Tartanka Kubadda Kolleyga Bisha Ramadaan Oo Ka Furmay Garoonka Tima-Cadde + Ciyaar Xamaasad leh Oo Dhex Martay Kooxaha W. Macdanta & Tamarta Iyo W. Biyaha

0
56

Kooxda W. Macdanta Iyo Tamarta Oo Guul Xarago leh ka Gaadhay Kooxda W. Biyaha Kulankii Furitaanka Tartanka RamadaantaDSC_8784

Hargeysa (Hubaal) Tartanka ciyaaraha kubadda Kolleyga ayaa si rasmiya uga bilaabmay garoonka kubadda Kolleyga ee Timo-cadde ee magaalada Hargeysa. Tartanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qaybgalay munaasibad kooban oo lagu furayay tartankaasi, masuuliyiin ka socta wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda Kollayga, iyo sidoo kale dadweyne fara badan oo soo buuxiyay garoonka. Sidoo kale waxa Munaasibada furitaanka kasoo qaybgalay wasiirka wasaaradda macdanta. Kooxda ku ciyaaraysay magaca wasaaradda macdanta iyo Tamarta iyo kooxda ku ciyaaraysay magaca wasaaradda biyaha ayaa habeenka xalay isku haleelay ciyaarta furitaanka tartankan.  Labada kooxood ee lagu furay tartanka ciyaaraha kubadda Kolayga ayaa soo bandhigay ciyaar xamaasadeedu aad u sarayso, Waxaana guusha ciyaartaasi raacday kooxda W. Macdanta Iyo tamarta oo 12 gool kaga adkaaday kooxda W. Biyaha. Waxay ciyaartuna ku dhammaatay 52 gool kooxda W. Macdanta iyo Tamartu keensadeen iyo 40 gool oo kooxda wasaaradda Biyaha keensadeen. Kulanka caawa ka dhici doona gegida Timo-cadde waxa uu dhex mari doonaa Kooxaha Nagaad Network iyo True Cable.

DSC_8772 DSC_8740 DSC_8737

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here