Tayo-xumada Qalabka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland oo Sababay In Xukuumaddu Hakiso Soo Dejinta Qalabka Isgaadhsiinta & Adeegyadooda

0
27

Akhri Nuxurka Wareegto Wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Somaliland Ay Soo Saartay Oo Lagu Socod Siiyey Dhammaan Hay’adaha Dawliga Ah

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay joojiso soo dejinta Qalabka Isgaadhsiinta ee dalka dibeddiisa laga keeno. War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayuu ku sheegay in isagoo raacaya Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka isla-markaana eegaysa Tayada Qalabka Isgaadhsiinta ee dalka yimaadda ay hakisay soo dejinta Qalabkaasi.

Wareegtadan oo soo baxday shalay, ayaa sida lagu sheegay ay wasaaradu u cuskatay xeerarka khuseeya isgaadhsiinta iyo sidoo kale ilaalinta tayada qalabka kala duwan ee loo adeegsado isgaadhsiinta.

Sidoo kale waxa hakiyey bixinta adeegyada isgaadhsiinta laga bilaabo 15-ka bishan aynu ku jirno, iyadoo qoraalka kasoo baxay wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda lagu faray dhammaan hay’adaha dawladda inay ka gacan siiyaan wasaaradda amarkaasi lagu hakiyey dhammaanba soo dejinta qalabka isgaadhsiinta.

Daawo Muuqaalka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here