mid kamida la daawanayo takalena si toosa looga soo dhageysanayo Radio Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here