“Wixii Aynu Is-nidhaahnaana Waa Sir Qaranku Leeyahay, Wixii Innoo Gooni Ahna Waxaan Idinku Adkaynayaa In Aanu Dibada U Bixin”- Wasiirka Shaqo-gelinta
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Shaqo galinta Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa kulan la yeelatay agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaraddaasi, waxaana kulankan goob joog ka ahayd agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogalinta iyo arrimaha bulshada Marwo Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso), ugu horeyn waxa warbixin siiyey wasiirka agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaraddaasi oo ka waramay qaabka iyo nidaamka ay wasaaraddu u shaqayso iyo hawlaha muhiimka ah ee qaranka ay u hayso wasaaraddu. Wasiirka shaqo galinta iyo arrimaha bulshada Hinda Jaamac oo gabo gabadii halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tilmaantay in loo baahan yahay in la dhaqaajiyo dhammaan hawlaha u yaala wasaaraddaasi, isla markaana loo baahan yahay in caddaalad loo sameeyo shaqaalaha wasaaradda. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi “Cadaalada cida koowaad ee loo baahan yahay inay fulisaa waxa la doonayaa inay idinka dhexdiina noqoto” Wasiirka oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi “Ka wasiir ahaan waxa la igu magacaabay wasiirka shaqo galinta taleefoonada igu soo dhacayey kuwa I leh hambalyo waxa igaga badnaa kuwa leh waanu maqalnay in shaqo abuurkii lagaa dhigaye waxaan ku soo gaadhsiinayaa CV-gayga aad meel ila doontid inta lehna sidoo kale, markaa cidda la doonayo inay shaqo abuurka samaysaa waa inaga, waxa la inaga doonayaa sida ay shaqada u kala leedahay inay waaxnimadeeda u wada shaqayso, iyada oo la is xaqsiinayo la isna dhawrayo, shirka shaqaaluhuna waxa uu noqon doonaa bishii sadex goor oo tobankii cishaba maalin ayeynu haddii ALLE ka dhigo samayn doonaa dhamaanteen xil ayaa qaranka inaga saaran waxa aynu is nidhaahnaa waa sir qaranku leeyahay wixii inoo gooni ahna waxaan idinku adkaynayaa inaanu dibada u bixin”.
Wasiir Gunaanadkii shirkaasi waxay shaqaalaha wasaarada ay fartay in shalay laga bilaabo wakhtiga Shaqada lasoo galayaa ay tahey 7:00 subaxnimo sidoo kale shaqada in laga baxaayo 2:00 duhurnimo