Tartankii Kubadda Kolleyga Ee Bisha Ramadaan Ka Socday Garoonka Timo-Cadde Oo Xalay Lasoo Gabagabeeyay

0
54

Kooxda Wasaaradda M. & Tamarta Oo Nagaad Afka Gashaday, Sidaana Ku Hantiday Koobkii Kubadda Kolleyga

Hargeysa (Hubaal) Tartankii ciyaaraha kubadda Kolleyga ee ka socday garoonka kubadda Kolleyga ee Timo-cadde ee magaaladda Hargeysa ayaa habeenkii xalay si rasmiya usoo gabagaboobay.kooxda kubadda kolleyga

Labada kooxood ee Nagaad iyo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa kuwada ciyaaray garoonka Timacadde ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka ciyaaraha kubadda Kolleyga, waxaana Munaasibadii xidhitaankaTartankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socota xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye iyo sidoo kale  xidhiidhka kubadda Kollayga, iyo dadweyne fara badan oo soo buuxiyay garoonka.

Labada kooxood ee Nagaad iyo wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo isugu soo hadhay final-ka tartankan ayaa ciyaar aad u sareysa kusoo bandhigay gegidaasi. Waxaana guusha ciyaartaasi raacday kooxda W. Macdanta Iyo tamarta oo ku hantiyay koobka 8 dhibcood oo kaga badiyeen kooxda ku ciyaaraysay dalladda Nagaad.

Natiijada ciyaartaasina waxay ku dhammaatay 52 dhibcood oo ay kooxda W.M.& T keensatay iyo 44 dhibcood oo kooxda Dalladda Nagaad keensadeen.

Waxa bilado la guddoonsiiyay ciyaartoyda uu kamid yahay, Naasir Oo kooxda Nagaad Ka Tirsanaa, oo Ku Guulaystay bilada ciyaartoygii ugu goolasha badnaa tartankaasi, Sidoo Kale Mustafe Qodax ayaa isna la siiyay bilada Ciyaartowgii Ugu Fiicnaa Tartanka.

Dhinaca kale, Tababaraha kooxda ku ciyaaraysay dalladda Nagaad Mr. Cabdikariim Ismaaciil Xariir (Karo) ayaa hambalyeeyay kooxdii kasoo horjeeday ee ka qaaday koobkan iyo sidoo kale ciyaartoydii ku guulaysatay biladaha Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu tababare Karro ku yidhi sidan; “Haddaanu Nahay Kooxda Nagaad Network, Waxaan Hambalyo U Dirayaa Dhammaan Ciyaartoydii Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Oo Ciyaartii Finalka Guushu Raacday Ciyaar Aad U Xamaasad Wacnayd.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here