Tartanka Lagu Xusayo Marxuum Maxamed Daa’uud oo Ciyaartii u Dambaysay Lagu Kala Baxayo Maalinta Jimcaha

0
42

Tartanka kubbadda cagta bisha Ramadaanta oo ka socda garoonka Abu Site Stadium oo lagu xusayey Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo shil baabuur ku geeriyooday bishii Ramadaanta ee sannadkii 2015, ayaa ciyaartii u dambaysay la ciyaari doonaa maalinta Jimcaha, haddii Ilaahay yidhaah.tartanka marxuumka

Tartankan oo ay ka qaybgaleen siddeed kooxood, waxa ciyaarta u dambaysa (final) isugu soo baxay labada kooxood ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Al-baraka Construction, kuwaasoo koobka kala qaadi doona maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 1 July 2016, kuna beegan, bisha Ramadaantuna tahay 26, sannadka 1437, taariikhda Hijriga, iyadoo ay tartankaasna maalgelisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah masuul markasta diyaar u ah sidii ay u taageeri lahayn, una gacan qaban lahayd dhallinyarada reer Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here