WQ : Maxamed Xuseen Jaamac Somaali
Umad waliba waxa ay leedahay dhaqan soo jireen ah oo ay ilaashato waxa soo gaadhaan ay dhaawacaan sharafta iyo karaamada ay umadaasi leedahay , inagu Somaali ahaan waxa aynu leenahay dhaqan suuban oo aynu kaga soocanahay umadaha kale ee inagula uuman dunida guudkeeda , waa dhaxal aynu ka dhaxalnay awoowyaasheen .
Hidihii iyo dhaqankii suubaan waxa uu ku milmay dhaqano quruumo kale ay leeyihiin oo dibadaha la inooga soo waariday dhalinteeniina ay si hubsiimo la `aan ay uuga xuubsiibteen dhaqankoodii ay asal ahaan la haayeen.
Kadib burburkii laxaadka lahaa ay soo gaadhay wadanku waxa uu keenay in ay meesha ka baxaan waaxyihii qaabilsanaa dhaqanka iyo ilaalintiisa haddii ay tahay Wacyigalin waxa meesha ka baxay xaruumihii dhaqanka sida Tiyaatarkii qaranka ,abwaanadii u tafaxaydnaa hagida dhalinta ,riwaayadihii la dhigi jiray ee ay ku mashquul jireen, waxa gaabis ku yimid wasaaradii hidaha iyo dhaqanka oo magac ahaan uun noqday wax tarna aan u soo hoyn bulshda in ay u ilaaliyaan dhaqankooda.
waxa hoos u dhacay doorkii ay culimadu ku lahayd arintan oo koobaha cibaadada badankooda hada waxa lagaga hadlaa arimo u badan siyaasad. waalidku isna waa ka uugu daran ee gabay doorkii waalidnimo ee kaga aadanaa ilaalinta dhaqanka ubadkiisa ,ilmo kastaa guri buu ka soo baxaa uu waalid joogo ,waxa iska caadi noqotay in aan hushba la odhan oo sida ay doonaan u xiirtaan waxa ay doonana gashadaan,
Tays malaha taalooga iyo timo la xiiraaye ,taf la jiidiyo bay hayaan tookha dibadeede.
waxa aad ka naxaysaa sida ay hablaheenii iyo wiilasheenii suuqyada ku marayaan waana arin aad looga xumaado halka ay marayaan waa meel kale arwaaxdoodu duni kale ayaa ay joogtaa jidhkoouna waa uu ina la joogaa.
Timo qasab ma lagu xiiri karaa?
Maalmahan uugu danbeeyey waxa aynu la soconay dhalinyaro ay ciidamadu baacsanayaan oo qasab lagaga xiiraayo timaha ma haboontahay in talaabadan ay dawladu qaado?
Run ahaantii talaabadaasi waxa ay ahayd laab_la kac iyo arin aan caqli saliima ku dhisnayn ,in dhaqan xumada lala dagaalamaa waa waxa ay dawladnimadu tahay iyadaana dadka ka masuul ah laakiin in dhalinyaro camal la`aan marka horeba ay daashatay oo suuqyada dhex yuurura wax ay qabtaana garan la`aa in wadanka iyo dawladaba la sii nacsiiyaa waa arin aad u fool xun.
Waxa ay ahayd in wacyi_galin loo sameeyo ,xeerar iyo goodiyo laga horaysiiyo looga digo in waxani yahay deel qaaf iyo xad gudub ay ku samaynayaan dhaqankeena iyo diinteenaba, ka dibna talaabadan la qaado.
Askarta loo diray hawshani maaha kuwo xirfad u leh hawsha ay fulinayaan xoog kaliya ayaa ay adeegsanayaan , suuqyadii waxa ay galiyeen mashquul ,tuugtii baa u hoos raacinaysa marka ay dhalinyaradii goobaha ganacsiga haystay ay firxadaan meheradaa yaa ka masuul ah ilaalinta hantida taal ee wiilkii joogay uu fakaday?
Natiijada arintani waxa ay noqon doontaa in ay colaad hor lihi ay dhex marto ciidanka booliiiska iyo dhalinyardaa
Waxa sii kordhi doona dhalinyarada hadimada ku haya xaafadaha oo in kale oo markii horaba nadiif ahayd baa dhaqankani ku qasbi doonaa in ay xifaaltan ahaan u galaan .
Xukuumada cusub waxa aynu ka sugaynay in ay arimo waaweyn 120ka cisho inoo fuliso oo ay ka midyihiin sixir bararka aafeeyey umadeena , bilicda iyo nadaafada magaalooyinkeena ,soo dhamaystirka laamaha dawlada waxii ka dhiman ,la xisaabtanka masuuliyiintii musuqa ku kacay iyo qaar kale oo fara badan laakiin meel soke ayaa ay arinka ka bilowday.
Waxa iyana isweydiin mudan Wasiir Khaliil mudo 7sano ah ayaa uu umada wakiil uuga ahaa arimaha diinta iyo dhaqanka suuban waxa ay umadu la yaabtay maxaa uu sanooyinkaa farabdan dhaxal uuga tagay umada arimihii uu u igmanaa , masuuliyada ka saaran ma hada ayaa uu gartay mise waxa uu buuxinayaa wax_qabadkii uu madaxweynaha cusub ka sugaayey 100 ka cisho ee u horeeya in wsaraarad waliba ay qabato wax muuqda oo umada wax tar u leh ayaa uu o dhanayaa madaxweyne waxa aan dhaqan kii ku soo dabalay dhalinyaradii bahalowday!!
Maxamed Xuseen Jaamac Somaali
Ababiye11@gmail,com
063_4410447
Hargaysa_Somaliland.