Taxanaha Horumarka Uu Ku Tallaabsaday Madaarka Hargeysi (Q:10aad)

0
48

Waa Sidee Horumarka Lagu Sameeyey Adeegga Dhoofayaasha Iyo Soo Degayaasha Adeegsada Madaarka Cigaal Int. Airport

Taxanaha Horumarka Uu Ku Tallaabsaday Madaarka Hargeysi (Q:10aad)

Mudadii Horumarka ballaadhan lagu sameeyey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport dhinacyada aadka looga shaqeeyey waxa ka mid ah dhinaca adeegga Madaarku bixiyo (Service) iyada oo masuuliyiinta hawshani khusaysaa masuuliyad ballaadhan iska saareen sidii Adeegga Madaarku ula jaan qaadi lahaa kuwa caalamka iyo waliba sidii ay isu waafaqi lahaayeen horumarada ballaadhan ee madaarka ka haan qaaday. Waakan Maamulaha Madaarka Hargeysa Md. Maxamed Yuusuf Ismaciil oo ha hadlaya Muhiimadda Adeegga Madaarka Hargeysa iyo sida ay wax uga qabteen ee bulshada ugu adeegaan. Agaasime Maxamed oo arrinkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “ Adeegu Ahmiyad weyn ayuu u leeyahay Madaarada, waxyaabaha aanu xoogga saarno waxa ka mid ah xagga Ammaanka, Badqabka iyo adeega, marka ay madaar noqoto waxyaabaha lagu majeeran karo, soo jiidasha iyo soo dhaweyanta waxyaabaha qayb libaaxle ka qaata, barigii hore xukuumaddan ka hor adeegga madaarku aad ayuu u hoosyeey.”

Qaabkii Hore Ee Adeegga Loogu Fidin Jiray Dadka Soo Dega

Maamulaha Madaarka Hargeysa Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo arrinkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Dadka soo degayaasha ahi waxay la kulmi jireen dhibaatooyin faro badan oo ay kow ka tahay in dadka suuqa ka imanaya uu qofku kula kulmi jiray diyaaradda hoosteeda, taas oo qofku uu taraag dheer ku soo jiray oo uu dhib badan dareemayo oo ay ugu horrayn qofka Baasaboorkiisa oo laga qaado, taagii shandadahiisa diyaarada hoosteeda lagaga qaado, oo halkaa lagu camaanjooleeyo, lacagta halkaa lagaga qaado baaqi aan loo celin buuq iyo rabash iyo dad badan la kulmo, hallka ay dadka qaar taagaga iyo shandadahu ka lumi jireen. cashuurta lafteeda la dhaafin jiray oo qof shaqaale ah oo ay ehel yihiin laba qof iyo sadexba loo siidayn jiray ama mid nin askari ah uu dhaafin jiray, oo loo siidayn jiray, dabeed qofka intuu laba boqol oo dollar uu halkaa kaga qaado aan dakhligii iyo qasnadii dawladda hab yaraatee wax ugu dhacaa aanay jirin, is dhexyaac iyo buuq badani dhici jiray oo qofku karho,”

Qaabka Imika Dadka Loogu Adeego

Is badal weyn ayaa lagu sameeyey qaabka wakhtigan dadka loogu adeego Madaarka Hargeysa waxaana mar kale arrinkaasi inoo sharraxaya Maamulaha Madaarka Hargeysa Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxaanu yidhi: “Alxamdulilaa maanta waxaanu madaarka Caalamiga ah ee Cigaal kala mid dhignay Madaarada kale ee aduunka anaga oo waafajinay xeerarka ICAO, qofku marka uu soo dego cida ugu horaysee uu la kulmayaa waa laanta socdaalka oo su’aalo iyo sharcigiisa weydiinaysa sida Madaarada caalamka, basaborkaa uu ku safraayo marka uu cadeeyo qofku ee Nidaanka loo galiyo, waxa uu u gudbayaa Wasaarada Maaliyada waxana uu binxynayaa Cashuurta ku waajibtay, taas oo barigii hore dhici jirtay in lacago faro badan lagaga qaadi jiray madaarka, haday noqoto lacag Sodon doller ah 30$ oo khasab ku ahayd in uu qofku sarifto looguna sarifi jiray sarif ka hooseeya inta uu suuqa ka maraayo oo isaga oo Todobada kun ah ayaa Afar dadka la siin jiray, waxa noo suuro gashay lacagahaas oo dhan in aanu meesha ka saarno, iyadana waxaa kale oo jirta in la mideeyay Cashuurtii laga qaadi jiray qofku marka uu soo degayo iyo marka uu dhoofayo oo hada mar laga wada qaadayo, marka uu lacagta bixiyo waxa uu qaadanayaa Rasiidka lacag bixinta oo uu hadana kaga gudbayaa qaybta hubinta ee cashuur ilaalinta,”

Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray: “Markuu qofku intaas dhaafo waxa uu la kulmayaa shandadihiisii, isaga oo sita Basaboorkiisii,Waraqdiisii Cashuur qabashada , iyo Taagagiisiiba, oo aan wax dhib ah la soo kulmin shaqaale carbisanina adeegyadaa ay u qabanayeen, shandadaha markuu u yimaado waxaa goobtaa jooga xamaaliin tababaran, xamaaliinta wakhtigaa hore oo sida ay doonaan u soo galijiray goobtaas oo is dhex yaac iyo qofka oo ay shandadaha ka kala jiitan ay dhici jirtay, waxaanu ku bedelnay in cusub oo sahlan, waxa kale oo taas barbar socota shalaae diyaaru ah inay caawiyaan dadka Curyaamiinta ah oo ay gaadhiga yare e gacanta kaga soo qaadayaan Diyaaarada hoosteeda ilaa iyo ay ku wareejinayaan qofka ehelkiisa ah ee sugaya, xamaalkaasi markii hore dadka waxa uu weydiin jiray lacag waxa uu doono oo uu ka qaadi jiray midba halka uu ka helo, waanu bedalnay taana oo Xamaalintaas Dirays ayanu u samaynay lagu garto qiimaha uu qofka waxa ugu qaadayana waxaanu ka dhignay oo aanu ku soo ururinay Shan Doller 5$ oo xitaa Dirayska ay xidhan yihiin ayaanu ku qornay si qofku u arko. Waxaa iyana jirtay oo dhici jirtay is dhexyaac xaga Tagsiga ah oo marka uu qofku barxada hore u baxo ee Madaarka uu la kulmi jiray kala jiidasho iyo buuq iyo lacagta ay doono oo qoka ku yidhaadaan tagaasidu,taas iyana waanu bedalnay oo qofka soo degaha ah ee tagsi u baahan xaafad waloo magaalada ka mid ah qiimo ayaanu u jarnay.”

Adeegyada Loo Qabto Qofka Dhoofaya

Adeegyada loo qabto dadka Dhoofaya ee Passenger-ka ah ayaa iyana si weyn loo kordhiyey is badal weyn oo ballaadhana lagu sameeyey. Maamulaha Madaarka oo mar kale ka war bixinaya waxa ay adeegaasi ku soo kordhiyeen ama ka badaleen waxa uu yidhi: “Qofku marka uu dhoofaayo waxa qaabila shaqaale u tababaran oo si anshax leh ugu adeega, qofku marka uu Madaarka soo galo cidda ugu horaysa ee uu la kulmayaa waa qaybta Security-ga oo ah nidaamka baadhitaanka ee qofka iyo alaabtiisa lagu soo baadho oo waxa ay shaqaalahasi yihiin kuwo u carbisan habka baadhitaanka dadka, markuu qofku intaas baadhitaanka soo maro waxa uu yimaadaa Shirikadda Diyaaraddii uu raacayey iyo Shirikadda Naasha ee Raritaanka iyo miisaanka agabka. Tigidhka ayuu u dhiibaa oo alaabadiisii iyo shandadihiisii ayaa halkaa loogu diyaariyaa oo lagu miisaamaa. Shaqaalaha ay Diyaaraduhu u soo dirsanayaam madaarka waa qaar ay Wasaaradda Duulistu soo hubisay oo ay soo gudbisay lana jaan qaadi kara shaqaalaha Madaarka oo dabcan qofka laga cawdo iyo ka akhlaaqda daran dee dhaliishu shirkadaha ku noqon mayaane waxa yeelanaya Madaarka, sidaas ayaanu isaga hubinaa,”

Lacagaha Madaarka Lagu Qaban Jiray Ee Hadda Nidaamkooda La Badalay

“Hadda qofku marka uu dhoofayo Madaarka gudahiisa wax lacag ah lagama qaado marka laga tago haddii uu sito miisaan dheeraad ah shirkadda uu raacayo lacagta ay halkaa miisaanka kaga soo qaaddo, wixii ka horeeyey bilowgii sannadkan dadka dhoofaya madaarka ayaa laga qaadi jiray laba lacagayow oo kale ah Toddobka Doollar ee uu waajibiyey xeerka Takaaliiftu iyo Saddex doolar oo adeega Wasaaradda duulista ah, hadda lacagahaas shirkadaha diyaaraha ayaa noo qaada oo qofku markuu tigidhka goosanayo ayey ka qaadaan.” Ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa oo arrinkaasi faahfaahinayay waxaanu intaasi ku daray: “Markaa qofka oo mabsuud ah ayaa taga qaybta laanta socdaalka oo lagu hubiyo sharcigiisa su’aalo koobana lagu weydiiyo sidii markii uu soo degay oo kale, mar labaad ayuu hadda marayaa qaybta security-ga oo la baadhayaa isaga iyo shandadahiisaba, ka dibana wuxuu galayaa hoolka dhoofayaasha halkaas ayuu diyaaradda ku sugayaa halkaa waxaa ugu diyaar ah Maqaaxidii shaaha, shaqaale carbisan oo soo dhaweyn leh. nadaafadda oo kor loo qaaday cuntadii wuu ka helayaa quraacdii, qadadii, internet-kii oo uu iska isticimaali karo haddii Diyaaradu dib uga dhacdo, Tv-gii oo leh wararkii, xilliga salaadda goobtii uu ku tukanayey oo waxyaabahaas oo dhami waa waxyaabahii aanu hore u lahan jirin madaarku waa adeegyada uu maanta madaarkeenu ku faani karo, dabcan way jiri karaan waxyaabo nalugu dhaliili karaa oo dadweynaha waxaan u sheegayaa in aanu u dhago furanahay tallo soo jeedin kasta oo aanu wax ka qabandoono oo waxa aanu leenahay xafiis u diyaar ah tabashada dadweynaha oo waa Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaarada Duulista fadlan taladiina halkaas noogu soo hagaajiya.”

….La Soco

2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here