Tartanka shidaalka Afrika, Gumeystaha Cusub ee UN-ka, nacaybka Carabtu inoo qabto iyo kooxaha xagjirka ah waa sifadii Somaliya ku baaba’dey, S/land-na loola soo socdo

0
110

Tartanka shidaalka Afrika, Gumeystaha Cusub ee United nations, nacaybka Carabtu inoo qabto iyo kooxaha xagjirka ah waa sifadii Somaliya ku baaba’dey, Somalilandna loola soo socdo(qaybtii 1aad)
Waxaa beerku i dubaaxiyey markii aan maqlay inay jiraan ciidamo gaar ah oo loo samaynayo soo saarista shidaalka. Waxaa la sheegay in lagu bilaabi doono deeganka Oodweyne ee Habaryoonis degto. Nasiib daro illaa hada wax war ah lagama hayo Talo iyo tawfiiq iyo Cabdiraxmaan Ciro toona.
Cid arintaas ka digtey amaba su’aal saartey ma jirto. Waxaana ay u muuqataa in weriyeyaasii Somaliland hawshoodii gabeen. Waxaanse leeyahay 5 Kudos to Haatuf net.
Waxaanse aad ugu bogey warbixin uu soo saarey Maxamed Xaashi ,isaga oo bada soo dhigay su’aalo muhiim ah: Yaa maamula ciidamada RRUda? Yey amar ka qaataan? Ma quwadaha shisheeyaha? Maxayse ujeedadoodu tahay?
Haddaba waxa igu kalifay inaan qoro maqaalkan, waxaa ii cadaatey khataraha badan ee isa soo taraya ee dalkeenu ku sugan yahay. Waxaana aan sabab uga dhigay asbaabtan soo socota.

 

maqaal
Tartanka khayraadka adduunka oo cidhiidhi galay:
Soo kicitaankii dhaqaalaha ee wadamada adduunka ugu dadka badan, sida China, India iyo Brazil, waxa uu cadaadis xoog ah saarey khayraadka adduunka oo markii hore si gaar ugu xidhnaa wadamada reer Galbeedka.
Waxaa si baaxad leh u sii kordhaya tartanka loogu jiro khayraadka adduunka, gaar ahaan shidaalka iyo alaabta kale ee caydhin.
Afrika ayaa ah qaarada ugu dihin adduunka iyo wadamada bariga dhexe oo iyagu banzin leh.
Haddaba waxa la isku haystaa sidii khayraadkaas loo hantiyi lahaa, dadkiisana loo yaryareyn lahaa. Waxaad aragtaan qalalaasaha laga ridey wadamada Carabta gaar ahaan Ciraaq, Liibiya oo iyaduna burbur qarka u saaran, Siiriya iyo wadamada Afrika sida Somaliya,Neyjeeriya iyo Kenya.
Qalalaasaha Afrika iyo Doorka United nationska: United nationska amaba wadamada reer galbeedka ayaa cadaystey doorka ay kaga jiraan qalalaasaha qaarada Afrika. Fransiiska ayeynu ogeyn doorkii uu ka qaatey xasuuqii ka dhacay Ruwanda. Waxaa maanta somaliya iyo Somalilandba ka buuxa dadka basaasiinta ah ee u adeegaya reer Galbeedka. Waxaa isha lagu hayaa khayraadka Afrika iyo shidaalka Somaliya iyo Somalilandba. Waxaana la rabaa sidii gumaysi cusub Afrika u geli lahayd. Hadaba sidee gumaystuhu ku hanan karaa qaarada Afrika? Maxayse yihiin aaladaha ugu waaweyn ee uu isticmaalo si uu u burburiyo umad dhan oo ka kooban malaayiin qof?
Isku dirka Qabaa’ilka: Weli may dhicin adduunyada in dad isku duuban dalkooda shisheeye hantiyo amaba la gumeysto, amaba hantidooda la dhaco. Aad bay u adag tahay in gumeystuhu wadan degan oo dadkiisu isku duuban yahay xoog ku qabsado. Haddii aad taariikhda wax ka baratey halaagyadii Afrika soo maray, adoonsigii la adoonsadey iyo cadaadiskii la saarey ee sida xoolaha loo rartey waxa sababey oo qayb ka ahaa isku dirkii la isku direy Afrikaanka oo mid walba walaalkii loo adeegsadey. Hadaba wadamada khilaafku ka dhashay ee xalin kari waayey dhibaatooyinkooda, isla markaana si fiican looga faa’ideystey waxa kow ka ah Somaliya, Ciraaq, Siiriya iyo Libiya Waxaa iyaguna ku daba jira wadanka Neyjeeriya iyo wadanka Kenya oo maanta qalelaasaha ka taagani khatar ku yahay jiritaankooda. Hadaba side gumaystuhu u shaqeeyaa? Sidee xoog ku helaa, maxaa u suurtogeliyey in wadamo dhan oo dhisani dhulka galaan, oo si dhib yar khayraadkooda loo gurto iyada oo aan laba Cali isweydiin? Maxayse yihiin khataraha ku soo socda Somaliland?
Sidoo kale colaada maanta ka aloosan Bari iyo siyaasadan daandaansiga ah ee Puntland wado, maxay salka ku hayaan. Bal aynu marka hore eegno arimahu siday u kala horeeyaan:
1) Maamul xumo: Madaxweyne Siilaanyo intii uu xukunka hayey, wuxuu xoogeeyey qabiilkii iyo qaraabokiilkii, isla markaana wuxuu ku fashilmay inuu noqdo madexweyne dadku u siman yihiin. Isla markii uu xukunka qabteyba waxa uu magacaabey wasiiro qabiilkiisa ah oo ka qayb galey dagaalkii sokeeye –sida wasiirka duulisa iyo hawada.
Waxa uu markiiba booska ka saarey madaxweyne ku xigeenkii sida sharciga ah loo doortey. Waxaaa uu ku bedelay Xirsi, oo ah shaqsi aan lahayn aqoon uu jagadaas ku hanto.
Madaxweynuhu waxa uu khayraadkii dalku lahaa u saxeexay shirkada Dahabshiil oo ay qabiil wadaagaan, iyadoo Dahabshiil uu deyrtey buurihii sibidhka ee magaalada Berbera. Waxaa maxjarkii Berbera lagu wareejiyey Indho deero, waxa qandaraasyadii dawlada oo dhan la siiyey dad u badan qabiilka madaxweynaha. Waxaa la iibsadey doorashadii dalka ka dhacdey ee deegaanka, tii xibiyada..
Waxaa beesha madaxweynuhu markiiba tijaabisay awoodeeda, waxaanay bilowdey dhul balaadhsi. Waxa khiyaamo cad lagu sameeyey doorashadii deegaanka, waxaana baas lala dhacay caruur dhagax tuurtey.
Waxaana dalkii loo dhiibay dad xigto u ah madaxweynaha sida Xirsi iyo wiilka madaxweynuhu sodoga u yahay ee Baashe.
Intaa kuma joogsane, madaxweyne Siilaanyo waxa uu ogolaadey ciidamo melateri oo dawladaha shisheeyuhu tababaraan isla markaana mushahar siiyaan.
Ciidamadaas waxa loogu talogalay in ay caabiyaan qabaa’ilka la iska ilaaliyo ee loo arko inay cadow ku yihiin madaxweynaha, qabiilkiisa iyo qabaa’ilka taageersan isaga. Marnaba lagama fekerin khataraha ka iman kara ciidamo dawlado shisheeye maamulaan. Waxaa cadowgii kowaad laga dhigay dadkii dalka lahaa ee dhiigooda u qubey halgankii dheeraa ee loo soo galay xornimada Somaliland.

2) Qabaa’ilka dhulbahantaha: Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku fashilmay inuu beesha Dhulbahante la shaqeeyo. Waxaa uu ku fashilmay inuu ka talo geliyo dhulka ay degaan ee batroolka laga baadhayo. Taasina waxay dhalisay in gumaystaha reer Galbeedku daaqad furan arkaan.Dhulbahante waa fahansan yahay qadiyadaha gumeysigu ka leeyahay dhulalka Somalidu degto. Waxaana u quus geysey “isha Cali ka laalaada”. Maanta waxa Muqdisho ka socda iyo cida ka danbeysaba waa la og yahay, mana filayo in dhulbahante dadkooda wax bartey rabaan inay qayb ka noqdaan Xamar, Xasan Sheikhna waxba ma tari karo oo isagii ayaaba ciidamo shisheeye magan ugu ah dalkiisii.

Waxaase ay rabaan in dhulkooda khayraadkiisa laga talo geliyo oo ay noqdaan dad sharaf ku leh dalkooda, oo xukunka qaybtooda la siiyo. Sidee batrool looga baadhi karaa dhulka ay degaan, iyada oo aan odayadooda iyo wax garadkooda lala tashan? Iyagana ma ciidamada Oodweyne loo tababaray ayaa Xirsi u diri doonaa?!

1) Kooxaha argagixisada iyo cadowga keligood taliyeyaasha Carabta: Dawlada Siilaanyo iyo shacabka reer Somalilandba waa ku guul dareysteen in la sameeyo gudi culimo ah oo sugta sidii diinta loo tarjumi lahaa, dadkana loo bari lahaa cilmi diineed oo sax ah, iyadoo la yaraynayo firqadaha kala duwan iyo kooxahan diinta isticmaalaya ee keenaya khilaafka iyo qaybsanaanta bulshada. Waxaa maanta Somaliland ka buuxa kooxo diin sheeganaya oo mid waliba danihiisa gaarka ah wato. Arintaasi waxa ay keeni kartaa khataro aad u balaadhan. Waxaana tusaale inoogu filan Alshabaab, Boko Haram iyo ISIS (Ciraaq).

Kooxaha diinta isticmaalaya ee cadowga u adeegaya waxay hagardaamooyin waaweyn u geysteen diinta islaamka, iyagoo ka been sheegay xaqii iyo ujeedadii diinta loo soo dejiyeyba, waana aalada ugu khatarsan ee gumaystuhu isticmaalayo maanta, si uu u hantiyo khayraadka Afrika iyo dunida muslimka.

Sidoo kale kooxahaas waxa adeegsanaya cadowga carabta oo weligood colaad midab takoor u qabay dadka Somalida, rabana inay dadka reer Somaliland u isticmaalaan difaacista biyaha Niilka ee masar, taas oo dadka reer Somaliland si fiican uga dheregsan yihiin.

4. Hay’adaha “Samofalka” iyo ajaaniibta Somaliland jooga: Nasiib daro waxa maanta Somaliland buux dhaafiyey qawmiyado ajanebi ah oo cid walba leh.Waxay qabtaan si fiican looma oga, sidii aan hore u soo sheegnay waxay wataan ajendayaal kala duwan.
Haddaba dawlada Siilaanyo waa ku fashilantey inay dalka ka xakamayso dadkan dalka ku soo qulqulaya. Waxaana ay u muuqataa in ciidamada RRUda ay amar ka qaataan dawlado shisheeye ah. Taas waxaa kuu cadaynaya markii loo dhacay guri marxuun mootanaa sideen bilood gurigiisii loo dhacay. Hay’adaha Samofalku waxaa dani ugu jirtaa dhul baaba’ay oo la isku dilayo. Waxaa muhiim ah inaynu iska xakamayno oo fiiro gaar ah loo lahaado hawlaha ay ka fulinayaan dalkeena. Erateriya ayaa u diidey inay dalkeeda galaan, waxaanay u qaadeen colaad badan. Waxay ka fidiyeen dacaayado badan. Sababtuna waxay tahay: Erateriya way diidey in dadkeeda fawdo laga dhex abuuro oo iyaga la isu adeegsado, waaney ku guuleysatey hawshaas iyada ah.

Gebogebo

• Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha Somaliland inuu xukunka dhiibo, dalkana ka badbaadiyo fawdo iyo khasaare.
• Dadka qabiilka ku taageeraya madaxweynaha waxaan u sheegayaa in ay ogaadaan in haddii fawdo dhacdo cid nabad gelaysaa aaney jirin – dhashooda, dumarkooda , sharaftooda iyo hantidooda midna. Waxaan ku odhan ahaa –fadlan haku saxaroon sixnigaad bariiska ka cuntey- waa talo!

• Waxaan kula talin lahaa dadka reer Somaliland inay is hortaagaan soo saarista batroolka. Waxa qaadan doona dawladaha reer galbeedka, inagana waa la isku keen jeedin. Waar inta aynu adkaanayno, waxaan odhan lahaa haloo kaadiyo qodistiisa. Waad ogtihiin wax ka socda maanta dunida muslimka iyo Afrikaba.

Waxaynu nabad qabnaa inta shidaalkeenu dhulka hoostiisa inoogu jiro. Gaajo inama hayso ee caajis baa ina haya, baddeena ayeynu ka dhergi lahayn iyo xoolaheena haddii qaadka raggeenu iska daayaan.

Ciidamada maanta loo samaynayo baadhitaanka shidaalka waxay hordhac u tahay khasaare soo socda oo fooda inagu soo haya iyo dagaal sokeeye. Waydin ogaan. Maantaba waataa dawladaha shisheeyuhu ku dhaaranayaan inay ciidamo ilaaliya keensanayaan. Waa duulimaad cad oo aan biyo loogu soo gaban. Bal daaqada dawlada Siilaanyo furtey eega?!.

• Waxaan kula talin lahaa shacabka reer Somaliland inay doortaan nin u qalma xukunka oo dalka jecel, fahmi kara waxa la kala faa’iidayo adduunka iyo halkaynu joogno, indhihiisuna ka sareeyaan “reer hebel colaadi” aqoon leh, kartina ku darsadey, isla markaana ka madhan xajiin qabiil iyo colaad sokeeye (Axmed Ismaaciil samatar waa door iyo tusaale wanaagsan)

• Waxaan ku talinayaa in la sameeyo gole guurti oo cusub, isla markaana ka madax banaan dawlada. Waxaa muhiim ah in la xakameeyo musuqmaasuqa si daacad iyo cadaalad ahna garsoorka loo qaado. Haddii taas aad dhayalsataana, hadhow haka ooyina wixii idin gaadha iyo Afweyne cusub oo xoog yeesha.

• Waxaan ku talin lahaa In la dejiyo sharciyo xakamaynaya xildhibaanada, oo meel adag iska taago raga iyadoo la soo doortey laaluush qaadanaya ee sharcigii la doonaba la marsiinayo.
• In basaasiinta shisheeyaha dalka laga xaaqo. Si dhab ah loo xaaqo (weli lama hayo hal qof oo basaas ah oo la abaal mariyey).
• Ugu danbeyn waxaan cambaareynayaa saxaafada Somaliland oo ka gaabisay inay wax ka qorto arimaha xasaasiga ah ee muhiimka u ah jiritaanka Somaliland. Waxaan tebayaa weiyeyaal aqoon leh oo baadhitaan ku sameeya arimaha hoos ku qoran:

1. Ciidamada RRUda iyo cida maamusha
2. Ciidamada loo sameeyey baadhitaanka Shidaalka
3. Shirkadaha la siiyey shidaalka iyo heshiisyada lala galay
4. Hay’adaha “Samofalka” ee reer galbeedka iyo carabtu wax siiyaan iyo ujeedooyinkooda
5. Kooxaha “diiniga” ah ee siyaasadeysan iyo firqooyinka kala duwan ee ay matalaan.
6. Ajaaniibta Somaliland joogta iyo sababaha ay u joogaan?!
7. Dhakhaatiirta Ajaaniibta iyo waxbarashooyinka ay la yimaadaan Somaliland
8. Fransiiska iyo ujeedooyinka uu ka leeyahay Somaliland.

Ugu danbeyn waxaan salaan iyo qadarinba u gudbinayaa dadka ka soo horjeeda xukuumada Somaliland iyo afafaalaheeda. Waxaan sanadahan danbe ixtiraam badan u qaadey Faysal Cali Waraabe oo muujiyey dal jacayl, aqoon badan, karti badan iyo dulqaad farabadan.

Faysal waxa uu si gaar ah uu muujiyey xilkasnimo iyo wadan jacayl, waxaana aan ugu mahadnaqayaa sida uu heeganka ugu yahay danta guud.

Asalamu Aleykum
Alleh sw ayaa mahad oo dhami u sugnaatey
Nadiifo Jama
elmitran@gmail.com

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here