Danjiraha Somaliland U Jooga Dalka Sweden Oo Ka Waramay Mashruuc Ballaadhan Oo Somaliland Loo Maalgalinayo, Iyo Barnaamij Laga Diyaariyey Oo Telefishenka SVT Baahiyey
Hargeysa (Hubaal) Telefishenka ugu weyn dalka Sweden oo lagu magacaabo SVT ayaa barnaamij xiiso badan leh ka diyaariyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Telefishenka SVT ayaa warbixinta kaga hadlay kheyraadka kala duwan ee Somaliland ay leedahay.
Barnaamijkan oo laga baahiyey telefishenka SVT, ayaa diirada lagu saaray kheyraadka badda, gaar ahaan mashruuc ballaadhan oo ku saabsan ilaalinta kheyraadka ku jira badaha Somaliland qaybahiisa kala duwan.
Barnaamijka SVT baahiyey ayaa yimid kadib markii xukuumadda Somaliland sheegtay in dhulka Somaliland ay ka dhigto 35% dhul seero ah oo ka caagan kalluumaysiga, kaasi oo laga hirgelinayo saddex goobood oo Somaliland ku yaalla. Sida barnaamijkan lagu sheegay go’aankan ay xukuumadda Somaliland gaadhay ayaa yimid kadib markii Midowga Yurub ay soo saareen iyo waddanka kasta oo caalamka ka mid ah uu badiisa 35% uu ka dhigto dhul kalluumaysiga ka caagan, sii jiilalka soo kacaya ay uga faa’ideystaan.
Mashruucan ayaa xukuumadda Somaliland ay u wakiilatay hirgelintiisa, wakiilka Somaliland u jooga dalka Sweden, Danjire Sakariye Xasan wacays, waxaana goob-joog ka ahaa telefiishenka ugu weyn dalka Sweden ee lagu magacaabo SVT iyo shirkadaha maalgalinaya mashruuca.
Barnaamijka uu baahiyey telefishenka SVT ayaa lagu bilaabay kulan wasiirrada deegaanka iyo wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland ay dalka Sweden kula yeesheen shirkadaha mashruucaasi fulinaya, taasi oo wejigiisa labaadna uu ka dhacay Somaliland.
Ambassador Sakariye ayaa sheegay in mashruucan yahay mid ballaadhan oo waxtar weyn u leh Somaliland, waxaanu sheegay in haddii waddamada caalamku ay ka dhex arkaan dantooda ay taasi keenayso aqoonsi ay Somaliland hesho isaguna uu arrintaasi ka shaqaynayo.
Danjire Sakariye ayaa intaasi ku daray, inuu u mahadnaqayo xukuumadda Somaliland sida ay marwalba u garab taagan yihiin horumarka dalkooda.
Barnaamikan ayaa noqonaya kii ugu horreysay ee telefiishen laga leeyahay dalka Sweden lagu soo bandhigo horumarka Somaliland. Waxa ahayd dhammaadkii bishii inna dhaaftay, markii mid ka mid ah xisbiyada ugu waa weyn dalkaasi uu soo bandhigay taageeradiisa qadiyadda Somaliland, iyadoo ay qaar ka mid ah xildhibaannada ay baarlamanka hor geeyeen ictiraafka jamhuuriyadda Somaliland. Arrimahan oo dhan ayaa waxay kusoo beegmeen muddada kooban ee uu xafiiska fadhiyo danjiraha Somaliland u jooga dalkaasi , Sakariye Xasan wacays oo tallaabooyin muhiim u ah Somaliland kasoo hooyayay